Home » Warar »

Marwo Xasno Muumin Bahdoon oo Loo Doortay Xizbi Siyaasadeed oo Ka Jira Dalka Jabuuti

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Xizbiga PARTI POPULAIRE SOCIAL-DEMOCRATE oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (PSD), islamarkaana ka mid ah Is-bahaysiga Xizbiyada Aqlabiyadda Madaxtooyadda dalka Jabuuti oo lagu qabtey Hoteel Shariton ee caasimadda dalka Jabuuti 22/04/2011, ayaa waxay hogaanka xizigooda u doorteen Marwo Xasno Muumin Bahdoon.

Kadib cod bixintii Xizbiga oo ahayd gacan taag, ayaa waxaa halkaasi ka Hadley mas’uuliyiin kala duwan oo ka mid ah Xizbiga iyo xubno kale oo ka tirsan Is-bahaysiga Aqlabiyadda Madaxtooyadda dalka Jabuuti, Marwo Xasno Muumin Bahdoon oo halkaasi hadal gaaban ka jeedisey, iyadoo laba ka mid ah Afafka looga hadlo dalka jabuuti Soomaaliga iyo Faransiiska, ku soo jeedineysa ayaa waxay hadalkeeda ku bilowdey magaca Alle iyo Salaanta Islaamka waxay tiri “waan idiin wada mahadd naqayaa, xilkan aad ii dhiibteen, ilaahay hayla qabto oo haygu gargaaro oo haygu asturo…”

Halkan ka daawo sawirada

Marwo Xasno Muumin Bahdoon waxay ku dhalatey dalka Jabuuti sannadkii 1960-kii, 1980-kii waxay ka mid noqotey shaqaalaha Idaacadda iyo TV-ga Qaranka dalka Jabuuti , iyadoo xiligan ah madaxa wararka Idaacadda iyo TV-ga Qaranka, waxayna mihnadd saxaafaddeedka jaamacadda uga soo baxdey dalka Tuniisiya, wax-bara shadeeda Iskuulka hoose, dhexe iyo sare waxay ku qaadatey dalka Jabuuti.

Halkan ka dhegeyso (Xasno Muumin)
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xasno_muumin.mp3]

Af-hayeenka Xizbigan Xasan Siciid Qumane oo aan wax ka weydiiney xiliga la aas aasey xizbigan, ujeedooyinka loo aas aasey, qorshahooda siyaasadeed waxa uu noqondoono mar haddii hogaankooda u dhiibteen Xasno Muumin Bahdoon iyo xiligii hore waxa uu ahaan jirey Xizbigan

Xasan Siciid Qumane waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “Halkaan waxaan isugunimidney, CONGRES EXTRAORDIN aan ku dooraneyney madaxweynaha ama madaxweynadda Xizbiga, iyadoo ah Xasna Muumin Bahdoon, fursadaana waxaa na siiyey siyaasadda wanaagsan ee madaxweynaha Jabuuriyadda Jabuuti, talaabada horumarka dumarka lagu waddo yaan annaguna jecleysaney, in aan u dhiibano gabadh talada, wasiiro waa la arkey, xildhibaano waa la arkey, laakiin maanta hogaamiye siyaasadeed baan ka dhiganey”.

Halkan ka dhegeyso (Xasan Qumane)
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xasan_qumane.mp3]

Mar aan weydiiyey xiliga la aas aasey Xizbigan ayaa wuxuu ku jawaabey “Xizbigan waxaa la aas aasey 2002-dii, Muumin Bahdoon Faarax iyo Axmed Bulaalle Barre, labadaas baa aas aasey xizbigan Alle ha u naxariistee oo wey dhinteen iminka”.

“Xizbigan Ujeedadiisu waxaa weeyaan, waxaa uu ku jiraa Xizbiga aqlabiyadda madaxweynaha la isku yiraahdo UMP baanu isku nahay, markaa waa xizbi siyaasadeed oo horumarka waddanka ka qayb gala, Wuxuuna ku bilaabmey aqlabiyadda xizbiga madaxtooyada waligiina ahaaba oo UMP-daas ayuu ku dhex jirey” ayuu yiri mar aan weydiiyey ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aas aasey.

Af-hayeenka mar aan weydiiyey muxuu yahay qorshihiina siyaasadeed mar haddaad xilka u dhiibteen Xasno Muumin Bahdoon? Ayaa wuxuu ku jawaabay “qorshahayaga siyaasadeed waxaa ugu weyn, sidii aan uga qayb gali lahayn, kaalintii aan joogney siyaasad ahaan UMP-da in aan halkii ka sii kordhino talaabadayada..”

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com


VIDEO-ga hoose waa warbixin la duubay 2009 oo muujinaysay sida Suuqa Bakaaraha loogu iibiyo baasaboorada

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.