Home » Warar »

Waraysi: La Taliyaha Dhinaca Dhaqaalaha Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Dr. Ismaaciil Waceys Ibraahim oo Somalitalk u Waramayey “…Tan Runtii Muhiimka Ah ee La Isku Mariwaayey…” Gebo gebadii Shirkii khubaradda Urur Goboleedka IGAD…

Wareysi xiiso badan –

Dr. Ismaaciil Waceys Ibraahim oo ah la taliyaha dhinaca dhaqaalaha Madaxweynaha dalka Jabuuti, islamarkaana ah xiriiriyaha guud ee dowladda Jabuuti iyo dalka Jarmalka oo u waramayey Somalitalk islamarkaana aan wax ka weydiiyey gunaanadka shirkii khubarada urur goboleedka IGAD uga furmey 18/04/2011 dalka Jabuuti iyo ujeedooyinka ugu waaweyn ee la iskula sooqaadey ayaa wuxuu ka Hadley waxyaabihii lagu heshiiyey iyo kuwo la isku qabtey, sababaha keeney in la isku qabto, ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aas aasey ururka dhex dhexaadinta dowladaha IGAD.

“maanta 3-dii galabnimo ayaa la soo gebagebeeyey, shirkaa sidaad ogeyd, waxaa ka soo qaybgaley lixdii wadan ee ka koobnaa Ururka IGAD, waxaa talo oo lagu heshiiyey oo iminka la isku raacay, dhismaha ururka, hawsha uu qabanayo, dadd wixii lala kaashanayey iyo ururo waa lagu heshiiyey, waxaa jirta dhowr shey oo ahayd in go’aan laga gaaro oo laakiin dadkii joogey oo ay isku yara qabteen oo u baahan in iyaga qudhoodu la kala saaro…”ayuu yiri Dr. Ismaaciil Waceys mar aan weydiiyey gunaanadka waxyaabihii ka soo baxay shirka.

Waxaa kale oo uu sheegey “ in talooyin laba ah dib loo dhigtey, mid waxaa weeye Ururka la sameyndoono, halkee ayuu fadhigiisu noqondoonaa, wadamadii meesha joogey, intooda badan waxay yiraahdeen Jabuuti ha noqoto meesha uu Ururkaasi sal u noqoneysa, laba fikradood oo kale oo ka duwana wey jireen, waa talo fiican in IGAD ay tiraahdo annagu, go’aan kuma qaadaneyno wax la yiraahdo Majorty Vote ee, laakiin waa in ay noqdaan wax lixda wadan ay ku heshiiyeen, maadaama laba cod oo ka duwan uu jirey…”

Wareysiga oo halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/waceys1.mp3]

Dr. Ismaaciil Waceys Ibraahim

Waxaa waraysiga qaaday:
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.