Home » Warar »

Phoenix, Arizona.: Shirkii 10-aad ee Golaha Iimaamyada ee W/qooyiga Ameerika

Shirkii Tobnaad ayaa maanta oo jimce ah si rasmi ah uga furmay magaalada Phoenix ee gobolka Arizona.

Pheonix (April 30, 2011): Shirka sanadkan ayaa waxaa marti galiyey Masjid Al- Rahmah oo ku yaal magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, Arizona wuxuu ka mid yahay gobolada ay Soomaalidu dagantahay ee dalka Maraykanka.

Waxaa Shirka furay kana hadlay muhiimada dacwada iyo Golahan uu u leeyahay Ummada ku nool Waqooyiga Ameerika iyo guud ahaan qurba joogta Gudoomiyaha Golaha, Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, sidoo kale, Sh. Ayaa is aragii ugu horeeyey ee Saaka Salaada Subax culimmada shirka tobnaad u timid kala hadlay ahmiyada dacwada iyo inay tahay shaqadii Nabiyada, Sh. C/raxmaan ayaa culimmada ku booriyey inay dhaqankii iyo suluugii Anbiyada yeeshaan. Sidoo kale Maamulaha Golaha Sh. Abdullahi Abul- Fadli ayaa sarxay Ajandaha Shirka iyo muhiimmada isu imaatanka sanadkan 04-29-2011.

Halkan ka daawo Sawirada

Ugu horayntii waxaa lagu soo dhaweeyey oo lagu sharfay odoyaasha Magaalada oo muujiyey sida ay u soo dhawaynayaan uguna faraxsanyihiin shirkan. “Waxaan u mahad celinayaa dhamaan Culummada ummadaan aan diintooda wax bada ka aqoon yimidna wadan qurba ah kana diin duwan badbaadisay oo u samaysay Maraakis, intaas iyo ka badan ayaan idinka rajaynaynaa insha allaa” sidaa waxaa yiri C/laahi Xasan Aliiko.

Intaa kadib waxaa lagu xejiyey qodobka ugu horeeya oo ahaa, warbixin shanta qof ee ku xiran San Diego oo mid gabar tahay ee uu kamid yahay Imaamkii Sh. Maxamed Khadar ee Magaalada San Diego iyo Sh. Ciise. Waxaa ka warbixiyey Bashiir oo ka mid ah gudiga howshaas loo xilsaaray, Bashiir oo ka warbixinaya ayaa yiri xaaladooda caafimaad waa fiican yihiin. Sh. Abul Fadli ayaa Sheegay in Sh. Maxamed Khadar uu soo wacay shalay uuna aad u fiicnaa. Sidoo kale waxaa shirka yimid oo warbixin muhiim ah kasoo jeediyey Khalil Meek oo Maamule ka ah Muslim Legal Fund of America (MLF) oo ah hay’ad difaacda Muslimiinta la xiro. Hay’ada MLF ayaa waxaa wakiishay Golaha Imaamyada, hay’ada MLF waxay qabatay qareenada ugu caansan uguna qaalisan Maraykanka. Hay’ada MLF waxay sheegtay in qareenadaan lacagtoodu ay gaarayso, $1,250.000 laakin waxay kula heshiiyeen 5 qareen oo dhamaan loo qabtay dadka xiran lacag dhan $600.000 oo qiima go’an ah. Lacagtaas $300. 0000 oo kamid ah hay’adu waxay sheegtay inay qaab kale ku raadinayso, inta hartay oo ah kala bar lacagta guud, lacagtaas waxaa hay’ada laga rabaa inay mudo gaaban ugu diyaariso qareenada.

Golaha Imaamyada ayaa maanta xariga 5-ta qof ee xiran oo labada Shiikh iyo gabadhuba ku jirto, Ajandaha laba meelood kaga daray, furitaanka hore iyo Saacadaha danbe ee shirka. Intii shirka lagu jiray ayaa waxaa xabsiga kazoo hadlay Sh. Maxamed Khadar oo hadal kooban jeediyey, kana sheekeeyey xaaladiisa iyo far qiga u dhexeeya xoriyada marka afka laga sheegayo, iyo marka si tajruba ah looga hadlayo. Sh. Maxamed ayaa dar daarankiisii waxaa ka mid ahaa in dacwada wadideeda laxoojiyo, In la ilaaliyo midnimmada ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Masaajida Maraykanka laga hir galiyey, sh Maxamed ayaa intaa raaciyey in lagu sabro dhibaatada laga kulmayo dacwada.

Falanqayn dheer ka dib golaha ayaa isla gaaray in la dar dargaliyo dadaalka loogu jiro soo daynta Culimmada iyo walaalaha kale ee xiran, haday noqon lahayd dhaqaale, iyo arimaha kale ee xarigooda la xiriira.

Qodobka labaad ayaa ahaa warbixino laga dhagaystay dhamaan 17 Markis/Masaajid ee kasoo qayb galay shirka tobnaad ee sanadkan 2011, dhamaan waxay soo jeediyeen warbixino aad u faah faahsan, lana xiriira dhinac dacwada guud ahaan, dhalinyada, qoyska, horumarka dacwada iyo caqabaadka hortaagan.

Qodobka sadexaad ayaa ahaa dib u eegida go’aamadii sanadkii lasoo dhaafay la gaaray qaybtii ka fushay iyo kuwii ka fuliwaayey. Waxaa Maamulaha golaha Sh. Abul Fadli soo ban dhigay lix qodob oo fulay iyo sadex qodob oo aan fulin, sababihii ay u fili waayeena wuu soo ban dhigay Maamuluhu, goluhuna wuxuu ku sameeyey dib u eegid.

Qodobka afraad ee maalintii ugu horaysay laga hadlay ayaa ahaa Horumarinta dacwada iyo sidii loo sii kob cinlaaa, 17 Markis/Masaajid ayaa laga dhagaystay, warbixin kusaab san horumarinta dacwada, kadibna waxaa loo saaray gudi soo kooba, oo soo bandhiga maalinta labaad ee shirka.

Shirka ayaa wali socda wuxuu ku jiraa maanta oo sabti ah maalintiisii labaad, waxaa maanta aad looga dooday qodobo muhiim ah dib ayaana faah faahintooda kasoo gudbin doonaa insha allaah, sidoo kale gabagabada shirka ayaa lagu sheegi doonaa qodobada shirka sanadkan kasoo baxay.

Lasoco qaybta labaad

Taariikhda Golaha:

Golaha Iimaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub W/qooyiga Ameerika. Golaha Imaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa hoos yimaada 17 Masaajid.

Waxaa Soo Diyaariyey
Xasan Dhooye
Maamulaha Abubakar As-Sadique Islamic Center
Minneapolis, Minnesota
abubakarcenter@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.