Home » Warar »

DFKMG: Hay’adaha QM waa inay u soo guuraan Muqdisho 90 cisho gudahood

Warsaxaafadeed –

(Muqdisho – Isniin, 04 April 2011) Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaalo horumar oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaalada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha, maamul wanaaga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii shacabka somaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah.

Si haddaba loo dardargeliyo horumarka la sameeyey waxaa muhiim ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee DFKMG ah, bulshada soomaaliyeed qeybahooda kala duwan iyo caalamkaba ay kaalin mug leh ka qaataan sidii ummadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxalladan adag loona gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

Caqabadaha heeysta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah hay’adihii Qaramada Midoobey oo aan la joogin shacabka Soomaaliyeed oo aan fadhigoodu aheyn Dalka gudihiisa. Waxaa hubaal ah in haddii hay’adahan uu fadhigoodu noqon lahaa caasimadda Muqdisho in xaaladda dalka uu wax weyn iska bedeli lahaa.

Sidaas daraadeed Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ummadda Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada sida gar-gaarka bani’aadanimo ayaa waxey go’aamisay in dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku howlan arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan magaalada Muqdisho muddo 90 maalmood ah gudahooda, si ay u sahlanaato in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gargaarka ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin.

Xukuumadda FKMG ah waxey hubtaa in aysan danta ummadda Soomaaliyeed ku jirin in Nayroobi ay sii joogaan hay’adaha loogu talo galay inay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Soo guurista hay’adaha QM ee Muqdisho waxey wax badan ka bedeli doontaa xaaladda guud sida amniga, abuurista shaqada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka guud oo ay bulshadu si weyn ugu baahantahay.

Mar haddii marar badan ay Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Augustine Mahiga ay sheegeen inay ka go’antahay in dhammaan hay’adaha QM ay u soo guurayaan Muqdisho, waxaa la joogaa waqtiga laga dhabeyn lahaa ballanqaadyadaas. DFKMG ah waxey ka codsaneysaa QM inay arrinkan siiyaan muhiimada uu leeyahay oo ay muddada 90ka maalmood gudahood ugu soo guuraan.

Ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee taageerada joogtada ah siiyey Dowladda, sida oday dhaqameedyada, dumarka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada oo shucuurta si joogta ah ugu muujiyey sida ay u taageersanyihiin Dowladooda.

-DHAMAAD-

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " DFKMG: Hay’adaha QM waa inay u soo guuraan Muqdisho 90 cisho gudahood "

  1. Tabaarak says:

    Faramaajo oo maanta u dhuuntey mahiga si uu xil uga helo dowlada la soo dhisayo farmaajo oo isqarinwaayey ayaa maanta u duuley Kenya

  2. bilqeyr says:

    A.s.c waan ku raacsanahay farmaajo in uu soo dhaweeyo hey’adaha wax looga baahan yahay in ay ugargaaran somalida dhibaateysan ee jooga wadanka gudahiisa si ay uhelaan caawin degdeg ah sababtoo ah haddii ay hey’aduhu iska joogan kenya wax kama qaban karaan somalia gudaheeda oo idil marka waa ku qasban yihiin in ay soo galaan wadanka gudahiisa maadama dadka dhibaateysan ay ku noolyihiin somalia gudaheeda.

    dowlada kmg waxan ugu baaqayaa in aysan ogolaan dorasho kmg ah si wadankeena uu uga baxo marxadaha adag ee uu soo maray waqtiga dheer haddii la doonayo somalia in ay xasisho waa in laga taqalusaa dowlad kmg iyo maamul goboleedyada hadda jira soomaaliya waa wadan dhan oo kala go’an waxana usabab ah jaahil nimada ina heysa ee waa in laga taqalusaa maamulada jira iyo dowlad kmg waxan urajeynayaa dowlada kmg in ay isku bedesho dowlad dimoqraadi ah oo mideysan.

    waxan markale dowlada kmg ugu baaqayaa in ay heshiis mideysan keenaan xagga maamul goboleedyada iyo mucaaradka kasoo horjeeda qorayga iyo qabiilkana in leeska ilaawo shawaabkana xooga la saaro sidii horumar loo gaari lahaa.

    soomaaliya ha guuleysato.

  3. garyaqaan says:

    SCWWB
    Mudanae Raisal wasaare waxaan aad uga xumahay inaad qaadatay goaano aan aan dareemaayo inaysan adiga kaa imaane si kastaba
    hakuu saameeyaane aay dad aan islee yahay waa u awoodsheegteen oo xaaladda marklaa jirta sababayso ama dano isku xiran dartooday kalliftay.
    hORAA LOO YIRI nin raga kasoo hoos qaada mooyee wax liba waa yeeraan .
    waxaanse kugula talinayaa goaanada shariif ka madaxwaynaha kuu yeerinaayao oo aad nacleeyaha u noqotay sumcad beel mooyee sharaf iyo xilal dambe daaye yaysan ku akhiro tiranain koolayba kani mar horuu gatay diintiisiiye .
    nabadey

  4. kamaal says:

    Farmaajo soo xir xafiiska DUULISTA HAWADA SOMALIYA ee nayrobi ay HINDIDU qandaraaska ku qaadatay ilaa 1992kii nin indian ah oo madax ka ahaa 1992 qaranimada midoobay ayaa walaalkiis u soo xiray in uu duulista somaliya madax ka noqdo ilaa maanta waa maqayad u shidan niman hindi ah.

    waxay shaqaleeyeen wax yar oo somali ah oo ay qaarkii ka soo horjeedsada sixraan ilaa hada labo nin oo tiri shaqada nagu soo wareejiya way sixreen ama sun ayay siyeen waana dhinteen labadii ninba marka fadlan soo xir maqayadaas hindida ay furatay xoolaha umada somaliyeed soo xir fadlan.

    WASIIRKA CIRKA IYO DHULKA SOMALIYA WAA INUU SOO XIRAA XAFIISKA DUULISTA HAWADA SOMALIYA EE HINDIDU LACAGTA KA QADAN JIREEN ILAA 1992 FADLAN WIXII WADANI AH FARIINTAAN HA GARSIYAAN DOWLAD KU MEEL GAARKA AH.

  5. Osman says:

    Raiisulwasaaraha waxaan kacodsan lahaa sida isaga iyo xukuumaddiisaba ay u necebyihiin in dusha looga keeno amarrada ama laiclaamiyo wax aanan lagalatashan ayaa beeshacaalmkuna u necebtahay in ceebahooda loo muujiyo dadka amaamarro degdeg ah oo ka baxsan sida ay wax u qorsheysteen dusha looga keeno.
    Maskaxdaadu yaysanmeeshakabixin sidi ay ku yimaadeen 275 xildhibaanoo hadda baarlamaanka fadhida iyo madaxweynaha ku magcaabay labadaba.waa miraha go’aan beesha caalamka.
    Waana in aad ogaataan nimankani inay dalka siday doonaan isaga maamulan jireen 20 sano oo cid yac tiraa aysan weli arag.
    Waxaad kaloo maanka ku haysaa nimankani inay yihiin kuwa dhaqalaha wax lagu kala wado haya iyo aqoonsigaba.
    Hadday haddeer Amisom dhaqaalaha ka joojiyaan oo soo baxa dhahaan sheekadu intaas ayay ku xirantay. Arrimahaas iyo kuwo aan sokeynba waa ka suurowdaa nimankaas markaaad cadaadiska iyo qaylada badisaan.
    Waxaad kale oo ogaataa meeshaan ma joogaan Somalidi leegada iyo xorriyadda u halgamaysay oo wax waliba kala qiima badnaayeen oo maalkooda,dahabkooda, iyo naftoodabau huraayay dalkooda midnimadiisa, sharafta qarannimo iyo xorriyadda dalka. waxaa maalmahan dambe is dhex yaacaya danayste, kireysane, iyo mid u xanaaqsan beeshaydu meesha ma haysato ama anigu jago ma helin oo waxba igama gelin wixi burburaaya oo rakhiiskaas u fekeraaya meel walbana wax ka raadinaya oo meeshi qaylo yar ay ka maqlaanba sii istaagaya.
    Habka ugu fiican ma aha qaylo media-ha lala istaago keliya (inkastoo dadka wacyi gelintooda hadba xaalku meeshuu marayo ay sax tahay) ee waa diplomcy miiska hoostiisa dagaal adag iyo lobby gareyn xooggan oo danaha dalka lagu raadiyo raggana la iskaga dhiciyo lagu galo ayadaoo aan si qayaxan madaxa la isugu dhufsan oo qof waliba lagu qasbin inuu wejigiisa difaacdo oo u muuqan in laga raayay.