Bilawgii qarniga 21aad, ayuu ururka Midawga Afrika (AU) ku baraarugay qiimaha afafka, gaar ahaan kuwa lagaga hadlo Qaaradda Afrika. Sidaa aawadeed, Ururku waxa uu yagleelay akaademiyad ka shaqaysa daryeelka afafka Afrika oo loo yaqaan ACALAN. Dedaalkii iyo waxqabadkii ACALAN waxa ka soo baxay tirokoob ku saabsan Afafka Afrika oo lagu soo xulay kow iyo afartan af (41) oo lagaga hadlo labo dal iyo in ka badan. Warbixin ay ACALAN soo saartay February 2009kii, waxa ay ku caddaysay in 41kaa af laga soo dhex saaray labo iyo toban (12) af oo loo arkay in ay yihiin kuwa xuduudaha ugu badan ka gudba. Haddaba Afsoomaaligu waxa uu noqday mid ka mid ah saddexda af ee ka soo baxay Bariga Qaaradda (Malagasy, Kiswahili iyo Soomaali).
Haddaba ACALAN iyada oo la kaashanaysa Jaamicadda Jigjiga, waxay qabatay kulankii ugu horreeyay oo lagu abuuray Guddiga aan xuduudda lahayn ee Afsoomaaliga. Kulankan oo socday ayaamihii u dhexeeyay April 11 illaa 13, waxa uu noqday mid taariikhi ah oo sugay qiimaha afsoomaaliga iyo sida ay dunidu iskaga xilqaadday. Shirka waxa lagu qabtay Hotelka Xamda ee Jigjiga, waxaa na wada hagayay Xoghaynta Fulineed ee ACALAN iyo Jaamacadda Jigjiga.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee shirka ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa ; Prof. Cabdalle Cumar Mansuur, Prof. Siciid Saalax Axmad, Prof. Maxamad Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Prof. Maxamad Xuseen Raabbi, Prof. Cabdinaasir Axmad Ibraahim, Aadan Xasan Aadan, Aamina Muuse Weheliye, Beddel Cabdillaahi Geelle iyo kuwo kale oo badan. In kaste oo ay aqoonyahanka qaarkood ka yimaaddeen meelo aad u fog oo dunida daafaheega ah, haddana, badankoogu waxa ay ka kala yimaaddeen dalalka afsoomaaliga lagaga hadlo ee Geeska Afrika.
Gellinkii hore ee maalinkii shirka u horreeyay waxa uu ahaa furitaan iyo isbarasho, gellinkii danbe na, waxa lagu falanqeeyay adeegsiga afsoomaaliga ee dal kaste oo lagaga hadlo Geeska Afrika; guulaha la gaadhay iyo kadaraha wiiqaya ama hor taagan. Waxa kale oo fursad la siiyay aqoonyahankii ka kala yimid qurbaha oo ka warramay waayaha afsoomaaliga ee dalalka shisheeye iyo dedaalka ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu jiraan ilaalinta iyo badbaadinta afkooga hooyo. iyo waayihiisa dal walba oo lagaga hadlo. Maalinkii labaad ee shirka, waxa la ansixiyay oo la isku raacay xubnaha Guddiga aan xuduuda lahayn ee Afsoomaaliga oo iyana doortay guddoomiye iyo xoghaye. Xubnaha Guddiga la doortay waxay kala yihiin :
1- Prof. Cabdinaasir Axmad Ibraahim,
2- Prof. Maxamad Daahir Afrax,
3- Prof. Cabdalle Cumar Mansuur,
4- Prof. Siciid Saalax Axmad,
5- Prof. Maxamad Xuseen Raabbi,
6- Prof. Mustafe Cabdullaahi Cali Feyruus,
7- Aadan Xasan Aadan,
8- Aamina Muuse Weheliye,
9- Beddel Cabdillaahi Geelle,
10- Axmaddeeq Maxamad,
11- Xubintaan waxaa loo baneeyey Soomalida Keenya,
12- Xubintaanna waxaa iyana loo baneeyey Soomalida Keenya,
Guddigu kulankoogii u horreeyay ba waxa ay Dr. Cabdinaasir Axmad Ibraahim (Guddoomiyaha Jaamacadda Jigjiga) u doorteen in uu noqdo Guddoomiye, halka ay Dr. Maxamad Daahir Afrax na u doorteen in uu noqdo xoghaye. Intaa ka dib, waxa uu Guddigu yeeshay kulanno xidhiidh ah oo lagu diyaariyay la iskula na meel dhigay qorshehawleed socon doona saddexda sano ee innagu soo fool leh. Qorshaha uu Guddigu ku hawlgali doono, waxa si cad uga dhex muuqda;
– Qabyotirka qoraalka farsoomaalida.
– Kobcinta cilmibaadhista la xidhiidha afsoomaaliga.
– Hirgelinta go’aannadii hore loo gaadhay ee la xidhiidhay afka iyo naxwihiisa.
– Dhiirrigelinta buugfaafinta iyo tarjumaadda.
– Wacyigelinta soomaalida iyo in la dareensiiyo qiimiga afkoogu leeyahay.
– Dawladaha afsoomaaliga lagaga hadlo, in lagu dhiirrigeliyo sidii ay afsoomaaliga uga geliyaan manhajyadda dugsiyada lagu dhigo.
– In goluhuiskaashi la sameeyo guddiyada kale ee afafka Afrika. Shirka oo ku dhammaaday guul iyo rayrayn, waxa lagu kala tegay in sida ugu dhakhsaha badan la iskugu soo noqdo sidii loo hirgelin lahaa qorshahaa.
Fojignaan: Saxaafadda soomalida waa u fasax tahay in ay daabacdo warbixintaan, waxaana laga codsanayaa in ay xil iska saaraan in ay faafiyaan, waxa laga hadlayo waaluuqadeena hooyo, ee sharafka badan, walaalka afsoomaliga ku hadloow fadlan xil iska saar. Wixii warbaahinta ah ee arrintaan doonaya in ay faahfaahin ka helaan, fadlan kala soo xiriir Amina Muuse Weheliye oo xubin ka ah guddigga afsoomaliga ee la aasaasay.
Cinwaankeeduna waa sidaan: ololahahangasha@gmail.com asahra2012@gmail.com aminawehelie@yahoo.co.uk Mahadsanidiin.
(11-13 April, 2011)
Horta waa baahi jirta in Afsoomaaliga la dhawro,lagana xfidiyo dhaqan guur iyo doorsoon.
Markii soomaalidii gacanteeda laga bixiyey taladoodii siyaasadeed, tanina waa dadaal kale oo loogu abuurayo jaha wareer dhaqan. Waxaa loola jeedaa in loo tusiyo in soomaalidu ay yihiin dad aanay isku xidhin waxaan luqad ahyn. taasoo ah midda asaaska u ah siraaca ku raagay gobolka.
Hase yeeshee Waxaan aaminsanahay inuu shirkani ka mid yahay hagardaamooyinka lagu masaxayo xuquuqdii dadyowga soomaaliyeed ee Itoobiya Gummaysato.
Waa dareen in shirka lagu qabto waddan gummaysi ku jira, maxaa yeelay waxay xalaalaysaa dhulkaas iyo dadkaas. Dooradahada Guddoomiya Jaamacadda jig-jiga waa arrin kale oo dareen leh, maxaa yeelay wuxuu astaan u yahay dadka ku qanacsan in dalkaas iyo dadkaas looga haro Itoobiya.
waxaan ka xumahay inuu meesha ka dhex muuqda Prof Cabdalla Cumar Mansuur, hormuudkii hore ee kulliyadda Afafka ee Jaamacaddii qaranka soomaaliyeed. Ma aha Khabiir af-soomaaliga ah oo kaliya, ee wuxuu khabiir ku yahay luqadaha Kushiti-gga (Cushetic) laysku yiraahdo ee uu Afsoomaaligu ka mid yahay.
Sideedaba arrin soomaali khusaysa oo laga hadlaa iyadoo ay meesha ka maqantahay dowlada soomaaliyeed oo wax tar ah, waa hagardaamo, ama mashruuc raqiis oo maalgelin xaaraan lagu raadinayo.
Afsoomaaliga meelo badan ayaa siyaabo kala duwan looga hadlaa, markaa tusaale ahaan Waqooyi, Koofur, Bay iyo Bakool iyo Gobolada dhexe iyo Bari intuba waa lahjaad ama “Dialect” waxa luuqada ingiriiska lagu yiraahdo, sidaa daraadeed waxay ila tahay in loo sameeyo lahjad kasta naxweheeda gaarka ah. Waxaan ku dari lahaa intaas uu walaal Abdirisaq yiri in la helo xuruuf u dhiginta kuwa Af-Carabiga ee ah, tusaale ahaan, Z, oo loo isticmaali karo Zahro, Th, oo loo isticmaali karo sida xuruufta Soomaaliga ay uga maqan tahay, b, t, j, th. Gh, oo loo isticmaali karo “ghayrilmaghduubi. Sidoo kale xarafka Daad afsoomaliga kuma jiro isagana waa in la helaa oo tusaale ahaan, sida ka muuqata “ghayrilmaghduubi” waxaan isticmaalay “D” maxaa yeelay isaga ayaa ugu dhow xuruufta farta soomaaliga, markaa in laga dhigo (D’) ama xarafkii kale ee la isku raaco. Sababta aan arrintaan u keenayna waxaa weeye Maadaama aan ummad muslim afka carabigana aan ku hadlin waa in aan ku baran karnaa afkeena Quraanka Kariimka ah isla markaana aan ka dhignaa luuqadeena mid kulmisa Laatiinka iyo Carabigaba.
Waxan halkaan aad iyo aad uga ammanayaa Somalitalk oo aqoon iyo xeel dheere saxaafadeed iyo waddaninimo ku sifoobay.
Waxaan sidoo kale amman iyo bogaadin uga jeedin lahaa guddigaan aqoonyahannada ah ee Somaliyeed iyo ciddi kale ee talo soo jeedin iyo gacan wax tar leh ku caawisayba aida ay isaga xilsaareen in dhaxal ma guuraan ah ugu reebaan umadda Somaliyeed. Maanta addunka waxa aan marna la illoobin oo taariikhda lagu xusaa lbaxnimooyinki griiggi hore, Romanki iyo masaarida intaba waa taariikhda ma guuraan ka dhigay waa ayaga oo lahaa af qoran oo laga dhaxlay. Waxaa jira umaado aan ka xadaarad yareyn haddana la garan la’yahay siday u noolaan jireen sababo la xiriirira dhaxal qoraal ah oo ay reeben oo aan jirin awgeed.
Af Somaliga oo suugaantiisu aad u yaab leedahay, oo dadki af-yaqaannada shisheeyaha ahaa ee u kuur galay taariikhda suugaanta Somaaliyeed iyo sidi ay abwaanadi iyo raggi gabayaaga ahaa ee Somaliyeed ay gabayada ku curin jireenba ku noqotey mucjiso, kolki ay ogaadeen in nin aan afkiisu qorneyn uu gabay 50 ama 100beyt ah uu daqiiqado gudahood ku tiriyey, asagoo weliba tirita gabayga uu ku dhaliyey arrin isla markaas qabsadey oo aan hore looga sii fekerin, gabaygaas oo aan deel qaaf iyo laxni midna qaafiyaddisa ku jirin.
Annaga oo og adaygga qaafiyadda iyo hoorinta gabayga Somaliyeed oo dhamaanti isku xaraf ku socda, isku codna ku dhamaada.
Waxan ka codsan lahaa aqoonyahannada afka ee meeshaan ku qoran inay u istaagaan sidi loo heli lahaa erey- dhigid (hingaad, higgaad, hikaad) mideysan oo loo helo erey kasta oo afkeenna ka mid.Higgaadaas oo ah mid la isku wada raacay oo lagu wada midoobo, haddii loo qoro erey si ka duwan tan la isku afgarteyna ay qalad noqonayso. si barashada afku u fudaato isla markaasna macne sax ah oo go’an uu u yeesho eray kasta. Dhawaaqiisa oo sax ahna u fududato in la barto. Taas oo ku iman karta in la qoro “afceliye” ama “afkoobe” “erey bixiye” ama qaamuus hal ah oo afka qoraalkiisa ama hingaaddiisa xaddida oo la wada qaato macnahana fasira. Qamuuskaas oo u noqda guryo- noqod ama marjac loola noqdo wixi qoraal ah oo afka ku saabsan.
Sidoo kale iyana Naxwihi afka oo muddo la hakiyey adeegsigiisa xagga waxbarashada ,khilaaf badan o ka taagnaan jirey iyo dhammaystirnaan la’aan awgeed, bal in ay daraasad dheer ka sameeyaan si loo sugo oo loogu yeelo qaab go’an oo loo baran karo naqshad la garan karona leh taas oo ka kana urursan qaabka firirsan(firidhsan) ee hidda raaca ah ee aan afka uun uga hadalno. Waad ku mahadsantihhin mar kale dadaalka dhaxal galka ah ee waddaan.