Home » Faallo »

Isbedelada Dunida Caalamka iyo Xaalladda Guud ee Dalka Soomaaliya

Dunida caalamka ayaa waddamada soo koraya qaar ka mid ahi waxaa ka dhacaya kacdoono siyaasadeed oo looga soo horjeedo dowladaha xukunkoodii oo ku raagay ee ka talinayey muddo ka badabn afartameeyo sanadood ama in in ku dhow qaarkoodna u tallaabay boqortooyo sida waddanka Baxrayn kuwaa oo ay ka soconayaan qaarkood bannaanbaxyo looga soo horjeedo xukunadaa aan xaqa ahayn ee uu waqtigoodii uu dhammaaday, qaar waddamadaa ka mid ahina ay isla markiiba ay kala dambayntii iyo nidaamkii dowladnimo ay soo celiyeen shacabka iyo Ciidamada qalabka sida oo wada jira sida Dalka Masar qaar kalana waxay ku sii socodaan sidii uu ku bilowday Dagaalkii Sokeeye ee Dalka Soomaaliya sida kuwa ka dhacaya waddamada Afrika qaarkood oo dilka iyo xasuuqu uu yahay mid maalin walba ka dhacaya magaalooyinka qaarkood.

Haddaba waxaa is weydiin mudan xaaladda Dalka Soomaaliya xagee bay maraysaa? Su’aashani oo jawaabteedu tahay mid aan la soo koobi karin ayaan waxaan doonayaa inaan faalladani ku soo koobo intii alle iga garansiiyo, guud ahaan Dalka Soomaaliya wuxuu ku sugan yahay xaallad bani’aadanimo tii kugu xumayd waxaa Dalka oo dhammi ku habsatay Abaar aad u daba dheeraatay oo galaafatay Dadkii iyo dhammaan duunyadii oo dhan deegaanadii daaqa oo xaalufay iyo xoolihii oo dhammaaday roobabkii oo yaraaday iyo webiyadii oo biyo aan lahayn wax soo saarkii oo markiib horeba aan wanaagsanayn oo gebi ahaan la waayey gaajada iyo macaluusha oo sii kordhaysa waxaa intaa u weheliya shacabka Soomaaliyeed dagaal iyo nabadgelyo darro aan dhammaad lahayn oo ka jira guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan koofurta Dalka Soomaaliya oo ay DFKMG ahi iyo kooxaha ka soo horjeedaa ay ku dhex dagaalamayaan dadka raydka dhexdiisa iskuna weydaaranaayaan hub aad u culus oo geysanaya Xasuuq.

Khilaafyada ka dhextaagan madaxda sare ee Dowladda FKMG ahi ee Dalka Soomaaliya iyo Dagaallada ayaa waxay sii kordhinayaan xaaladdan murugsan ee Dalka ka taagan iyadoo goobaha qaarkood aan la gaarsiin karin wax gargaar ah Dagaallada iyo xasillooni darrada darteed taasi oo macnaheedu yahay inay Dowladda FKMG ahi ay ku guul darraysatay nidaamka dib u heshiisiinta ee Dalka Soomaaliya iyadoo kooxaha ka soo horjeeda ula imaan wax awood qaybsi ama tanaasul ah Dowalduna ay doonayso inay Xasuuq Shacab Xal ka dhigato iyadoo weli ay Dalka Xaadir ku yihiin 550 Xubnood oo ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya kuwaa oo weli sheegtay in waqtigoodii loo kordhiyey wax ay ku mutaysteen in waqtiga loo kordhiyana aysan jirin taasina waxay noqotay nasiib darrada ugu weyn ee Dalka haysata.

Xaallada guud ee Dalka Soomaaliya waa sida aannu kor ku soo tibaaxnay hase ahaatee baaris qoto dheer oo aannu samaynay ayaa waxaa inoo soo ifbaxay in dhibaatada Dalka ku dhacday ay tahay Imtixaan alle taasi oo aan markhaati loo doonayn sida ka muuqata laf-dhabarkii Ummadda Soomaaliyeed oo ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu habac aad u weyni uu ku dhacay, waxaannu ognahay in Xornimadii Dalka Soomaaliya ay horseed u ahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed hase ahaatee maanta loo adeegsaday
wejiyo kala duwan oo aad moodo in loogu talagalay inaysan Soomaaliya dib u soo kaban; dhinacyada ku Dagaalamaya Soomaaliya kuwa ay adeegsanayaan waa dhallinyarada
kuwa Burcadbadeed ahi. kuwa Qaxaya, kuwa Tahriibaya, kuwa la Tarxiilayo, kuwa is-qarxinaya, kuwa Qurbaha xabsiyada ku jira waddamada reer galbeed intaa oo dhami waa dhallinyarada iyadoon Soomaaliya dhallinyardeeda wax loo qabanna way adag tahay in Dalka lagu soo celiyo nidaamkii iyo kala dambaynta ee hore uu u lahaan jiray.

Dowladda FKMG ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda maxaa la gudboon? Xabbad iyo dhiig la daadiyaa xal ma ah hase ahaatee xalku wuxuu ku jiraa wada hadal iyo Dib u heshiisiin dhab ah sida keliya ee loo gaari karana waa in la helaa Dad arimahani khabiir ku ah xal u helidda xasaradaha iyo dib u heshiisiinta dalal fara badani oo burburkii Soomaaliya kaddib uu burbur ku dhacay ayaa maanta nabad ah kuwaa oo laga yaabo inaanu innagu isaga dhownahay dhinac walba dhaqan, diin iyo xididnimo muxuu dhiigu u
qubanayaa? ma aha caqli darro iyo cilmi darro ee waa isu tanaasulid la’aanta taagan iyo xukun jacaylka taasina waa arimaha keenay in ay Soomaaliya 20 -Sanadood ay Dagaalladu ka socdaan, dhinacyada siyaasadda isku haya waa inay xaq dhowraan dadka raydka iyo maatida iyo carruurta ee aanan waxba galabsan wadahadalna ku dhammeeyaan khilaafyadooda aan xaqa ahayn ee ay ku dagaalamayaan dhiiggana ay ku daadinayaan si sharci darro ah iyadoo uu alle uu xarrimay in qof dhiigiisa lagu xadgudbo.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd Isbedelada Dunida Caalamka iyo Xaalladda Guud ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaanu ku soo tibaaxnay nuxurkii iyo aragtidii qaybihii hore ee falladan, waxaase soo baxaya in Hay’adda Qaramada Midoobay iyo Madaxda Sare ee DFKMG ahi uu khilaaf soo kala dhexgalay kaddib markii ay ku gacan sayreen codsigii Ergiga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr.Augustine Mahiga taasina waxay caqabad ku noqonaysaa mustakhbal iyo horumarinta arimaha bani adanenimo ee Dalka Soomaaliya iyo xiriirkii DFKMG ahi ay la lahayd oo xumaada Hay’addu waxay Soomaaliya ka wadaa arimaha garaarka Carruurta horumarintooda, Daawooyinka, Biyaha , Beeraha, Ciidamada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha Dalka iyo waxyaabo fara badan oo aan la soo koobi karin, waxaannu u baaqaynaa Madaxda Sare ee DFKMG ahi inay qaataan codsiga Qaramada Midoobay iyo in la furo weji cusub oo xabad joojin ah iyo wada hadal si loo xaq dhowro xuquuqda dadka raydka ah, carruurta iyo maatida ee sida xaq darrada ahi u dhimanaya, u barakacaya, u qaxaya, u tahriibaya xalku waa Kitaab alle iyo nabadda oo loo hiiliyo.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yusuf ( Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.