Home » Warar »

Somaliya: Saameynta Abaaraha oo sii kordheysa ka dib markii ay roobabkii ay dib u dhaceen

Warsaxaafadeed:

Tirada dadka Soomaalida ee baahidu heyso ayaa lagu wadaa inay sii korodho madaama saameynta abaartu ay tahay mid sii socota kana jirta waddamada Geeska Afrika, sida Qaramada Midoway ka digeen. Hadda, 2.4 malyuun oo Soomali ah — Ama 32 boqolkiiba dadka waddanka ayaa hadda u baahan gargaar baniaadaminimo, laakiinse dagaalada sii soconaya oo ay wehliyaan hoos u dhaca ku yimi wax-soo-saarkii beeraha iyo dhimashada xoolaha ayaa dad badan oo Soomali ah noloshooda khatar gelin karta .

Labada qaybood ee ‘Hayadda Cuntada iyo Beerha ee Qaramada Midowbey: qaybta Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) iyo qaybta maareynta xogta dhulka iyo biyaha ee Soomaliya (SWALIM) waxay ku warbixiyeen in xaaladda dalku ay ka sii dari karto, taas oo ay ugu wacan tahay Abaaraha is biirsaday, Sicirka raashinka oo cirka oo isku shareeraya,iyo dadka sida joogtada ah uga sii barakcaya colladaha socta.

“ Abaartu waxay saameyn balaaran ku yeelatay waddanka intiisa badan, taas oo sababtay in xoolahii ay lee’daan iyo korodhka sicirka cuntada iyo biyaha taas oo runtii dhib ku ah dadka dan yarta ah in ay naftooda quudiyaan” sidaa waxaa yiri Grainne Moloney, Madaxa Hay’adda Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada .

Sicirka firileyda ayaa wali sii kordhaya, oo uuna ka sii sare maray 135% bisha Maarso ee sanadkan 2011 marka la barbardhigo Maarso sanadkii 2010 qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Waxa jirta cabsi laga qabo bulshooyin dhammi ee Koonfurta inay soo foosaarto xaalad adagi xilli abaareeddkan taas oo ay weheliso gargaarka Bin’aadaminimo ee aan ka jirin qaybo ka mid ah koonfurta Soomaliya sababo nabadgelyo darro awgeed.Qoysaska dan yarta ah waxaa dhib ku ah inay helaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah, sidaa darteed, waxay dantu ku kaliftay in ay u haajiraan waddanka gudahiisa iyo dibaddiisa si ay u helaan cunno iyo dakhli ay nolosha ku maareeyaan.Haddaba, fursadaha jiraa way xadiddan yihiin iyadoo abaarta hadda jirtaa ay tahay mid goboleed. Roobabkii ka daáy gobollada waqooyi dhammaadkii bishii Maarso ilaa hadda waxay ahaayeen kuwo aan ku filnayn oo aad yar, horseedaysana korodhka dhimashada xoolaha, iyo korodhka sicirka cuntada daruurigaee deegaanada, qoysaska dan yarta ah waxay la xarbiyayaan sidii ay baahidooda u dabooli lahaayeen oo dhibka uga bixi laaheeyeen.

Inkasoo ay tahay deg-deg in la odoroso roobabka hadda waxay ku dambeyn doonaan, saadaashu waxay sheegaysaa in wax-soo-saarka beeraha laga filayo uu ka hoos mari doono intii caadiga aheyd oo beeraleyda Soomalida goosan jireen taas oo mar waliba ku xirneyd roobabka iyo waraabka webiyada oo lagu dabco dalagyada quuta daruuriga ah sida galleyda iyo masagada/ hadhuudhka. Roobabka xilliga Gu’ga waa kuwa ugu muhiimsan wax-soo-saarka firilleyda( Galleyda iyo Masagada), haddii roobabkani ay si hagaagsan u di’i waayaan, iyadoo xilligii la soo dhaafayna dallagii beerahana la waayey, taasi waxay keeni kartaa in qiimaha cuntooyinka ay si aad ah u kordhaan oo keeni karta dad badani ay awoodi waayaan inay gataan.

“ Heerka joogga webiyada -Shabelle and Juba- oo ahaa kuwo inta badan aadka looga faa’ideysan jiray dhinaca waraabka beeraha ayaa joogoodu hoos u dhacay marka loo eego xilliyadii caadiga ahaa, taas oo ay ugu wacan tahay roob la;aanta ka jirta buuraleyda Itoobiya oo inta badan biyaha ku soo shubi jiray webiyadan,” sidan waxa yiri Hussein Gadain, Madaxa qeybta biyaha ee hayaádda SWALIM.

Soomaliya waxay ku jirtay massibooyin tan iyo 1991, Waxayse xaaladdu sii xumaatay bishii Maarso 2007 markii dagaaladii dib u soo cusboonaadeen. Heerka nafaqo darida ayaa ah midda ugu sareysa addunka, iyadoo afartii ilmoodba/cunug mid uu nafaqo darro ba’an heyso gobollada koonfureed, goobahaas aan gurmadka bani’aadaminimo ay ku yar tahay ama ayna jirin nabad galyo darro awgeed. Moloney ayaa sheegtay in hadda loo baahan yahay gurmad balaaran si loo badbaadiyo nolosha dadka, laguna ilaaliyo habnololeedyadood dhammaan wadanka si loo daboolo baahidooda loogana hortago macaluul baahsan ama dhimasho. Abaartu waxay barakicisay dad ka badan 50,000 Soomali ah oo ku nool waddanka gudihiisa, sida ay sheegtay Qaramada midoobeey, Nabadgelyo darida iyo faqriga ayaa waxay ka dhigtay Soomaaliyawaddanka ugu massibada badan adduunyada. Tobonaan kun oo Soomali ah ayaa lagu qasbay in ay u caraaraan waddamada deriska la ah Soomaliya sida; keenya iyo Yemen, sannad walba.

Waxaa warsaxaafadeedka soo saaray Fao – Abriil 27, NAIROBI

Qoraalka asalkiisa halkan ka qooraanso

Haddii aad u baahan tahay wareysi, sawiro iyo xog dheeraad ah, fadlan la xidhiidh: Frank Nyakairu La Taliyaha dhinaca Isgaadhsiinta , +254 – 729 867698; or Email: frank.nyakairu@fao.org

Weriyeyaasha: Nuqullo War Saxaafadeedka waxaad ka heli kartaan shabakadda FSNAU: www.fsnau.org ama www.faoswalim.org.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.