Home » Faallo »

DHAMBAAL- Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed – Qaybta 6aad

Marka cidi ay meel muddo deganaato, ayna u baahato in ay meesha ka guurto; waxaa inta aan reeraha la rarin la diraa sahan soo eegga degaanka maanka lagu hayo. Sida badan waxaa sahanku ka koobmaa ugu yaraan laba qof. Dadka sahanka loo dirayo, waxaa lagu xushaa aqoonta ay u leeyihiin deegaanka; taas oo laga rabo in ay qiimeeyaan carshinta halkaas ka jirta iyo sida degaanku u yahay dalsan ay duunyadu ku tigaado, ayna markaas dadku dheef badan ka helaan. Haddii sahanka ay ula muuqato in degaanku uu duunyada iyo dadkaba uga fiican yahay kan hadda la degan yahay; waxa uu keenaa warbixin gunaanadkeedu yahay in la guuro. Haddii sahanka loo diro dad aan lahayn aqoon iyo khibrad deegaaneed; waxaa dhacda in aysan keenin warbixin ay isku waafaqsan yihiin ama dhinaca kale, ay cidda u raraan degaan aan dhaamin kan hadda ay degan tahay ama ka sii liita.

Dalkeena iyo dawladnimadeenii waxaa ku burburinay danno shakhsi ah iyo damac qabyaalad ku qotoma. Waxaa doonay in aan dameero weylo ka dhallino; taas oo aan uga jeedo in aan ku fakeray, kuna dhaqaaqnay in aan qabiil ka umulinno oo uu inoo dhallo qarannimo. “Allahayow dal ma aqaan, allahayow dad ma aqaan; qori daad wadaan ahaye, dawyo ha iga raaridin,” waa tuduc ka mid ah hees ay ku luuqaysay, allaha u naxariistee Xaliimo Khaliif ‘Magool’. Markii aan qabyaalad magansanay oo qiimaheenii lumay; markii aan dad-qalatownay oo aan dooxato wada noqonay; markii dacallada adduunka aan u wada dagaagnay; markii dalkeenii uu noqday beer aan deyr iyo dad ilaasha midna lahayn oo ciddii rabta ay gasho, waxa ay doontana ka gurato; waxaan la mid noqonay qof indhool ah oo aan haysan cid usha u qabata ama hagta.

Waxaan dhawr iyo labaatan sano ku jiray socod aan kala go’ lahayn, haddana aan meelna lagu gaarin. Waxaan ahayn geedi aan marna awrta la furin, haddana aan goobtii geesna u dhaafin. Waxaan ahayn kuwo aan aqoon jidka ay hayaan jahada uu ku jeedo iyo meesha u geynayo. Waxaan noqonay kuwo aan “ceelna u qodnayn, cidina u maqnayn,” oo caddow iyo nacab u jabay. Waxaa markaan oo kale shacbiga Soomaaliyeed ay aqoonyahankooda ka filayeen in uu usha u qabto oo uu ku hago hilinka toosan oo ay uga guuri karaan moorada hadimada ee ay hadda dhex tuban yihiin, ayna ku heli karaan karaamadoodii ay kala tureen.

Waxaa aqoonyahanka laga filayay in uu gacmaha is-qabsado oo uu u midoobo sidii uu dalka iyo dadka uga samato-bixin lahaa xaaladda murugada leh ee ilaa hadda la maarayn la’yahay; taas oo lagu tilmaami karo in ay tahay mid ku talogal ah oo aysan ahayn mid loo taag waayay. “Tolow reer rag leh, sidaan roob ma u galaa,” waxaa catowday hooyo (habar) si weyn uga murugaysan waxyeello uu roob mahiigaan ah oo mir ahi uu reerkeeda oo markaas uusan rag joogin uu u geystay. Soo daw ma aha, haddii shacbiga Soomaaliyeed maanta ku cataabo; “Tolow dad iyo dal aqoonyahan leh, sidaan ma u dumaan oo cadow daleel ma ugu noqdaan!!”

Haddii aad eegto khilaafyada ka dhex dhacaya hoggaanka Dawladda Federaalka ah; waxaa si cad u muuqanaya in ay yihiin kuwo aan sida badan ka dhex-dhecin dad aqoon leh oo wax-bartay ama magaalo-joog ah. Waxaa la dareemayaa in waddada aqoontu ay tahay mid qof waliba sida uu doono ugu durduriyo. Waxaa muuqanaya shakhsiyaad qaanuunka iskala sarreeya oo buste qabyaaladeed huwan, isla markaana doonaya in habmaamuus qaran la siiyo. Tanina waxay ina tusaysaa sida maanta dadlka iyo dadku ugu baahan yihiin in aqoonyahanku u soo birmado oo uu dabaqabto.

Waxaa Soomaalidu ka ducaysan jirtay oo ay ka Alla-baryi jirtay shan belaayo oo kala ah:

1. Caro aan laga soo noqonnin;
2. Cayr aan laga dhaqan;
3. Cudur aan laga bogsan;
4. Colaad aan laga heshiin; iyo,
5. Cilmi aan lagu intifaacin.

Soomaaliya waxaa maanta lagu tilmaami karaa in ay tahay qof wadnaha ka jiran oo u baahan qalliin deg deg ah, balse cisbitaalka uu yaal uusan joogin takhtar takhasuskaas leh oo qali kara; sadaas darteedna qarka u saaran in uu dhinto. Haddaba, haddii aqoonyahanku uusan u istaagin in uu dawrkiisa qaato oo dawladnimadeena sii dhimanaysa iyo dadkeena sii dhammaanaya uusan dabaqaban; sow daw ma aha in cilmiga aqoonyahanka ay dadka Soomaaliyeed ee dagaalka sokeeye naafeeyay ay u aqoonsadaan, mid aan lagu intifaacin oo ay tahay in laga ducaysto!!

Inta aynaan kala dhaqaaqin oo aannan qallinka dhigin, aan ku weyddiiyo; Maxaad ku tilmaami lahayd baahida ugu weyn ee maanta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay qabaan??

Ilaa iyo qalinkayga dambe, Nabadgelyo

Qaybihii hore Akhri: https://somalitalk.com/tag/cabdishire/

Cabdi Shire Warsame
Cirfe_50@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " DHAMBAAL- Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed – Qaybta 6aad "

  1. a s c waxan salamayaa bahda saxafada ee somalitalk sida qimaha iyo qayaha badan ee waqtikana nogu huran ita kadib hadan guda galo suaasha waxa aan ku tilmami lahaa aqooyarida naga hasata cimiga iyo qabyalada oo xadkada kabaxday