Home » Warar »

Shirkadda Dahabshiil ayaa markii u horreysay si cad uga hadashay ujeedooyinkeeda maalgelinta warshad sibidhka soo saarta ee ay doonayso inay hirgeliso

Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo xalay ka hadlay xaflad uu ka qaybgalay oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayey ardaydii iyo dadkii ka qaybgalay tartankii toddobaadka dhaqanka ee dhawaan la soo gebogabeeyey, waxa uu ka waramay ujeedooyinka ay ka leeyihiin warshadaasi.

Cabdirashiid waxa uu sheegay in warshadda ay damacsan yihiin hirgelinteedu noqon doonto mid dalka faa’iido wayn u soo hoysa oo keenta in laga maarmo sibidh dambe oo lacag badan oo dibada lagaga soo iibsado.

Shirkadda Dahabshiil qaybo kala duwan ayey leedahay, caawa Somtel ayaa laga hadlay, berri Isha allaah bangiga ayaa laga hadlayaa, saadanbana haddii Alle ka dhigo warshad sibidh ah ayaa laga hadli doonaa. Warshadaas sibidhka ah waxaannu ugu talogalnay annaga oo idinka idinla kaashaynayna, dadka waddanka ee doonaya inay wax ku yeeshaana ku yeelanayaan in shaqo laga helo, in sibidh dibada inooga imanayaa aannu jirin ee ciideena iyo dhulkeena dihin laga faa’iidaysto, waxaannu ugu talogalnay in aad idinku (ardayda jaamacadaha) fursad ka heshaan, waxaannu ugu talogalnay in maalkeenu waddankeena galo oo aan lacagta dibada loo dhoofin, waxaannu ugu talogalnay in mustaqbalka waddankeenu isku filnaado,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.
Waxa kale Maamulaha Dahabshiil oo ka hadlay adeegyada shirkadiisu caanka ku tahay ee ka qaybqaatay inay horumarto, isagoo ardayda ku booriyey inay tallaabooyinkaas raacaan.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Marar badan ayaa la i waydiiyaa shirkadda Dahabshiil muddo dheer ayey jirtay, waxyaabo badan baad qabateen ee shirkaddu maxay halkaa ku gaadhay? Dhawaan waxaad la socotaan in jaamacad ku taal dalka Filand nalaga macsuumay, runtii anigu waxaan isku haystaa in aan wadankeena metelayo, waayo dadka ka shaqeeyaa waa dadkii waddankayga u dhashay, waa dadka aan ku faanayo. Marka su’aalaha noocaas ah la i waydiiyo waxaan u sheegaa mid aad idinku (ardayda) shahaadada ku qaadateen ee aad abaalka ku hesheen oo ah daacadnimo, aaminaad, dadka oo dhan u wada shaqee maaha qabyaalad ku shaqee, dawladii timaadaba la shaqee, maxaa yeelay, sharciga waa in aad ilaalisaa ee maaha in aad iska waynayso, ummadda waa in aad u dhaxaysaa oo cid walba ixtiraamtaa, waayo shirkad baayacmushtari ayaad tahay.”

Hassan Heiss
Tel. +252 2 442 9528/252 7 9100001
eMails: hassanheiss@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.