Home » Warar »

Xildhibaanada: Booliisku waa in uu dhex dhexaad ka noqdaa Ishaysiga u dhaxeeye Labada Shariif

Milkiilayaasha Hotelada: Hadii aan dhinac la safano Ganacsigeynaa ku Burburaya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegey in Hotelada Muqdisho aan lagu qaban Karin wax kulan oo aan looga fasax haysan Laamaha Amaanka .

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shiikhunaa Shariif Maye oo shir Jaraaid ku qabtey Magaaladda Muqdisho ayaa digniin kulul u direy Hotelada Muqdisho ka dib markii Hoteladda lagu qabtey Shirar iska soo horjeedey oo lagu kala taageerayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif ShiiKH Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Taliyaha wuxuu sheegey in Hotelkii aan u Hogaansamin Sharciga Dowladda Talaabo laga qaadi doono, wuxuuna ugu baaqey Hotelada in loo baahan yahay in ay nagala shaqeeyaan Arimaha Amaanka iyo Xasiloonadi Magaalada Muqdisho wuxuuna u mahadceliyey Hotelka Saxafi ka dib markii uu laamaha Amaanka ee Dowladda Federaalka soo wargeliyey kulan ka dhici lahaa Hotelka Saxafi maanta , wuxuuna u soo jeediyey Hoteladda kale in ku daydaan Hotelka Saxafi.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo diidey in Magaciisa la sheego ayaa sheegey in Ciidanka Booliska ay ka baxeen arrimhii loo aas –Aasey ee ahaa in ay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda iyo is haysiga Madaxda Dowladda , wuxuu kaloo uu sheegey in Ciidanka Booliiska ay Toos ula safteen Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed islamarkaan ay si cad uga soo horjeesteen Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan .

Xildhibaanka ayaa ugu baaqey Hoteladda Muqdisho in ay iyana dhexdhexaad ka noqdaan is haysiga u dhaxeeya Masuuliyiinta Dowladda waayo”Qofka markuu ganacsanayo waa in si isku mid ah uu ugu adeegaan Bulshada iyo Dowladda marka ma aha in ay u hogaasamaan amar ka soo baxay dhinac ka mid dhinacyada isku haysta Siyaasadda Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaanka wuxuu sii raaciyey haddii ay ku sii socdaan in dhinac u hiiliyaan waxaa ku burburaya Ganacsigooda”.

“Haddii aan nahay Xildhibaanada Baarlamaanka anaga sidoo kale ayaa u soo saareynaa Digniino ku saabsan Hoteladda Muqdisho haddii aysan deg deg uga laaban u Hogaansanka dhinac ka mid ah Dhinacyada isku haysta Siyaasada Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaankaas oo sheegey in kulanka maanta ka dhacaya Hotel Saxafi uu yahay kulan lagu taageeerayo Shiikh Shariif oo ay ka qaybgalayaan Xildhibaanada Taageersan marka ma aha in Taliya Booliiska uu yiraahdo kulankaas Ogolaanshaa ku bixiney in la qabto marka anagana berri baan shir ku qabsaneynaa isgana ogolaanshihiisa laga rabaa.

Mid ka mid Milkiilayaasha Hoteladda Muqdisho oo u waramyey Saxaafadda diideyna in la sheego Magaciisa ayaa sheegey in aysan u Hogaansami doonin Go’aankii ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ee ku aadanaa Hoteladda Muqdisho , wuxuu sheegey n Hotelada ay yihiin kuwo u furan arrimo ganacsi islamarkaan qof kasta oo soomaali ayaa xaq u leh in uu kulan ku qabsado .

“Haddii uu dhinac noo jeediyey Digiin Dhinaca kale iyana digniin ay soo saarayaan marka intii ay arrintaas ay dhici lahayd waxaa wanaagsan in Cidkasta ay Hotelada ku qabsan karaan kulumo iyo Shirar taas ayaa faaiido weyn noogu jirta”ayuu yiri Milkiilaha oo u soo jeediyey Taliska Booliiska in ay ka noqdaan Go’aankooda”
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa dhaqaale ku soo kordhiyey Hotelada Muqdisho Xili ay dad qaar ay u dhimanayaan Gaajo iyo Macluul waxayna Milkiilayaasha ay quudareynayaan in doonayaan in uu sii socda Khilaafka si ay u helaan Dhaqale badan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.