Home » Warar »

Dilalka, Qaraxyada iyo Weerarada loo gaysanayo Masaajidda oo ku soo Badanaya Soomaaliya

 

Tan iyo markii ay dhacday xukumaddii Max’ed Siyaad Barre waxaa dalka Soomaaliya ku soo badanayey weerarada, dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Masaajidyada oo ah goobo lagu cibaadeysto ayna isugu yimaadaan dadka muslimiinta ah, falakaas oo ay si aad ah ula yaaban yihiin shacabka Soomaaliyeed ayaan jirin Cid isu taagtay Hakinta ama joogintaa falalkaas Guran ee lala beegasanyo dadka ku Cibaadeysanayo Masaajidada.

Bishii May ee sanadkii 2010 ayay ahayd markii Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha lala beegsaday labo qarax oo la dhigay Masjidka gudihiisa, waxaana xiligaasi ka socday Duruus la xiriirta Tafsiirka Qu’raanka kariimka iyo Axaadiista, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday ilaa iyo 30 qofood oo u badnaa dadkii ku cibaadeysanayey Masjidkaasi. Dhacdadaasi xanuunka badan shacabka Soomaaliyeed si aad ah u cambaareeyeeen ilaa iyo hadana cid sheegatay ma jirto.

Iyadoo taasi jirto ayaa wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan habeen hore xili la isku diyaarinayey akhrinta Tafsiirka Masjidka Saaluxu-diin waxaa soo weeraray kooxo hubeysan kuwaas oo rasaas ku furay dadkii masjidkaasi ku sugnaa waxaana ku jiray nin Sheikh ah oo si weyn looga yaqaanay oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Aruumiye oo da’adiisu ahayd 75 Sanno, waxaa kale ku geeriyooday Afar qof oo kale, iyadoo dhaawac uu gaarayo dhowr iyo Toban qofood.

Waxaa isla subaxnimadii oo shaley ku beegneyd xili la isku diyaarinayey salaadda Subax ayaa Masjidka lagu magacaabo Faaruuq ee Magaalada Gaalkacyo ka dhacay weerar la mid ah kii ka dhacay Masjidka Saaluxudiin, waxaana ku geeriyooday ilaa 2 qofood, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 5 qofood. Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha loo beegsaday Masaajiddaas, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in lala xiriirinayo Qarax Miino oo ka dhacay Gaalkacyo oo lagu dilay Agaasimiyihi Garsoorka ee Maamulka Puntland ee Gobalka Mudug Sheekh Ismaaciil Sheekh Xaashi.

Masaajidka Salaaxudiin oo ku yaala Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ayaa sanadkii 2009-kii waxaa lagu dilay 7 qof oo ka soo jeeday dalka Pakistan kuwaas oo tabliiq ahaan u yimid Soomaaliya doonayey in ay dadka fahamsiiyaan Diinta Islaamka, waxaana lagu eedeeyey dilkaasi in ay ka dambeeyeen maamulka Puntland balse warkaasi cid xaqiijisay ma jiraan, waxaana ka xumaaday shacabka Soomaaliyeed. Waxaa iyana ka horeeyey dhacdooyin kale oo ka dhacay masaajid ku yaala Soomaaliya oo dad ka soo baxay la toogtay.

Isku soo wada duuboo haddii ay sii socdaan weerarada, Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Masaajidda waxay keeni karaan in la waayo dad ku dukada Masaajidda ama ku Cibaadeysta , waxayna shacabku sheegayaan in arrimahaan ay ka dambeeyaan dad la soo adeegsaday kuwaas oo ujeedkoodu yahay in Soomaaliya laga waayo dadka diinta faafiya iyo dad barta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dilalka, Qaraxyada iyo Weerarada loo gaysanayo Masaajidda oo ku soo Badanaya Soomaaliya "

  1. yuusuf cali says:

    hayaay hayaay soomaaliya awalba daadki la laayay marka masaajida had loo soo dhigtay ma ahoo w

  2. walaal wa arin qaraa ib ah waana arin la yaab leh in masaajidadii la isku soo galo laa xowla waa quwata ilaa bilaah waa way dadnimadeenii waxa waxaa sameenaynaaya soo dad nala nool ma ahan oo masaajidadii alle weyne dadka ku xasuuqaayaa alla aduunyo kadoon baan ku jirna waxaan dhowrayno ma ahan ilaa waxaa weeyaan in nala haligo allow hanoo qaban waxay sameeyaan garaad laawayaasha allow hanoo qaban waxay garaadlaawyaasha sameeyaan allow allow kheyran kaa baryaynaa laa xowla walaa qubata ilaa bilaahi nabad alla a\w\w\

  3. Osman says:

    Assalaamu calykum.
    Dadka addunka ku nool ayaga oo kala caqiido ah ayay misana wada nool yihiin qof walibana cibaadadiisa iyo caqiidadiisa loo ogolyahay laguna ixtiraamaa.
    Dalalka ugu badan addunka oo balaanyiin qof ku wada noolyihiin waxaad ku arkaysaa nooc kasta oo dad ah oo qaarba si wax u aaminsanyahay haddana waa qaramo nabad ku wada nool.
    Nasiib darrada na haysata annaga oo tiradeennuba iska yartahay, haddana isku diin ah, ayaanan ogolayn inta meel isugu tagno oo wada fadhiisanno inaan diinteenni si u wada fahamno oo isku si ugu wada dhaqanno.
    Haddii xitaa fahamkayagu is yar khilaafsanyahay inaan isu dulqaadanno oo qolo waliba meesheeda ku nabad gelinno ilaa inta aan isaga soo dhawanno oo aan wax kala maqallo waxna isla fahamno.
    Waxaa muddoba soo socday illinka masjidka in lagu sugo qof muslima oo salaaddi subax ama maqrib soo tukaday oo madaxa iyo wadnaha xabbad looga dhufto. ama qof hadal masaajid ka jeediyey in xabbad ama miino lagu aamusiyo. Arrintaas oo aad u fool xun ayaad mooddaa dareenka iyo ficilka ay ka sameeyeen shacabka, qaybaha bulshada iyo culamaa u diinkuba inay ahaayeen qaar aad u hooseeya oo nin waliba hore isaga sii socday, arrintana wax ka qabad keeda lagu koobay xoogaa cidanka ah oo mar walba yiraa baaris baan ku haynaa dabadeed dhawr qof qaqabta dhawr casho kaddibna siidaynayay mid iyo laba dhif ah ma ahee.. ficilladaas dilka foosha xun ah waxa mar walba lagu tuhmayay dad sheegta magac diineed.
    Haddaba Somalidu waxay tiraa Geel ruug culuskiisi boodboodayo aarankiisi ama qaalmahiisi maxaad ka filanaysaa.
    Marka nin magac diimeed sheeganaya uu irriridda masaajidka bannaystey inuu qof kasoo baxay masaajidka ku dilo, ninki caamada ahaana waa ka darey oo masaajid Allah oo cid alayaale iyo cid ku dhex jirtaa aanu ogayn ayuu dabka la dhex qaaday oo weecda ka dhigay musalliinti asagoon u kala aabayeelin sidi adhi weer galay.
    Tani waa calaamadaha lagu garto marka dulmigu karkaar jebiyo oo xumaantu ka sare marto wanaagga, cid u istaagta oo joojisana la waayo. Waana waxyaabaha soo dedejiya cuqbooyinka waaweyn ee rabbaniga ah. sida dhul garriirrada, cudurrada wax baabi’iya, abaaraha sanooyinka socda, dagaallada lagu xaaqmo ee dabar gooya qoomki meel ku noolaa,dufaannada waaweyn iwm. Ilaah baan ka magan gallay.
    Haddaba shacabka Somaliyeed, gaar ahaan reer Puntland waxa la gudboon ayaga oo aan eegin hebel baa waxaas aaminsan iyo hebel baa reer hebel ah iyo anigaa shacab ah iyo anigaa xukuumad ah waa in dhaammaan loo istaagaa sidi fidnadan xadka dhaaftey lagu joojin lahaa halkeeda oo ciqaab adag la marin lahaa cidda ka dambeeysey. Waana in ull iyo diirkeedna loo ahaada ka hor tegeidda mid kale oo dhacda. Haddii kale waa in la ogaadaa waxa dadkani sameeyeen inay tahay garaacid ay garaaceen albaabka ciqaabta rabbi, Aallana marka uu soo daayo wax yar oo ciqaabtiisa ka mid ah sida daqiiqado gudohood wax noqdaan, ka eega dalalka musiibooyinka Rabaaniga ay ku habsadeen.
    Allaha weyn ayaan ka baryayaa in uusan noo ciqaabin waxa sufahada naga mid ahi sameeyeen, anna kabaryaynaainuu nagana nabad geliyo caradiisa iyo ciqaabtiisa Aamiin.