Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo oo u Ambabaxay Magaalada Nairobi ka dib Markii uu Deg Deg ugu Yeerey Mahiga

Xildhibaan Nuur Wabar “Waxaan ku Talinayaa in Madaxda Sare ee Dowladda Xaliyaan Khilaafkooda haddi kale waxaa ka Faaiddeysan Doona..”

Iyadoo 12 Bishaan la qabanayo Shir looga hadlayo arrimaha kala guurka ee Dowladda Federaalka kaasoo ka dhacaya Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Arbacadii (Apr 6) waxaa dalka ka Ambabaxay Wafdi uu Hogaaminayo Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka dib markii uu deg deg ugu yeerey Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga.

Safarka Raiisul Wasaaraha DFKMG ayaa ku soo beegmey Xili ay ka harsan Maalmo yar kulanka ka dhacaya Magaaladda Nairobi,waxaana kulankaas ka horyimid Mucaaradd aad u xoogan iyadoo Raiisul Wasaaraha uu sheegey in aysan ka qaybgali doonin kulankaas ilaa lacadeeyo Ajandayaasha looga hadlaya,hase yeeshe Mahiga ayaa sheegey in kulanka uu yahay mid la tashi ah,isagoo sheegey in aanan looga hadli doonin Dhisme Dowlad Soomaaliyeed.

Warar aan ka helney Xafiiska Raiisul Wasaaraha ayaa noo sheegey in Kulanka dhexmari doona Raiisul Wasaaraha iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya la iskula soo qaadi doono ka qaygalka Kulanka Nairobi, iyadoo ay noo sheegeen in Raiisul Wasaaraha uu Wakiilka ka Codsan doono in dib loo dhigo kulankaas ilaa Bisha Dambe si ay la tashiyo Dheeraad ula soo yesheeen Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala Duwan Bulshada Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha DFKMG ayaa inta uusan ka amababixin Garoonka Muqdisho Wuxuu sheegey in weli Mowqifkoodu uu yahay mid cad, isagoo sheegey in shirkaas ay ka qayb geli doonaan haddi meel ka mid ah Gudaha dalka loo soo raro islamarkaana ay shirkaas Garwadeen ay ka noqoto Dowladda Federaalka.

“Shirar badan baa dalka dibadiisa lagu qabtey wax Natiijo ah oo laga gaarey ma jiraan marka waxaan ku talineynaa in shirka lagu qabto Gudaha dalka wixii tas-hiilaad ahna ay bixiso Beesha Calaamka waayo dadka wada hadlayo waa Soomaali oo isku Af ah, isku Diin ah , isku Dhaqan ah” ayuu yiri Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo oo la filayo in laba maalmood uu ku Maqnaado Magaalada Nairobi.

Xildhibaan Nuur Wabar Cabdi ayaan wax ka weydiiyey Kulanka uu qaban qaabinayo Wakii;lka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga iyo diidmada Dowladda Fedraalka ee Shirkaas wuxuuna yiri” inta ay is Khilaafsan yihiin Masuuliyiinta Sare ee Dowlada, Mahiga wuxuu doono ayuu sameynayaa, laakiin haddi khilaafkooda Xaliyaan oo si Wadajir u shaqeeyaam Mahiga kuma dhiiradeen in uu qaban qaabiyo shir waayo Mahiga wuxuu dooanayaa in burburiyo Astaamaha Dowladnimada Soomaaliyeed ee hadda jira”oo Intaa raaciyey” Haddii Khilaafka uu sii socda Mahiga arintaas Faaiido weyn baa ugu jirta marka waxaan kula talinyaa in Khilaafka u dhaxeeya Masuuliyiinta sare Dowladda ay deg deg u xaliyaan.

Maanta ayaa la filayaa in M,agaalada Muqdisho uu ka dhaco Banaanbax uu soo qaba qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo looga soo horjeeda Shirka uu qaban qaabinayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga, Sidoo kale waxaa Banaanbaxaas lagu taageerayaa Mowqifka Dowladda Federaalka KMG ay iska taageen Shirka Nairobi, hase yeeshee waxaan Mowqifkooda weli Cadeysan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegey in ay Shirkaas ka fiirsan doonaan.

Dhanka kale warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG oo ka hadlaya safarka Kenya hoos ka akhri:

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya

(Muqdisho – Khamiis, 06 April 2011)—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay gegida dayuuradaha ee Aden Adde International Airport isagoo ku sii jeeda Dalka Kenya oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka C/qaadir X. Maxamed (Suldan lugadhere), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow), waxaana la filayaa inuu dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu la qaato kulan rasmi ah maalinta Khamiista 7-da April 2011 si ay uga wada hadlaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, sii xoojinta la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee argagaxisada ah ee dhibka ku haya dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska ahba.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.”

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ku soo dhammaado afgarad iyo labada dal oo xiriirkooda wallaaltinimo sii xoogooba.

-DHAMAAD-


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo oo u Ambabaxay Magaalada Nairobi ka dib Markii uu Deg Deg ugu Yeerey Mahiga "

  1. somali says:

    waxaad ila fiirisaan sawirka danbe ee farmaajo askariga daba taagan waa askari AMISOM ah gaar ahaan uganda kuwa ka socda… marka ninkan ma nin somali ah oo uu isku aamino miyuu waayay mase waa nin ka tirsan AMISOM?