Home » Warar »

Shir Loogu Gogol Xaarayo Koox Magacoodu Yahay Ururka Dhex Dhexaadinta Dowladaha IGAD oo Ka Furmey Dalka Jabuuti

Shir uu soo qaban qaabiyey Urur goboleedka IGAD, islamarkaana soconaya laba maalmood oo ay martigelisey Dowlada Jabuuti ayaa Khubaro ka socota dowladaha IGAD, uga furmey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti 18/04/2011.

Shirkan oo daba socday shirar hore ayaa waxaa lagu soo bandhigey, sidii loo dhisi lahaa xarunta dhex dhexaadinta Urur Goboleedka IGAD, taasoo ka shaqeyn doonta ka hortaga iyo wax ka qabashada khilaafaadka dowladaha IGAD, kadib fikrad ka dhalatey balaarinta iyo horumarinta, hawlihii uu ka qabtey urur goboleedka IGAD, dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Furitaankii shirka ayaa shir gudoonka shirka oo ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Urur goboleedka IGAD, Mr. Bwango Apuule, waxaa uu ka akh-riyey dhanbaal uu soodirey Xog-hayaga guud ee IGAD Eng, Mahbuub Maxamed Macallin, dhanbaalkaasoo ahaa mid ku qoran luqada ingiriiska halkan ka eeg..

Lataliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed oo aan wax ka weydiiyey ujeedadda shirka ayaa wuxuu yiri “…waa shir laba cisho soconaya oo oo lagaga hadlayo, qayb la furidoono oo u qaybsanaan doonta dhex dhexaadinta colaadaha, qaybtan la furidoono waa gogol xaarkii, marka waxaa lagga sheekeysan doonaa, marka ay isku yimaadaan wasiiradda arrimaha dibadda, hadduu ilaahay yiraahdo bishan aakhirkeeda iyo qaraaradda wasiiradda iyo madaxweynayaasha IGAD ayey u taalaa, iminka waxa isku yimidey waa khubaro ..” codkiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso .

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cabdi_ahmed.mp3]

Cabdicasiis Muqtaar Macallin (Qariidi) oo ah Xog-hayaha guud ee Gudiga Dibu-heshiisiinta Qaranka ee DFKMG oo aan wax ka werydiiyey ujeedadda shirka, sababaha keeney in la sameeyo xaruntan, halka laga dhigayo saldhiga xaruntan, xiliga la aas aasey xaruntan, cida gacan ka geysaneysa, waxa uu ka geysankaro dhibaatooyinka soomaaliya iyo magaca uu yeelanayo ururkan ayaa wuxuu yiri:

“shirar hore ayaa loo soo qabtey, maanta gebogebo ayuu taagan yahay oo waa soo bandhigid, wixii la soo qabtey, fkirkuna wuxuu ka dhashey soomaaliya iyo suudaan, dhibaatooyinka dalka ka jira iyo dagaalada dhacey iyo sidii wax looga qabtey iyo gurmad deg deg ah loogu sameyn lahaa, fikir asal soomaaliya ka dhashey ayuu ahaa, markii dambe waxay isu bedeshey, in fkirkaas isaga ah uu noqdo, in la balaariyo oo Gobolka oo dhan la gaarsiiyo…”

Mar aan weydiiyey in uu is bar bar dhig ku sameeyo sida wax u socdaan iyo ka soo qaybgalayaasha ayaa wuxuu yiri “…fikarado badan iyo nin la arko dano uu leeyahay waa iska jiraan, laakiin marka aad fiiriso, waxaan is leeyahay waa barnaajim ilaa xadd, haddii uu hirgalo in uu wax taridoono”

Halkan ka dhegeyso warbixintii Qiriidi

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/qariidi.mp3]

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.