Home » Warar »

Fu’aad Shangolle oo si kulul u beeniyey in lagu diley Dagaalkii Garbahaareey

Iyadoo Maalmahaan si aad ah loo hadal hayey in Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf ( Shogolle) lagu diley Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Garbahareey ee Gobolka Geddo kasoo uu u dhaxeeyey Ciidamadda Dowladda FKMG iyo Xarakadda Al-shabaab, dagaalkaas oo lagu tilmaamey dagaalkaas kii ugu Xooga badnaa ee dhexmaray Labadda Dhinac, hadaba Arbacadii May 4 ayaa waxaa Magaaladda Muqdisho Shir Jaraaid ku qabtey Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf wuxuuna ku beeniyey in lagu diley Dagaalkii Garbahareey.

Shiikh Fu’aad oo markii uu qabanayey Shirka Jaraaid waxaa Miiska u saarnaa Qoriga AK 47 wuxuuna sheegey in uu nool yahay islamarkaana in wax lala yaabo ay tahay been sidaa u weyn in la faafiyo wuxu sii raaciyey” waxay yiraahdeen xitaa Maydkiisaan haynaa waa arrin kale oo Cajiib markii Ilaah idmo ayaa Dhimanayaa inta kale waxaan la dagaalamayaa kuwa ku soo duuley Shareecadda Islaamka oo uu ugu horeeyo Mareykanka “

“ Waxaan ugu Bishaareynayaa Muslimiinta , waxaan ka nixinayaa Waqtigaan Caddowga Islaamka oo uu ugu Horeeyo Mareykanka iyo inta kale ee ee Daba socota waxaana leeyahay waa idiin la Dagaalamayaa inta aan noolahay” ayuu yiri Shiikh Fuaad oo sheegey in Xarakada Alshabaab ay sii Wadi doonto Dagaalka ay kula jiraan Gaalada iyo kuwa raacsan.

Shiikh Fuaad oo Xarakadda Alshabaab u qaabilsan dhinaca Dacwada ayaa ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in u istaagaan sidii ay u daafici lahaayeen Shareecadda Islaamka ,wuxuu kaloo uu sheegey in laga kuuleysan doono kuwa duulaanka ku soo qaadey ku dhaqanka Shareecadda Islaamka .

Isniinta ayaa Nin sheegtey in uu yahay Gudoomiyaha Gobolka Geddo sheegey in Dagaalkii Garbahareey ay ku dileen Fuaad Shongolle iyo Saraakiil Kale oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab wuxuu kaloo uu sheegey in ay Hayaan Meydka Fu’aad Shongolle.

Sanadkii Hore gaar ahaan bishii May ayaa waxaa Masaajid ku yaala Bartamaha Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay Qarax weyn kaas oo la sheegay in Taargedka uu ahaa in lagu Khaarisjiyey Shiikh Fuaad Maxamed Khalaf waxaana Qaraxaasi ku dhintey dad gaaraya ilaa Soddon Qofood oo u badnaa dad kitaab ka raacanayey Masjidkaas ilaa hadda cid sheegatey ma jirto hase yeshee Xarakadda Al-Shabaab ayaa ku eedeysey in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen dad u shaqeynayey Mareykanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.