Home » Warar »

Warsaxaafadeedkii shirka golaha Wasiirada DFKMG

Warsaxaafadeed –

(Muqdisho – Khamiis, 28 April 2011) Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa xaaladda amniga iyo sida loogu baahanyahay in loo sii dar-dargeliyo howlaha amniga, iyadoo loo adeegayo shacabka soomaaliyeed ayey waxey soo saareen go’aanadan hoos ku qoran:

Halkan ka dhegeyso Wasiirka Amniga

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cshakur_farax.MP3]

1. Si loo hubiyo amniga shacabka soomaaliyeed in qorshe walba oo lagu sameynayo mudaaharaad ama shirar dadweyne marka hore lala soo socodsiiyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka si loo suurtogeliyo amniga dadweynaha ha noqoto shirarka ama mudaaharaadyada. Arrintan ayaa looga danleeyahay in laga hortago in kooxaha nabad diidka ah ay ka faa’iideystaan oo ay ku soo dhexdhuuntaan mudaaharaadyada ama shirarka oo ay ka fuliyaan falal amni darro. Ujeedada laga leeyahay arrinkan ayaa ah in shacabka ay si madaxbannaan oo waafaqsan sharciga ay u muujiyaan dareenkooda, iyadoo hay’adaha amniga ay diyaar u yihiin inay sugaan amnigooda.

2. Wasaaradda arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka iyadoo fulineysa soo jeedintii ka soo baxday golaha wasiirada waxey ka xuntahay falalka amni daro ee ay kooxaha nabad diidka ah ka wadaan goobaha xasiloonida ka jirta ee Puntland. Wasaaraddu waxey si adag u cambaareyneysaa falalka noocaas oo kale ah, waxeyna ugu baaqesaa dhammaan shacabka soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo wadanoolaashaha dhexdooda ah. Wasaarada Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka waxey diyaar u tahay inay Puntland iyo gobolada kale ee dalka gacan ka siiso sidii loo joojin lahaa loogana hortagi lahaa kooxaha caadeystay inay qalqal geliyaan amniga iyo nabadda ummadda soomaaliyeed.

3. Ugu danbeyntii waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u soo sheegaan hay’adaha amniga falkasta oo ay u arkaan inuu qalqal gelinayo ammaanka guud. Sidoo kale Wasaaraddu waxey ku boorineysaa shacabka soomaaliyeed inaysan ka qeybqaadan falkasta oo lid ku ah amniga iyo degenaanshaha dalka oo ay ku jiraan shirar iyo bannaanbaxyo aan sharciga waafaqsaneyn.

-DHAMAAD-


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.