Home » Warar »

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhoweysay war-murtiyeedkii Dalalka Bariga Afrika

War Saxaafadeed 028/2011 –

(Muqdisho, 22 Abriil, 2011) – Xukuumadda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah waxay soo dhoweyneysaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 9aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay Ururka Dalalka Bariga Afrika (EAC), oo caasimadda Tanzaaniya ee Daara-Salaam laga soo saaray 19kii bishan.

Taladii uu soo jeediyay Ururka IGAD ee ku saabsaneyd in la kordhiyo waqtiga Baarlamaanka iyadoo tafaasiisha loo deynayo dhinacyada ay arrintu khuseyso waxay ahayd billow wanaagsan. Xukuumadda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageeradii uu shir-madaxeedka ururka EAC u muujiyay go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ee dib loogu dhigayay doorashooyinkii qorsheysnaa bisha Agoosto ee 2011 in laga dhigo Agoosto 2012 si loogu oggolaado Xukuumadda inay sii waddo dadaallada lagu sugayo ammaanka, iyadoo taasi lagu dhisayo tallaabadii ururka IGAD. Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta, Mudane Cabdulkariim Xasan Jaamac, ayaa yiri:

“Waxaan uga mahadcelineynaa madaxda dalalka Ururka Dalalka Bariga Afrika sida ay ula saftee Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed xilligan xasaasiga ah.

Taageerada Ururka EAC waxay muujineysaa fahamka qotada dheer iyo sida madaxda EAC ay uga damqanayaan xaaladda Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa in shirka soo socda ee IGAD uu sii wadi doono taageerada horumarka dalka ka jira.

“Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrinta Soomaaliya iyo inay ku hoggaamiso qorshe u adeegaya qaranka. Waxaan joognaa gudaha, waxaana xaaladda ula soconaa si hoose, waxaana soo dhoweyneynaa taageerada dalalka gobolka iyo Beesha Caalamka.”

Ujeeddada ka dambeysa hindisaha Xukuumadda waa in dib loo dhigo doorashooyinka muddo sanad ah si Xukuumaddu u sii waddo dagaalka ay kula jirto argagixisada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo si ay awood ugu yeelato inay sameyso, isla markaana dhameystirto isbeddellada muhiimka ah iyo howlaha waqtiga KMG ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa Soomaalida inay ku midoobaan hindisahan. Waxaan ugu baaqeynaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay gees iska dhigaan khilaafaadkooda iyo damacooda siyaasadeed xilligan adag, isla markaana gacmaha is qabsadaan si dalkeena aan ugu hoggaamino dhabbaha nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku soo gabagabeeyay Wasiirku.

Dhammaad

###

War Saxaafadeed 029/2011

Xukuumadda oo dhalleeceysay Falkii Argagixiso ee ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

(Muqdisho, April21,2011) Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliaya waxay si adag u dhalleecaynaysaa falkii argagixisada ahaa ee 16kii bishan Abril ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qaraxaas oo loo adeegsaday baabuur isla markaana lagu dilay Agaasimihii Wasaaradda Caddaaladda ee gobalka Mudug.

Sidoo kale waxay Dolwladda Soomaaliya dhalleecaynaysaa falkii fuleynimada ahaa ee lagu weeraray dad ku tukanayey Misaajid ku yaalla isla magaalada Gaalkacyo bishan Abril 16keedii sanadka 2011. Weerarkaas oo lagu galaaftay nolasha afar qof oo aan waxba galabsan isla markaana lagu dhaawacay toban kale.

Dowladda Soomaaliya waxay ku dhiirra-galinaysaa dadka deegaanka inay ilaashadaan nabadda isla markaa u ololeeyaan nabadda, iska jiraan, kana hortagaan kuwa damacsan inay qalalaase ka abuuraan Gobalka.

Sidoo kale waxay Dowladda Soomaaliya ku dhiirro galinaysaa maamulka Puntland inay dambiilayaashii falkan naxdinta leh gaystay ay hor keenaan sharciga. Ugu danbeyn Dowladda Soomaaliaya waxay tacsi u diraysaa qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku ka dhinteen.

Dhamaad

###

Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta – Xafiiska Xiriirka Warfaafinta

Address: MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia Tel: +252-50-941 040 Email: tfgsomalia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.