Home » Warar »

Maxaad ku caawin kartaa wiilkan yar ee ay Xabaddu naafeysay (MUUQAAL ARAGTI AH)

Maxamed Xuseen Maxamed wuxuu ahaa Arday wax ka barta Dugsiga Ma’muur ee magaalada Muqdisho, wuxuuna haatan yahay dhibane ay naafeysay xabad ku dhacday, haatanna waxaa uu ku sugan yahay Isbitaal ku yaalla Magaalada Kuala Lambur ee dalka Malaysia, halkaasi oo loo geeyay in lagu daweeyo balse ay dhaqaale la’aan ku qabsatay.

Dhibanahan oo uu Magaalada Kula Lambur la joogo Abtigiis oo lagu magacaabo Thaabit ayaa waxaa uu u baahan yahay in laga saacido dhaqaale uu ku xiray Isbitaalka uu ku jiro oo ay dhaqaatirta Maxamed daweyneysa sheegeen in dhaawaciisa wax laga qaban karo, hayeeshee uu u baahan yahay in uu Isbitaalka ku jiro muddo sanad ah.

Halkan hoose ka daawo Muuqaal Video ah oo laga soo duubay dhibanaha oo ku saabsan sida dhibka uu u heystoo iyo waxyaabihii horay loogu qabtay iyo waxa uu u baahan yahay in loo sameeyo si uu caafimaadkiisa dib ugu helo.

Haddaba waxaa cid walba oo gacan-siin karta dhibanahan waxaa laga codsanayaa in ay la xiriirto dhibaha Abtigiis Thaabit oo lagala xiriiri karo.

Kala xiriir dhibanaha Abtigiis Thaabit
0060129356092
Ama
Email: binxeydarah@hotmail.com

Halkan ka daawo Muqaalka wiilkan

Waxaa isku soo dubaridey
Saciid Cumar Baafo
saciid@hotmail.co.uk
Kuala Lambur, Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.