Home » Warar »

War-bixin xaalada guud ee abaarta Puntland oo ka sii daraysa

 

Puntland State of Somalia –

Garowe –

WAR-SAXAAFADEED

Guddiga Abaaraha heer qaran ee Dowladda Puntland ayaa maanta isugu yimid shir deg deg ah uu ku saabsan xaalada guud ee abaarta ku habsatay dhamaan Gobollada Puntland oo ka sii daraysa iyadoo uu shirkaasi gudoominayay Madaxweyne Dr. C/raxmaan Max’ed Faroole, goob joogna ka ahaa Madaxweyne-kuxigeenka Dowladda Puntland, Gen. C/samad Cali Shire.

Guddiga Abaaraha ayaa warbixin dhamaystiran ka siiyay Madaxweynaha Puntland gurmadkii, waxqabadkii iyo qiimeyntii ee ka soo baxay ilaa haatan. Guddiga ayaa tibaaxay dacdarro badan oo ay abuurtay biyo-la’aan caam ah iyo abaar ba’an, iyadoo ay xoolihii le’deen, una bateen wax caato la liicaya iyo wax cudur heleen, meelaha qaarkoodna ay reer guuraagii usoo qaxeen magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Meelaha dhibaatooyinka abaartu ay aad ugu balaarteen waxaa ka mid ah: 1) deegaamada ku fidsan xeebaha Puntland; 2) dhulka Iyaxda iyo Soolka loo yaqaan (Fiqi-fuliye ilaa Beyla); 3) dhulka Howdka loo yaqaan (Buuhoodle ilaa Eyl); iyo 4) Dooxada Nugaaleed.

Waxqabadkii Dowladda:

  • Dowladda Puntland ayaa dirtay qeylo-dhaan isdaba joog ah tan iyo 1kii Desembar 2010, ka dib markii sahan badan laga sameeyey siday abaartu u saamaysay gobollada kala duwan ee Puntland;
  • $205,000 USD oo lagu bixiyay biyo-dhaan iyo dayactirka ceelasha;
  • Dowladda oo qaybisay 800-tan oo raashin ah oo uu deeqay dalka Isutagga Imaaradka Carabta (UAE), taasoo weli socota;
  • Waxaa la abaabulay culumada, shirkadaha, ganacsatada, iyo qebaha kale ee bulshada si ay uga qayb qaataan kaalmayna iyo gurmadka shacabka ku tabaalaysan abaarta.

Hey’adihii ajiibay baaqii Dowladda waxaa ka mid ah:

  • UNICEF; ICRC; VSF Germany; ADRA; WFP; Shilcon; Horn Relief; Tadamun; iyo Dowladaha Kuwait iyo Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE);
  • Dowladda Puntland waxay si gaar ah u amaanaysaa hey’adda UNICEF oo si hagar la’aan ah uga qayb qaadatay gurmadka abaaraha.

Waxqabadka biyo-dhaanka wax badan kama badalin xaalada biyo-la’aanta ee ka jirta dalka waxayna la mid noqotay dhibic bad-weyn lagu tuuray (drop in the ocean):

  • Waxaa abuurmay sicir-barar xaga biyo-dhaaminta; iyo
  • Guud ahaan deeqaha hey’adaha ay la yimaadan oo aad u yar, isla markaana hey’adaha qaarkood lagu tilmaamayo maamul-xumo iyo howlgalkooda oo si kooban u xadidan.

Ugu danbayntii, Dowladda Puntland waxay mar kale ku baaqaysaa in loo baahan yahay gurmad wadareed oo aan loo kala harin, Dowlad iyo Shacab. Waxaan Eebe ka baryaynaa Naxariis, Roob iyo Barwaaqo. Aamin.

27 Maarso 2011

Communications Office
The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.