Home » Warar »

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Seddaxaad Loo doortey Xilka Madaxtimadda Dalka Jabuuti

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar seddaxaad ku guuleystey xilka madaxtinimadda dalka jabuuti, kadib uu tartan la galey musharaxa madax bannaan ee Maxamed Warsame Raage, madaxweyne Gelle waxaa uu heley in ka badan boqolkiiba 75% cod, halka musharaxa warsame uu heley wax ka yar 25% cod.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka jabuuti Yaasiin Cilmi Buux oo shir jaraa’id ku qabtey xaley abaaro 4-tii oo wax dhiman ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku sheegey “%70 iyo jarjar waxaa ku guuleystey madaxweynaha hawshu ka dhamaaneyso ee dib loogu cusubooneysiiyey mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ninkii ka horjeedey ee la dhigtey ee dhalinta yaraa maxamed warsame isaguna wuxuu heley %20 in ku dhow madaxa kama garanayee, waqtidambe oo la iska daalan yahay weeye, waqtiga aan hadleyno waa 4-tii oo taban la’ fursad bey u tahay labada musharaxiinta ahaa shaley, ilaa saaka ahaa, ilaa caawa ahaa, in aan labadooduba ku hambalyeyno, sida fiican ee ay uga qaybgaleen doorashada caqliga leh, degenaashaha leh ee wanaagsan, shacabka jabuuti, isagan waxaan aad ugu hambalyeyneynaa, sida ay u tuseen inay dadd bisil yihiin, yaqaana khibrad u leh doorashada, ee degenaashaha leh ee nabada ay u guteen dorashadoodii, sharaf ayey u tahay dalkayga qiimo aad u weyn bey siineysaa dalkayaga, waxaan leeyahay raggiina iyo dumarkiina dadaalaya inaad u tustiin dalkani inuu yahay dal furan, dal degen, dadkiisuna ay dadwanaagsan oo caqli leh adinkuna waad mahadsan tihiin”.

Su’aalo ay weydiinayaan qaar ka mid ah warfidiyeenada iyo somalitalk, islamarkaana uu ka jawaabayo halkan ka dhegeyso cod wasiirka oo dhameystiran.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/yaasiinbuux.mp3]

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Hoos ka akhri warbixintii shalay ee Reer Jabuuti oo u dareeray Doorashada Madaxweynaha:

Madaxweynaha Dalka Jabuuti  Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Seddaxaad u Tartamaya Xilka Madaxtinimadda Dalka Jabuuti Ayaa Jimacadii Ka Codeeyey Xarunta Dowlada Hoose ee Caasimadda Dalka Jabuuti 08/04/2011.

Inka badan 150,000 oo ruux oo  Daddweynaha reer jabuuti ah  ayaa aroornimadii saaka u dareerey doorashadii Madaxweynaha shanta sanno ee soo socota,  taasoo ay ku tartamayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Avv Maxamed Warsame Raage oo ah musharax madax bannaan, kadib markii ay qaadaceen xizbiyada mucaaradka dalka jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamed Xayd, Gudoomiyaha Baarlamaanka Idiris Arnaa’uud Cali, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda dalka Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda ayaa isku meel ka codeeyey saaka, halka Musharaxa madaxa bannaan ee xilka madaxweynaha dalka Jabuuti Maxamed Warsame Raage uu ka codeeyey Iskuulka xaafadda leer ee magaalada jabuuti ah.

Dadweynaha reer jabuuti ayaa  safaf aan lahayn buuq iyo rabshado  ugu codeynayey guud ahaan magaalooyinka dalka,  taasoo la filayo in la soo gebagebeeyo 6-da galabnimo ee maanta. Dadka reer jabuuti ayaa marka aad la sheekeysato intooda badan, waxa ay ku leeyihiin maanta waanu simanahay oo waxaanu dooraneynaa madaxweynaha nahogaamindoono shanta sanno ee soosocota.

Halkan ka daawo sawirada Codbixinta

Doorashadan ayaa  waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda Midowga Afrika, Urur goboleedka IGAD, Ururka Isutaga Islaamka iyo Jaamacadda carabta, intii ay socotey doorashadii saaka waxyaabaha sida gaarka ah uga dhex muuqdey doorashadan oo misana soo jiidanayey indhaha dadka ku cusub dalka jabuuti, in xubno cadaan ah oo leh ragg iyo haween wax ka codeynayeen, sidoo kale  waxaa ka dhex muuqdey  qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, islamarkaana amaanka sugayey in safka doorashada  dadweynaha u taagan ay dhinacooda ka codeynayeen, iyadoo aan ixtiraam gaar ah loo muujineyn, taasoo la dhihikaro waa wax mudan in lagu deydo shacabka iyo maamulka dalka jabuuti.

Inkastoo aan la ogeyn doorashadan cidda ku soobixidoonta madaxtinimadda dalka jabuuti, ayaa haddana marka si guud loo eego waxaa laga dareemayey sawiro muujinaya murtidii soomaaliyeed ee ahayd “SADAR MUUQDA SU’AAL KA DHAN”!!

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Seddaxaad Loo doortey Xilka Madaxtimadda Dalka Jabuuti "

  1. Suqdho says:

    Mabruuk Dalka Jabuuti Waxa Ka Dhacday Dorasho Xor ah Waa midi Kalhore Somaliland ka Dhacday oo Kale Dadka Codka bixinaya Qofkastaa Intuusan Meesha codbixinta Iman waa Yaqan Sandukha u codka ku ridaayo Waayo ? Kaba Qabiilkiisa baa U Soo Tilmamay. Mudane Kastana Waa Ogyahay inta Beelood oo Codka Siindoonta Afrika ha Noolaato