Home » Warar »

Denjire Guulwade “Madaxweyne Geelle Waxaa uu Amrey Dayactirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Jabuuti…” Wareysi Muhiim ah

Denjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Amb. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Cabdiraxmaan Guulwade) oo Somalitalk wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeelatey Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, ayaa waxaa uu ka Hadley khilaafka madaxda sare ee DFKMG, halka laga maalgeliyo maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya, xiliga la dhisey safaaradda soomaaliya ay ku leedahay dalka jabuuti iyo cidda xiligan gacan ka geysatey dayactirka safaaradda soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Denjire Guulwade oo ka waramaya xaaladda guud ee safaaradda ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “safaaradan mudo badan bey xirneyd, maraaxil badan wey soo martey, mahad ilaahay hadda waan furney, waxaa ka socda dibu-dhis safaaradda ah iyo dibu-habeyn, sidaad inshaada ku aragto, insha allaahu waxay ku soo noqon-doontaa sidey awal ahaan jirtey, intaannan burburku dhicin, taasina waxaa weeye waajib nasaaran, in meesha siday ahayd ku soocelino, waanu ku dadaaleynaa, waxaana culeys saarney guryihii Qaranka soomaaliyeed uu ku lahaa dalka walaallaha nahay ee Jabuuti, in la sooceliyo oo dadkii sida sharciderida ugu jirey labaatankii sanno laga sooceliyo, laguna sooceliyo gacanta Qaranka oo ay safaaradda wakiil ka tahay, hawshaasi si aad ah ayey u socotaa, waxaana rajeyneynaa dhameystirka safaaradda iyo dayactirka guryaha, inay ku dhamaan-doonaan mudo gaaban…”

Mar aan weydiiyey denjiraha, Yaa gacan idiinka siinayo dhismaha safaaradda iyo dayactirkeeda ayaa wuxuu ku jawaabey “run ahaantii dalkan jabuuti, waa dal aan walaallo nahay, madaxdiisuna waa dadd aad iyo aad isugu dhiba arrimaha soomaalida, dayactirka safaaradda waxaa amrey madaxweyne ismaaciil cumar geelle oo run ahaantii markii uu iga qabanaayey waraaqaha aqoonsiga, islamarkiiba amrey in safaaradda dib loodhiso, waa la fuliyey dhismihiina wuu socdaa, waxaa kale oo uu madaxweynuhu isagoo mahadsan, safaaradda hadiyad u siiyey gaarigii calanka la suri lahaa, wuxuuna balan qaadey…”

Denjiraha waxaa kale oo aan weydiiney, qaabka iyo maraaxilaha ay isku soo bedbedeshey taariikh ahaan iyo safaaraddan goorta laga dhisey Jabuuti, waxaa uuna ku jawaabey “ Safaaradan, halkan waxay ka furneyd xornimadda jabuuti ka hor, muddo hadda laga joogo Afartan Sanno inta la hubo wey furneyd, waxayna ka qaybgashey hawlgalkii loogu jirey xornimaddii jabuuti, hadaysanba ka badneyn…”

“safaaradda haddii uu dhismuhu dhamaado, waxay u baahan tahay hawl badan, waxay keloo u baahan tahay qalabeyn cusub, qaboojiyeyaal cusub, taleefoono cusub, dhameystir wixii yar yare e Kambaniga dhisaayo uu ka tago, taasina waxay imaandoontaa markii uu dhismuhu dhamaado, laakiin waxaan jecelnahay safaaradaha jabuuti ku yaala, kuwa ugu waji wanaagsan inay noqoto, meesha ay ku taalona wey inoo ogolaaneysaa, inaan ka dhigno, safaaradda ugu quruxsan” ayuu yiri denjiruhu mar aan weydiiyey Maxaad isla garateen haddii uu dhismu dhamaado?.

Denjire Cabdiraxmaan Guulwade, waxaa kale oo aan weydiiney tirada safiiradii isaga ka horeeyey, waxa dhintey waxa nool, buuqa iyo is-haysadka madaxda sare ee dowladda iyo sida uu u arko, waxaa kale oo aan wax ka weydiiney fikirkiisa waxa uu ka qabo maamul goboleedyada faraha badan ee dalka ka jira, in ay sii socdaan iyo in kale waxaa uuna ku jawaabey “walaahi adeer, ninbaa laga sheegey cadaabta geeri baa, iikeentey, Land-yadan waxaa dhaley jileeca dowladda dhexe, anniga land-yada, NGO-baan u aqaanaa,waxaana dhiirigeliya Hay’adaha UN-ka ee fadhiya Nayroobi, qofkii u tago waxay dhahaan Land, soosameyso si aan kuu caawino, marka waa nooc iska NGO ah, soomaaliduna, kolba meel ayey u yaacdaa…”

Codka Wareysiga oo Aad u Muhiim Ah Halkan Ka Dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/guulwade_may3.mp3]

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalaitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.