Home » Warar »

Naadi ay ku Mideysan yihiin Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan oo looga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Kulan looga dhawaaqay Naadiga Xildhibaannada Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan,culummo’udiin, siyaasiyiin, waxgarad iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo sawirada

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Nabaddoon Maxamed Cabdi Taako wuxuuna sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin in xildhibaannada Gobolka Hiiraan ay maanta sameystaan Naadi ay ku mideysan yihiin, isagoo sheegay in naadigan uu u horseedi doono gobolka Hiiraan nabad iyo horumar.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay xafladda lagu dhisay Naadigan Nabaddoon Maxamed Axmed Waasuge, isagoo sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay gobol aad u ballaaran ayna dagaan dhowr iyo toban beelood, isagoo sheegay in Naadigan uu u horseedi doono gobolka Hiiraan inuu dhameeyo khilaafaadka dib u dhaca u keenay Gobolkaas.

Waxaa kaloo ka hadlay Khaalid Cabdi Jimcaale oo isaguna sheegay in naadigan uu horseedi doono in gobollada kale iyana ay dhistaan naadi noocan oo kale ah isagoo u soo jeediyay dhammaan shacabka gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan naadiga maadaama ay yihiin dad doonaya inay wax u qabtaan gobolkaas.

C/raxmaan Sheekh Axmed Daahir oo isaguna ka mid ahaa xubnihii lagu martiqaaday xafladda ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay gobol ay kasoo jeedaan raggii aasaaska u ahaa SYL ee xorriyad-doonk Soomaaliya, wuxuuna sheegay in maanta looga baahan yahay xubnaha naadiga inay dadkaas ku daydaan isla markaana gobolkooda u keenaan nabad iyo ammaan aad u ballaaran.

Kulanka waxaa kaloo ka hadlay Nabaddoon Xasan Ganey oo sheegay in dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan ay mas’uul ka yihiin qaar ka mid ah beelaha waaweyn ee dega Gobolkaas isagoo u soo jeediyay beelahaas inay la shaqeeyaan naadigan oo uu sheegay inuu yahay mid ay ka muuqato saansaan ay gobolkaas ugu soo dabbaali lahaayeen nabad.

Nabaddoon Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ah Nabaddoonnada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay isagoo goobta ka hadlay in gobolka Hiiraan uu soo maray marxalado kala duwan maanta ay isugu darsantay abaar iyo colaad, isagoo sheegay in Naadiga looga baahan yahay inuu u istaago sidii uu u badbaadin lahaa.Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan

Baartaag Cismaan Sheekh Axmed oo ka mid ah Nabaddoonnada Gobolka Hiraan ayaa isagu wuxuu baaq u diray shacabka gobolka Hiiraan siyaasiyiinta, waxgaradka, culummada, nabaddoonnad kaasoo ahaa inay gacan ka geystaan sidii gobolka Hiiraan looga badbaadin lahaa dhibaatooyinka soo wajahay, isagoo si gaar ah ugu baaqay naadiga cusub oo ay ku mideysan yihiin xildhibaannada gobolka Hiiraan inay iyaguna u istaagaan samato-bixinta shacabka ku nool gobolka Hiiraan.

Halkan ka daawo sawirada

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish oo ka mid ahaa Xubnihii lagu marti qaadey sameynta Naadigaas ayaa sheegey in ay aad u soo dhaweynayaan Sameynta Naadi ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada Gobolka Hiiraan ,wuxuu kaloo uu sheegey in loo baahan yahay in Gobolada kale in ay ku daydaan Talaabadaas ay qaadeen Xildhibaanada Gobolka Hiiraan oo ah mid Gobolka u horseedaya Nabad iyo Horumar

Dhammaan nabaddoonnadii kulankaas ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay si aad ah u soo dhaweynayaan isla markaana ay u taageersan yihiin Naadigaan oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid dhameyn kara khilaafaadka soo laalaabtay ee ka jira Gobolkaas.

Ugu dambeyn, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha naadiga xildhibaannada gobolka Hiiraan xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo ballanqaaday inay u guntan doonaan sidii ay gobolka uga saari lahaayeen dhibaatooyinka soo wajahay isagoo sheegay in gobolka- Hiiraan uu ku faano inuu horseed u ahaa xorriyaddii dalka isla- markaana ay kasoo baxeen rag waaweyn oo magac ku lahaa Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in Gobolka uu yahay gobol aad u ballaaran ayna dagaan dad aad u fara badan, isagoo sheegay inuu ka gudbay hal gobol- uuna la mid yahay laba illaa saddex gobol marka la fiiriyo baaxaddiisa- iyo dadka ku nool.

Xubnaha naadiga ayaa waxaa ka mid ah: xildhibaan Mukhtaar Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiye ku xigeen, xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah xoghayaha guud.

Xoghayeyaasha Naadiga.

Xildhibaan C/raxmaan Jimcaale Cusmaan – Xoghayaha sugidda Amniga.
Xildhibaan C/ramxaan Maxamed Aadan (Fanax) – Xoghayaha Warfaafinta
Xildhibaan C/sataar Sh. C/salaan Sh. Xasan Barsane – Xoghayaha Maaliyadda
Xildhibaan Nuur Wabar Cabdi – Xoghayaha dib u heshiisiinta
Xildhibaan C/raxmaan Macallin Maxamed – xoghayaha xiriirka hay’adaha samofalka
Xildhibaan Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) – xoghayah arrimaha bulshada
Xildhibaan Xuseen Muxumad Maxamed (Gagaale) xoghayaha xiriirka Jaaliyadaha
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame – xoghayaha qorsheynta
Xildhibaan C/qaadir Faarax Karaamo – Xoghayaha dib u dhiska iyo dib u dajinta
Xildhibaan Nasro C/salaan Caalin – Xoghayaha Arrimaha Haweenka iyo Qoyska

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.