Home » Warar »

Ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho oo soo wajadey Mushaar La’aan tii ugu xumeyd Muddo..

Ciidamada Burundi oo ka mid Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa soo wajahdey Xaalad Mushaar la’aan ah Muddo Dhowr Bilood ah waxaana Ciidamaas Magaalada Muqdisho ka jooga tiro gaareysa Saddex Kun oo askari , waxaana ka badan Ciidamada Uganda oo gaaraya ilaa Lix kun oo Askari.

Askari ka tirsan Ciidamadaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho oo u waramayey Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC-da) Qaybteeda Sawaaxilga ayaa daboolka ka qaadey in ay soo wajdey Mushaar la’aan tii ugu balaarneyd , wuxuu sheegey in Ciidamada Burundi ay haatan soo wajahdey Niyad Jab Xoogan oo ku aadan Mushaar la’aantaas.

“Wax Mushaar ah ma helin Muddo Dhowr Bilood ,Xitaa kuwii ku dhintey ama ku dhaawacmey Dagaalada Muqdisho wax Mag dhow ah ma helin “ ayuu yiri Askarikaas oo ka walwalsanaa Mushaar la’aanta soo wajahdey Ciidamada Bururndi ee ku sugan Magaalada Muqdisho wuxuu sii raaciyey” Qoysaskeenna waxay is weydiinayaan halkey maraan Mushaarooyinka sdoo kale waxay is weydiinayaan waxa Midowga Afrika uu u bixin la’ yahay Magdhowgii Ciidamadii ku geeriyoodey dagaalada Muqdisho ama kuwii kii dhaawacmey”

Warar ayaa sheegayaan in Ciidamadii ku dhaawacmey dagaalada Muqdisho ee u kala dhashey Wadamada Burundi iyo Uganda ee lagu daaweeynayey Isbitaalo ku yaal Magaalada Nairobi in halkaa laga wareejiyey ka dib markii Midowga Afrika uu bixin waayey Kharaashaadkii Isbitaaladaa waxaana dhaawacyada haatan lagu daaweeyaa Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Faransiiska ee ku yaal Dalka Jabuuti.

Sidoo kale Midowga Afrika wuxuu bixin waayey Mag dhowgii laba Diyaaradood oo lagu soo ridey Magaalada Muqdisho Xiligii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ka dib markii Diyaaradahaas ay soo kireysteen Ururka Midowga Afrika waxayna Qalab Milatari u sideen Ciidamada Amisom ee ku sugan Mgagaalada Muqdisho.

Ciidamada Burundi ayaa Bishii Feberaayo ee Sannadkaan ayaa waxay Dagaalo Culus la galeen Xarakada Al-Shabaab waxaana Dagaaladaas kaga geeriyoodey 53 Askari waxaana kaga dhaawacmey Tiro intaa ka badan , waxaana Maxaabiis looga qabsadey laba Askari.

Hadaba Mushaar la’aanta soo wajahdey Ciidamada Amisom ayaa waxaa la sheegey in ay niyad jab u keeni doonto iyadoo Ururka Midowga Afrika oo dhaqaalaha ugu badan la sheegey in uu ka heli jirey Hagaamiyaha Liibiya Mucamaral Khadaafi ka dib markii Ciidamada Nato Dagaalo ku qaadeen Wadankaas kaasoo ay si aad ah uga Xumaadeen Dalalka ku jira Midowga Afrika.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho oo soo wajadey Mushaar La’aan tii ugu xumeyd Muddo.. "

  1. mohamoud says:

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in mushaarka laga goosto ciidamada midawga africa, waxaana jeclahay in dhamaan mushaarka laga wada goosto sabatoo ah wax ay qaban jireen ayaaba iska yaraa,