Shirkii Nairobi: Waa in la qabto Doorashada Madaxweynaha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ka hor Agoosto 2011 —
Warbixin Kooban Kulankii Nairobi oo soo gabagaboobey:
Kulankii lagu qabtay magaalada Nairobi ee uu qabana qaabiyey Mahiga ayaa waxaa ka soo baxay dhawr qodob oo ay isku raaceen ka qaybgalayaashii kulankaas oo uu kamid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan.
Qodobada la isku raacay waxaa ugu horeeya “Sida loogu baahan yahay in la dhameeyo xilliga dawlada Kumeelgaarkaa sida uu hore u qararay Dastuurka Kumeelgaarka ah, isla markaasna in doorashada Madaxweynaha DFKMG iyo Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa in la qabto inta uusan dhammaan waqtiga Kumeelgaarka ah oo ah August 2011”. Kordhinta muddada Baarlamaankana laga dhigo 2 sano oo waqtiga loo kordhiyo… (Akhri Qoraalkii ka soo baxay gabagadii shirkaas)
Sidoo kale Akhri Khudbadii Dr. Faroole ka jeediyey Shirkaas
Halkan ka daawo sawirada Kulankaas
Madaxweynaha DFKMG iyo Ra’isul wasaaraha DFKMG oo qorshaynaya sidii Xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan iyo Faroole oo marka uu Dhamaado Shirka Nairobi Qorsheynaya in Booqasho Wadajir ah ku tagaan Adis-Ababa.
Markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ka qayb galey shirka ay qabanqaabisey Qaramada Midoobey ee haatan ka socda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa si aad ah uga horyimid Xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood ku tilmaamey mid Sharcidarro ka qaybgalka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Shirkaas
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh iyo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa xubno ku dhow dhow noo sheegeen in labada Masuul ay wadaan dadaal ay ku doonayaan in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxaana labada Xafiis ka socda kulumo u dhaxeeya iyaga iyo xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga arrinsanayo waxa laga yeelayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagu ka qaybgaley Kulanka Qaramadda Midoobey ay soo qaban qaabisey ee Nairobi.
Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi ayaa waxaa uu sheegey in Xildhibaano gaaraya 280 Xubnood ay durbadiiba is Qoreen ka dib markii ay saxiixeen Mooshin ka dhan Gudomiyaha Baarlamaanka si xilka looga qaado , sidoo kale wuxuu sheegey Xildhibaanka Todobaadka soo socda ay Xildhibaanada ay kulan isugu Imaan doonaab si looga hadlo Mooshinka laga keeney Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu sheegey in uu ku tuntey Sharcigii iyo Axdigii Kumeel Gaarka waayo Shirarka looga hadlayo Arimaha Soomaaliya waa mid ay ka qaygeli karto Xukuumadda oo kaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Aqlibiyad balaaran ka haysta Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa haatan u muuqda mid waayi raba taagradaas ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen in Gudoomiyaha uu ka baxay ballantii ahayd in inta uusan bilaaban kulanka Nairobi uu Shariif Xasan sheegey in Baarlamaanka uu hor keenayo si Xildhibaanada Baarlamaanka ay uga tashadaan shirkaas , hase yeeshee waxay sheegeen in Gudoomiaha Baarlamaanka uu hareer marey Sharcigii taasina waxay keentey in Gudoomiyaha u si ula kac ah uga qaybgalo shirkaas oo ay sheegeen in uu yahay mid lagu burburinayo Qanimadii Soomaaliya.
Hadaba wararka lagalay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in kulan Albaabada u xiran yahay ay yeesheen Madaxweynaha Maamul Goboleed Pundland Cabdiaxmaan Faroole iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxana lagu waramey in kulankaas la is kula soo qaadey sidii Mowqif Mideysan uga qaadan la haayeen labada dhinac Waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo Bilooyin yar ay ka harsan yihiin.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Pundland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waayadaan si aad ah isugu soo dhawaanayaa marka la fiirriyo Arrimaha siyaasada Soomaaliya , waxaana warar laga helay ilo wargal ahay sheegayaan in marka uu dhamaado Shirka Nairobi ay Booqasho wadajjir ah ku tagi doonaan Magaalada Adis- Ababa ee Dalka Itoobiya si ay Dowladaas ula socodsiiyaan Waxa ka soo baxay kulanka Nairobi, maadaama laba Masuul ay yihiin rag si aad ah ugu dhow Dowladda Itoobiya, waxaana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya uu dhawaan Carabka ku dhuftey in Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdiraxmaan Faroole ay ku heshiiyeen in labadooda ay kala qaataan Dowladda Soo socota Xilalka kala ah Madaxweyne iyo Raiisul Wasaarre , waxaan Qorshahaan la dhacsan Dowladda Itoobiya.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa kulan uu kula yeesheey Nairobi Xubno ka socdey Qaramada Midoobey uu u Gudbiyey Qoraalka u kaga dalbanayo in la yareeyo tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana la sheegey in Gudoomiyaha Baalamaanka Shariif Xasan uu aad u taageersan yahay in la dhimo Tiradda Xildhibaanada Dowladda Federaalka , Maadaama Qaramada Midoobey ay hore u sheegtey in aysan wax dhaqaalle ah u hayn Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 550 Xildhibaa, waxayna Qaramada Midoobey ay dooneysaa in Xildhibaanada ay la gaarsyo 150 Xildhibaan.
Hadaba Isbahaysiyadaan xaaladda Siyaasadeed Abuurteyoo ay kala sameysteen Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isku dhinac ah, Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdiraxmaana Faroole ayaa Shacabka soomaaliyeed isweydiinayaan Cidda looga adkaado Siyaasadda Soomaaliya iyadoo sidoo kale Dowladda fara kula jira Arrimaha Soomaaliya ayaa iyana waxaa ka dhaxeeya Hardan Siyaasadeed iyaga waxaan uga fadhinaa cidda looga adkaado Siyaasadda Soomaaliya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
isma dhaanto iyo dhasheed mid walba doonayo sidii uu uga xoolaysan lahaa hantida la siiyo dadka masaakiinta ah ee soomaaliyeed ee abaarta, dagaalka iyo dawlad la’aantu daashatay.
waa danaystayaal kuligood allahna waxaan ka baryaynaa inuu naga qabto oo taladeena u dhiibo mid allah uga baqaya masuuliyadda uu umadda u hayo.
Madaxweyne Shariif waxan leeyahay haddeer inaad or-orod billowdo ma ahayn ee marki dalka qayladu meel walba kasoo yeereysey ayay ahayd dab demis inaad meel walba u dirto wixi kaa gardaranna aad dadka iyo wax garadka u fadhiisiso oo xukumaddaada iyo Puntland waxa idinka dhexeeya iyo qaylada mar walba Ahlusunna kasoo baxaysay aad xallisaan, waayo madaxweyne qaran adigaa dalka ka ahaa cid kale oo aad ka sugaysay inay shaqadaada qabatana ma jirin. halkaaad adiga iyo raiisulwasaarahaadaba shaqo ka dhigateen dagaal ayaan ku jirnaa.gacanta dagaal maahee gacanta kalena waxay ahayd inaad gurmadka abaaraha oo debed iyo gudaba aad u martaan,aslaaxinta umaada dhexdeeda ah gobolada wax tabanaya wada xaajoodkooda iyo urradaba ku hagaajisaan oo masuuliyiin qaran oo culus u saartaan ayay ahayd kuwaasoo idiin kala dab qaada xalna raadiya wixi aad ku qaldantihiinnaidiin muujiyawixi ururradaas iyo dawlad goboleedyadu ku qaldanyihiinna muujiya oo hal meel kolkaa wax loo wada wado..
Madaxdaxweyne Faroole waxaanu sheegi lahaa laba arrimood midkood adigay kula gudboontahay dadka puntland-na dhegahasi fiican ha u furaan.
Tan kowaad in aad ogoolaataan inaad qaranka Somaliya si buuxda uga mid tihiin wasiirrada iyo xildhibaannada federalka ee qarankuna idin matalaan adinkuna aad diyaar u tihiin dakhliga dekedaha iyo airportka kasoo xarooda inaad ku soo xareynaysaan khasnadda qaranka. ciidanka daraawiishtana aad kusoo warejinaysaan wasaaradda gaashaandhigga oo Xooga Dalka Somaliya si buuxda uga mid noqonayaan xeerka Federalka iyo dastuurkana aad xuquuqdiinna ku raadsataan hanajabaadda iyo garab orodkana ka daynaysaan xukumadda federalka ah. Markaasnamadaxdiinnu isu sharraxdo madaxweyne ama raiisulwasaare iyo jagadi kale ee ay qaranka ka rabaan.
Inaad sidi Somaliland si daacad iyo run ah u caddaysataan inaydaan Somaliya iyo xukuumaddeeda federalkaah toonnashaqo kulahayn oo goonni isu taagteen ilaa aad kaheleysaanqaran Somaliyeed oo shuruucdiisi iyo nadaamkiisiu idilyahay oo dalkaintiisi kale oo dhan maamulayaoo lalaxaajoodo oo qaab confederal amafederalah loolamidoobolahelana goonni baannu kanahay dalkainmtiisa kale oo kolkaa xildhibaan iyo wasiir wixi aad lahaydeen kala baxdaan xukuumadda dhexe dhaqaalihiinna iyo dekedihiinna iyo wixi kale ee aad helaysaan ee caalmka kaheleysaannaaad sidaas goonni ku noqotaan sida Somalilandba ay yeeshay oo aan meel cad idinku ogaanno. Labadaas wixi aanahayn waa ludda jecli legga jecli oo dhanna goonni inaad isu goysaan oo gudihiinnalasoo eegin adinna lug iyo gacan aad xamar ku walaaqdaan waa xaaraam umadda Somaliyeedna idinkama yeeleyso.
Haddad doonaysaan inaad xaquuq heshaan sidakililkashanaad ee itoobiya qarankanaugadambeeyasidaqaranadiinnamaamul hoosaadkiinalahaada kuna kalsoonaada xildhibaanadiina iyo wasiirradiina.
Guddomiyaha Baarlamaankawaxan leeyahay hadba qofki mucaarad noqda hadaba ordine ka kor min fadlak dhaqankaas ah jago ku raadin mucaarad daba ororkiis oo statesman noqo la aamini karo.Qaranka iyo sharafta dalkaadana ka kor yeel weel maran ajnabi la hoos orodkiisa. Shaqada guddomiye baarlamaanna dib u akhri oo baro waxa guddoomiye baarlamaan loo ogolyahay iyo wixi aan shaqadiisa ahayn oo aan loo oggolayn.
Raiisulwasaaraha iyo aqoonyahanna dhallinta yar ee dalkooda usoo gurmaday waxan leeyahay dawladihi sharcigaiyo kala dambeynta lahaa ee aad ka timaaddeen hannagu qaldina ee waxa la idinkaga baahanyahay in aad sabar, dulqaad iyo fiiro dheere yeelataan tartanka iyo xarig jiidka dadka dhexdiisa soo jireyna uusan idin saameyn oo cid kasta iyo urur kasta gacan walaalnimo iyo talo caafimaad qabta ku qaabishaan.dadka aanaqoontasiyaasadeed lahaynnaqaladkooda ugu dulqaadataan oo aydan ka ficil qaadan waayo ayagu waxa ay qaranka u geysanayaan oo khasaare ah ma arki karaan,waayo haddii ay arkayaan maanta 20 kaddib halkaan ma’aanan taagnaan lahayne. Waxa loo baahanyahay siyaasad qaboow oo caqli iyo maslaxo ku dhisan inaad caalamka iyo dadkaba kula dhaqantaan oo is debcisaan dakana dhaqankiisa iyo sida uu kala yahay fahamtaan si xalka meeshu jiro aad u fahamtaan.
Sidoo kale siyaasadda arrimaha debedda ee dalku waa lagama maarmaan in aad looga taxadaro si dalku u helo kaalmo iyo aqoonsi.
Shariif Xassan Shekh Aadan waaxuu cayaarayaa siyaasaddii uu horay u
cayaaray markii uu kusoo biirayay maxkamadaha oo Xamar lagu soo dhaweynayay, waana tii uu ku waayay Guddoomiyanimadii Baarlamanka.
Hadda arrinta socota waa tii oo kale oo OLOLE hor leh ayuu ku jiraa bacdamaa aay sii liiceyso Xukuumadda hadda Jirta iyo Baarlamaanka tirada badan oo aan wax dhaqaale loo heynin.
Shaxdiisa cusub ayaa ah in uu boos ka helo Puntland iyo Addis-Abeba
iyo dhismaha cusub ee Dowladnimo.
Ninkani ma ahan nin si sahlan ku haraya cayaar kasta waxuu rabaa in uu lugta la galo.
ASC waad mahadsantihiin bahda Somalitalk doorashada mawaadiicda danta Somaliyeed ku jirto iyo helidda xogaha dahsoon ee caalamka kajira.
Maanta waxa muuqata inuu billoowday jidkii caadiga noo soo ahaan jirey ee mar walba ku burburi jirtey dawlad kasta oo loo soo dhiso Somaliya.waxaynamar walba u dhici jirtey sidan:
Laba masuul oo kala feker duwanaada, muran iyo is qabqabsi dhexdooda ah iyo idaacadaha oo warar la isu mariyo, xildhibaanno la kala shirsado, debedda oo shir lagu qabto ama looga yeero masuuliyiinta dawladda dhinac iska diida u yeeritaanka ama shirka dabadeedna beesha caalamka oo mid taageerta labada dhinac midna daaqadda ka saarta ayada oo eegeysa habka ugu sahlan ee wax ku kala soconayaan, dabadeedna kan kale qudhiisa si kale si xeeladaysan asna daaqaddau ga saarta. Hawshi dawlad u samynta Somaliyana mar kale halkaas kow kasoo billaabato wixi waqti, hawl, kharash, dhimasho iyo dhaawac ahaa ee ka dhashay tii horena aan waxba lagasoo qaadin haba yaraatee.
Casharkaas oo taxane soo ahaa ilaa xilligi Cabdiqaasim iyo Cali Kkaliif ayaad moodda in meeshi ugu xumayd uu taaganyahay maanta.
Shirkan ugu dambeeyeyee Nairobi Waxad mooddaa inuu debedda usoo saarey cillado badan oo duugnaa oo xukumadda iyo baarlamaanka dhexdoodaahaaama xukumadda iyo Puntland iyo Ahlunna ku dhex jirey.
Si kastaba haahaatee Xukuumadda waxan usoo jeedinayaa dhaliil ahinaydhegahakafureysatey qaylo dhaan muddo dheer kasoo yeereysey Puntlanbd iyo AhluSunna oo aanaywafdiu dirin hawshaas xal ka gaadha.
Waxankale oo ku eedeynayaa inay haddeer ayada oo og inaysan weli cagaheedaisku tagaain xukuumadda Somaliyeed oo aysanhaysandhaqaale iyo awood ay ku maareyso hawsheeda ciidankeeda aysanbixin karin mushaarkooda, ciidamada shisheeye ee jooga aysanayagumeesha ku hayn waa u xikmad xumo in mawqif confrontational ah amamindi mindi ku taag ah qaadato, walow aan dareemi karo qaladaad dimplomaciyadeed oo xoog leh inay meesha ku jiri karaan.oo meesha ay ka muuqato in looladhaqmaysidi koox hogaamiye kooxeed ahoo kale oo aanan lasiinmaqaamxukuumad qaran, waloow taasi muuqan karto haddana duruufaha dalka ee aad ka u adag iyo awoodaha stake holders ka ka ah(amawax kago’aan) dalkaan arrimihiisa lugta ku leh markaan eegno sida ay isula shaqeeyaan ma inkiri karno awoodda iyo dhaqaalaaha UN-ta iyo sida aanay xukuumad kastaoo xilligaan kajirtaSomaliya marna uga maarmi karin dhaqaalaha, go’aanka iyo talada iyo wada shaqaynta Jamciyaada quruumahaka dhaxaysa iyo dawladdaha deeqda bixiya midna. Waana qayb kamid ah hogaamin xumo in dalka aad xukuumadda iyo dalkaba soo taagtaan jiid cidla ah oo xiriirki caalamka ku fashalantaan waqtigaan aadka xasaasiga u ah ee tabar darradeennaaad ogtihiin. Taas oo carada la idiin qaado ku xambaareysa in beesha caalmku si indho la’aan ah ay cid aan munaasib u ahayn umadda Somaliyeed taladi dalka gacanta ugu geliso meel kasta iyo qaab kasta ha usoo martee.
waxan haddaba rajaynayaa masuuliyinta xukuumaddu kaalin wax isu soo dhaweyn iyo kaar siyaasadeed inay ku beddelaan mawqifka adag ee ninba meel qabsadey.
Guddomiyaha Baaralamaanka waxan u heegayaa shaqadiisa inuu aqoonsado, joojiyana hawlaha fulinta oo ilaa xiiligi Cabdullahi Yuusuf faraha kula jirey taas oo mar walba muran adag iyo is qabqabsi u hor kacaysay dawladda. Shaqada qaranka ee guddomiye baarlamaan waa iska caddahay waana jago maqaam sharafeed aan lahayn awood fulineed ee sidaas u garo mana aha adiga keliya ee kii berrito ku baddalana waa sidaas shaqadiisu.
Dhamaantiinna masuuliyiin xukuumad iyo baarlamaan waxan idiin rajaynayaa inaad toos isu hor fadhiisataan adinkaoo adeegsanaya xeel dheerayaal iyo akhyaar Somaliyeed oo dhex dhexaad ah si loo bixiyo mugdiyada yaryar ee dhexdiinnaah logana shaqeeyo sidi aad ugu istaagi lahaydeen soo dabaalidda midnimada iyo wadashaqaynta iyo sidi habsami aad ugu fulin lahaydeen xilka la idiin dhaarshay ee umadda Somaliyeed idinku aamintey ugana dheeraataan arrimaha damaca iyo rabitaanka shakhsiga ah ku salaysan.
Puntland waxan kacodsan lahaa Maamul Goboleed facweyn baad tihiin oo kaba da’weyn xukuumaddaaad haddaladirirsan tihiin fadlan dalki kamahirgelin wax maamul goboleed ah oo heerkiina gaarsiisan si dalka oo dhan toos loogu dhaqo qabfedelral ah oo maamul goboleedyadaiyo xukuumaddau wada shaqeeyaan. Dastuurki weli lama dhammaystirin hawshaas kala qeexi lahaa. Markaa waxan idinku eedeynayaaa dinka oo kafaaiideysanayafursaddanabad gelyo ee aad haysataan iyo maamulka muddada idin dhisnaa kuna lifaaqaya rabitaankiinna inaad gaadhigi faraska ka soo hormarinaysaan oo leedihiin sidan haddan la yeelin waa jarnay xiriirki xukuumadda labo mid inaad yeeshaanayaaidiin habbonaanlahayd .
inaad xukuumaddalashaqysaan unadulqaadataanoo welibadaadihiisaan marka dastuurki iyo habki federaalku sibuuxdauhirgalanaxaqiinnaoo buuxa qaadataan.inaad total susupension ku samaysaan xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda ilaa ay dawladdu yeelanayso awood xukuumad federal ah oo xildhibaannadiina iyo wasiirrada federalka ahba la baxdaan si kumeel gaar ah. kolka xukumaddu hawsheeda ayadu soo dhamaystiratana miis isugu timaaddaan inta kahorreysana muranka iyo is qabsiga xukuumaddaba aad faraha kala baxdaan adinkuna heer maamul autonomous ah usii shaqaysaan waxba adinka oo aan qaranki ka go’in. taas ayaana adinka iyo umadda Somaliyeedba cadaalad u ah.
Allow noo gargaar, war ma inay Ibbi, Ina Cabdishakuur, shariif sakiin, Juurile iyo tuugtii wadanka dhan rabta inay shillimo dhaafsadaan baa maanta wax la waydiinayaa, waan ka xumahay masuuliyinta Ahlu suna, puntland iyo Galmudug waad is ceebayseen hadaad dadkaasba la shirteen, wax kale ma rabaan in Ina Cabdishakuur Madaxweyne, Shariif Sakiin Barlamaan, Ibbi Raisal wasare kadibna heshiiskii badda la dhaqan geliyo inta hartay wadankana meelo cusub laga siisto lacag weeye ee TFG waa inaysan marna ogolaan qawlaysatadaan
Cid laga adkaanayo oo aan ahayn shacabka ma jirto. Shacabka waligood waxay ku jiri doonan midaan iyo mid ka daran inta ay dabada kula jiraan qabyaalada.
Waxa Soomaaliya maanta ka socdaa waa waxsoo saarkii Qabyaalada! Illaa Soomaali walbaa suntaas meel iska tiiriyo oo qalbigiisa ka saaro wax xal ah oo la gaari doono ma jirto.
ASC,
Amiin waxaad tahay qoraa ku xeel-dheeraaday wadciga siyadadeed inaad soo gudbisu sida xaalku yahay. Balse u fadhin meyno inaan aragno sida ay wax noqon doonaan,wey iska muuqatay waxa shiray inay Xabashi ahaayeen kuwa shirka qabtayna iyo dul joogayaasha way ogaayeen danta kama danbeysta ah.
1.a..Xasan Adan shalay wuxuu ku yimi Ethiopia naceyb maanta jaceylkooda ayuu huwan yahay.
b. afhayeenku wuxuu ku yimi hantidiiuu ka i bililiqaystay deeqaha dibadeed ah dakhli gudaha xiligii maaliyadda uu hayay ayagoo og ayuu ku gatay barlamanka, sidii ayuu u gadan doonaa.
2. Cabdiraxmaan Faroole Puntland ayuu maareyn kari waayey.
a. dabka sool sanaag iyo ceyn ka holcaya ayuu dhinac yahay, ayadoo amnidarada gudaha Puntland guud ahaan ay u dheer tahay.
b. Burcad badeed qiilkii loo hayay ka sii fogaatay, oo caalamka ka qeliyay, ayadoo ay u dheer tahay sida waxashnima leh ee tahriibayaasha loogu qarqiyo badaha hawshaa deegaankiisa ayay socotaa
c. Isir faqooqii lagu gummaaday dadka reer Bay iyo Bakool 24 saac lagu soo barakiciyey khasab xilli ay ahaayeen magan galyo iyo miciin doon.
3. Ahlu dhariiqa kuwa Xabshida u dikriya waxba ma dhaammaan shabaabka. ‘** mar un xasuuso halyeydii culimada Siyad Maxamed Cabdille Xasan, Sheekh Bashiir, Sheekh Xasan Barsane’** alle naxariistii janno ha siiyo.waa kuwaa ahlu sunna.
ASC,
Amiin waxad tahay qoraa ku xeeldheeraaday wadciga siyaasadeed sida ay wax yihiin soo gudbintooda.
Way iska muuqatay inay Xabashi shirtay,
Waxaan hanbalyo u dirayaa madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale ee shirka iyo weliba Mahiiga sida sharafta leh ee khibrada ku dhisan ee uu shirka ku dhamaaday
Puntland waa in ay kaalinteeda ka soo baxdaa, oo la shaqeysaa UNKA
Waanna in ay kaga dhabeysaa shirka Soomaliweyn
Sheekh Shariif iyo Farmaajo waa wax lala yaabo in ay ku tuntaan sharciga dalka, oo ay dhahaan hadaan waqtiga na loo kordhin gow iyo gash ma leh. War isku xishooda, oo ummada Soomaliyeed ka dulqaada dhibta ku heysaan