Home » Warar »

Madaxda JWXO oo Switzerland booqatay

Ogaadeenya waa mid, waa ul iyo meeyrax, matano weeyoo meel beey ka wada timid, midabka asalkiyo madhabteey ka siman tahay, waxaa erayadan ku luuqeeynayay fanaanka weeyn ee Soomaaliyeed Mudane Cabdow Muuri oo ah madaale har iyo habeen garab taagan shacabka dulman ee Ogaadeenya.

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar  uu na la socdo gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka Arrimaha Bulshada (HAAB) Mudane Maxamec Cabdi Yaasiin Diirane  ayaa shalay kulan hoowleed la qaatay maamulka iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliya Ogaadeenya ee Switzerland.

Halkan ka daawo Sawirada

Ugu horeeyntii maamulka jaaliyada Switzerland ayaa warbixin yar oo kooban soo jeediyay wafdigana ugu mahad celiyay booqashadooda ka dibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay  GXK Mudane Maxamed Ismaaciil oo goobtaa ku soo bandhigay warbixin dhameeystiran oo gudo iyo dibadba ah kuna saabsan halka uu marayo halganka xalaasha ah ee JWXO hogaamineeyso.

Mudane Maxamed Ismaaciil wuxuu xusay in halganka JWXO uu ka duwan yahay kuwii horey wadankeena u soo maray is la markaana ku biloowday tiro iyo tayo yar hadana uu daboolay baahida dalkeena in ka badan 80%. Waagii baryana uu sii kordhayo dhinac ciidan, siyaasad, daqaale iyo is ku duubnida bulshada .  Waa halgan eeyan qoraxda ka dhicin shanta qaaradood ee aduunka waqti walba oo la joogo xubno ka mid ah jaaliyadaha Ogaadeenya ee dunida ayaa hoowl dadka iyo dalka lagu samatabiniyo u taagan.

Mudane Maxamed Ismaaciil wuxuu carabka ku adkeeyay in gumeysiga itoobiya wax aan dhib ahayn uusan kala kulmin Ogaadeenya is la markaana ciidamada JWXO ku karkariyeen Ogaadeenya taasina ey keentay in xanuunkii uu adkeeysan kari waayo deetana uu noqday neef la goowracay geedo kama waabto isagoo rajo been ah is galiyay oo ah in halganka shacabka dibadaha laga damiyo taas oo la mid ah habeenkii xalay oo tagay in uu dib u soo laabto.

Hogaanka Arrimaha Abaabulka Bulshada (HAAB) Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin Diirane oo isna khudbad goobta ka jeediyay ayaa ayaa xusay in jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibadu yihiin safaaradihii reer Ogaadeenya ee dunida waajibkoodiina guteen hase ahaatee  looga baahan yahay hoowlo ey ka mid yihiin saaxiib u sameeynta qadiyada, abaabulka qurba jooga, wacyigalinta iyo garab istaaga CWXO ilaa uu dalka ka xoroobayo.

Mudane Diirane wuxuu nasiibdaro iyo diin ka bax ku tilmaayay kuwa muuqaalka muslimka leh ee gumeeysiga isu dhiibay ka dibna bilaabay in ey isaga u shaqeeyaan iyagoo uga hiilinayo qof muslim ah oo la dulmiyay oo xuquuqdiisa raadsanaya.

Qof umad gumeeysta Fircoon ayaa ugu horeeyay wuxuuna ku bilaabay (Shiyacan) kala qeeybin taas ayaana u sahashay in uu xukumo. Midnimo ayaa umadeena faran si aan uga baxno gumeeysiga ayuu yiri Mudane Diirane.

Socdaalka wafdiga JWXO ayaa ah mid ey kula kulmayaan sanad walba jaaliyadaha Ogaadeenya ee dunida iyagoo ka wada hadlaya xaaladaha ugu danbeeyay ee dalka Ogaadeenya. Wafdiga ayaa horey u soo maray wadanka Jarmalka  hadana Switzerland uga ambabixi doona wadamada kale ee Yurub.

Jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland

communauteogaden@net2000.ch

 

 

 

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.