Home » Warar »

Khilaafka labada Shariif oo Dhaqaale ku soo kordhiyey Hoteelada Muqdisho

Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay arrintaani keentay in xildhibaanada Baarlamaanka maalmahan yeeshaan shirar isdaba joog ah kuwaas oo lagu qabanayo Hoteelada waaweyne ee Magaalada Muqdisho, waxayna qolo waliba soo saartaa hadalo ay ku ridinayaan kullan ka horeeyey oo ka dhacay isla Hoteelada Muqdisho.

550-ka Xildhibaan ayaa haatan waxay intooda badan ku soo uruureen Magaalada Muqdisho kuwaas oo doonaya in ay taageero u muujiyaan hadba mas’uulka ay gacantiisa ku qancaan ama ay ka heli karaan taageera dhaqaale, waxaana mararka qaarkood dhacda in labo Hotel oo iska soo horjeeda lagu kala qabto kullamo lagu kala taageerayo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mid ka mid ah Milkiilayaasha Hoteelada oo an arrintaan wax ka weydiiyey diidayna in magiciisda la sheego ayaa waxa uu yiri “Maalmahann aad ayay shaqadeenu u badan tahay waxaana na soo gala Dhaqaale fara badan”, waxa uuna Milkiilahani u muuqday in uu door bidayo in is-haysigu u dhexeeya Labo Shariif iska sii jiitamo, sidoo kale Milkiilahani waxa uu sheegay in Dhaqaale badan maalmahan ka soo xaroodaan Musharixiinta isu soo taageysa jagada Madaxweynimada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in maamul gobaleedyadii maalmahan la sameynayey uu dhaqaale badan ka heleen Hoteelada Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan Hay’adaha NGO-da ayaa isagoo careysan oo ka soo baxay mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho waxaana weydiiyey waxa ka careysiiyey, wuxuuna sheegay in siminaar ay ku qaban lahaayeen Hoteelka ay ka hor istaageen xildhibaano lacag wata isla markaana markay Milkiilihii Hoteelka la kulmeen uu ku wargeliyey in saddexda Todobaad ee soo socota uusan boos ka banaaneyn Hoteelka gaar ahaan Hoolalka lagu qabto shirarka isla markaana sidaas uga soo tagay haddana uu garan la’ yahay meel uu ku qabsado siminaarka.

Khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo horey siyaasadda saaxiibo ku ahaa ayaa haatan u muuqda in ay sii kala fogaanayaan, arrintaana waxay ka faa’iideystay Xildhibaanada Baarlamaanka oo la kala saftay inkastoo ay jiraan Xildhibaanada qaar oo labada dhinac ka Bariiseeya, nin Xildhibaan ah ayaa igu yiri “Maalmahan waxaa isugu kay darsamay Dhaylo iyo xooggaa jeeb gelis ah, waxaana fiicnaan lahayd in ay sii soco ilaa iyo inta ay doorasho kale ka qabsoomeyso”.

Dowladda Federaalka Gaar ahaan Xukuumada Farmaajo ayaa digniin ka soo saartey in aan Hotel lagu qaban Karin wax Shir ama kulan ah oo aysan Dowladda Federaalka ka warqabin , Sidoo kale waxay ka digtey in aan la qaban Karin wax Banaanbaxyo ah oo aysan Dowladda Federaalka aan Xukuumada fasax looga haysan , hase yeeshee qaar ka mid Xildhibaanada Baarlaaanka ayaa waxay u soo jeediyeen in Xukuumada Farmaajo ay dhex dhexaad ka noqoto Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka , sidoo kale waxay uga digeeen Xukuumada Farmaajo in aysan Caburin Rabitaanka Shacabka iyo weliba Kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka .

Qarashka maalin walba lagu bixiyo Hoteelada waaweyn ee ay bixinayaan labada dhinac ee ishaysta ayaa waxaa xaqiiqo ah in Kharashkaasi lagu soo qaaday magaca dadka Soomaliyeed ama uu yahay daqli ka soo xarooday ilaha dhaqaalaha Soomaaliya sida Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha taas oo ahayd in dadka wax loogu qabto laakiin waxaa loo leexiyey in dad gaar ah ka faa’iideystaan iyadoo aan ognahay in Gobolada dalka Soomaaliyeed dhawaan ay ka bilaabmeen dhimashada Dad iyo Duunyo kadib markii ay Abaaro xoog leh ku dhufteen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

———-

Muqdisho – sawirro hore

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Khilaafka labada Shariif oo Dhaqaale ku soo kordhiyey Hoteelada Muqdisho "

  1. Omar says:

    Mudane Cabdirashiid Cali sharmarke AUN madaxweynihi labaad ee Somalia asaga oo aan raalli ka ahayn ayaa la kharajiyey sidaasna xukunki uga tegey.
    Madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre (AUN)asagoon Raali ka ahayn ayaa xabbad looga saarey dalka.
    Mudane madaxweyne Cali Mahdi Maxamed asagoon raalli ka ahayn ayaa lagala wareegay hoggaanki dawladda Somalia ee jabuuti loogu doortey xataa cid uu xukunki kala wareegay iyo cid uu ku wareejiyey lama sheegin.
    General Maxamed Faarax Caydiid madaxweynihi dawladdii la magacbaxday Salballaar asagoon raalli ka ahay ayaa xabbad godka lagu dhigay xukunkina looga qaaday.
    Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan asagoon raalli ka ahayn ayaa xukunki dalka Kenya looga maroorsadey laguna qasbay inuu xilwareejin saxeexo.
    Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed asagoon raalli ka ahayn ayaa xukunki laga tuurey diyaaradna Baydhabo laga saarey.
    Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed asagoon raalli ka ahayn ayaa la doonayaa in xukunka hadda laga tuuro.
    Intaas waxaa sii dheer raiisulwasaarayaashi Maxamed Ibrahim Cigaal, Cali Khaliif Galaydh, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke oo dhammaan ayagoon Raalli ka ahayn jagadi qoorta laga qabtey. Haatanna aad mooddo Raiisulwasare Maxamed Cabdullahi Farmajo in ay ku socoto sheekadu.
    Hadaba waxaa weeye maxaa naga khaldan ma dawladnimada ayaynaan fahmin mise cillad qarsoon oo aan la fahmin ayaa nagu dhex jirta oo u baahan in aad loogu fiirsado meesha cudurku ka imanayo.
    Su’aasha labaad waxa weeye teer iyo maalinki ay is gacan qaadeen AUN Madaxwene Aden Cabdulle Cisman iyo AUN Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke oo xilka la kala wareegeen kaddib goorma ayaan arki doonnaa calankeeni oo ka dul babbanaya munaasabad xil wareejin ah oo ay xariga astaanta qaranka luqunta isu geliyaan oo la kala wareegayaan xilka laba madaxweyne oo Somaliyeed oo dhoollo caddaynaya oo hor taagan kummanaan shacab Somaliyeed ah oo farxad la ilmaynaya, sacab mashxarad iyo mahadnaq Allahna jawiga uu hadheeyey???
    Mise sida hadba nin loo sii eryaayo oo cuqubo looga sii urursanayo ayaa dalkeenu cadaw qaadan doonaa oo halkaas dalkeeni iyo qarannimadeenni ku baabi’i dontaa alla ayaan ka magan gaalaye?

  2. Bilqeyr says:

    waa wax aad looga xumaado in ay isqab qabsadaan madaxda dowladda ayagoo xilweyn uusaaran yahay ayna udamaanad qaadeen in ay wax uqabanayaan shacabka soomaaliyeed iyo dalkaba waa nasiib daro weyn baan dhihi lahaa in shacabka soomaaliyeed madaxooda wax lagu helo kadibna hotelo iyo meel aan ku habooneyn lagu qasaariyo hantidii dalka iyo dadka wax loogu qaban lahaa.

    anigu raligeygu wuxuu yahay ayadoo wasiirada hadda ku jira dowlda iyo kuwii cabdulaahi yusuf iyo kuwii cabdiqaasin oo idil halaga saaro doorashada cusub ee dhici doonta kadibna hala doorto wasiiradii hore ee ku jiray dowladihii hore ee somalia sida Aadan cadde iyo siyaad bare kuwii daacad nimada wax uqaban jiray oo ahaa kuwo dalka iyo dadka soomaaliyeed magacooda kor uqaaday aniga dowlad jirtaa oo somalia oo idil ka talisaa wali ma aan arag waxanse daawaday dowladdii siyaad bare iyo tii aadan cadde sidii uu wadanka ahaa waan ku qancay waana ushalaaye maadama ay somalia oo dhami dowlad dimoqraadilahaayeen caalamkana laga aqoonsanaa nasiib daro anigu kuma soo gaarin
    hadana sidiisomalia dowlad qaran looga dhigi lahaa wey adag tahay inta ay isa soo sharaxayaan kuwa hunguri doonka ah ee ku dhaaranaya in ay wax uqabanayaan dadka iyo dalka waa waqti dhumis.

    ilaahey hanoo soo adeejiyo dad daacad ah oo aan hunguri rabin laakiin soo celinaayo nabad waarta oo loo dhan yahay.

    Hees.
    yaa qarankii shalay dumay darbiga uu adkeynkara oo xumaanta daminkara?