Home » Faallo »

Qaybta 3-aad | SKA iyo Maamul goboleedyada

Qormadeena 3aad waxaan idan Alle ku falaanqayn doonaa sida uu heshiiskani u taabanayo maamul goboleedyada sida Somali Land, Punt Land iyo kuwa kale ee wadada kusoo jira. Balse intaynaan u gelin qormadeena waxaa rabnaa inaan isla garano hal arin taasoo ah, horta caalamku Soomaaliya waxa uu u yaqaan inay tahay hal wadan inkastoo ay maamul goboleedyadu sameeyeen horumar dhinac kasta ah leh oo ku dayasho mudan hadana weli dunidu ma aqoonsan gooni isu taaga ay kaga go’ayaan Soomaaliweyn.

Arintan ulama jeedno inaan taageersanahay ama aan ugasoo horjeedno gooni isu taaga maamul goboleedyada balse waxaan uga dan leenahay inaan si sahlan isula fahamno nuxurka heshiiska marka laga eego sida uu u taabanayo maamuladan. Hadaba qodobka 2aad ayaa arintan si fiican u sharaxaya isagoo qoraya sidan:

  • Qodobka 2aad, heshiikii ugu horeeyay ee ay labada dhinac saxiixeen ayaa sheegaya in shirkada lagu wareejiyey airporada Soomaaliya oo dhan, waxaana la adeegsaday ereyga “Somali airports” halkii laga dhihi lahaa airporka Aadan Cade ama Mugadishu Airport.

Hadaba arintani sida ay u qorantahay waxa ay u saamaxaysaa shirkada SKA in ay sharci ahaan ka howl gali karto airporada Soomaaliya dhamaantood oo ay ku jiraan kuwa Somali Land iyo Punt Land.

Marka loosoo laabto Heshiiskan oo mar labaad la qoray, arintan waa la xeeladeeyey waxaana la adeegsada oraahdan SKA waxa ay sharci dawladu u siisay inay maamusho garoonka Muqdishu iyo garoon kasta oo kale oo Soomaaliya ah oo mustaqbalka lagu heshiiyo “SKA shall be given exclusive right to manage Somalia’s Mogadishu Airport and any other Somali airports that may be agreed in the future”. Hadaba marka aad si fiican u fiiriso qodobkan, waxa kuusoo baxaya in shirkada mar loo fasaxay la wareegida dhamaan garoomada wadanka kadibna meel uu culays ka yimidba wax yar oo is bedel ah lagu sameeyey arintii hore, balse waxaan xusid mudan in aanu maamul goboleedyadu sina uga fakan karin heshiiskan mustaqbalka dhaw iyo kan fogba maadaama ay shirkadu haysato heshiis si dadban ugu fasaxaya.

Waxaa kale oo aan la dheyelsan karin in ay dowladu aad ugu jajabantahay shirkadan oo ay xitaa dayuuradohooda ay isticmaalayaan madaxda ugu sareeysa dowlada Soomaaliya ee hada jirta, tanina waxa waxa ay ku tusinaysaa awooda shirkadu ku leedahay dowlada dhexdeeda.

Markaan usoo laabano saameeynta heshiiska xaga maamul goboleedyada, horta saameeynta xaga shacabka iyo ganacsatada waxaan ugasoo hadalnay qoraaladeenii hore balse waxaa maamul goboleedyada u dheeri noqon doona arimo badan oo aanan hal qoraal lagu soo koobi karin balse aan kasoo qaadano hal arin oo ah legdanka dex mari doona shirkada iyo maamul goboleedyada maadaama ay shirkada hamigeedu yahay inay ka howl gasho dhamaan wadanka oo dhan.

Herdankan waxa uu ku bilaabanayaa in ay shirkadu wada hadal la furto maamuladan taasoo ay ku bilaaabeyso si dabacsan iyadoo u mareysa mid la mid ah wadadii ay u martay dowlada (TFG) una muujinaysa in ay faa’ido baahsan ugu jirto heshiiska, weliba beer laxawsiga ugu weyni waxa uu noqonayaa ablan qaad ah inay SKA ka taageeri doonto maamuladan inay si sahlan danahooda uga fushadaan caalamka.

Sikastaba wax ha u dhacaane, hadii ay arintani shaqayn wayso waxaa ay shirkadu u gudbaysaa (Plan B) kaasoo ah inay cadaadis wax ku fahamsiiso maamuladan iyadoo usoo bandhigaysa heshiiska una sheegeysa sharci inay u haysato la wareegista garoomada Soomaaliya dhamaantood ayna uga baahantahay maamuladan wada shaqayn oo kaliya. Hadaba tani waxaa laga yaabaa inay keento inay maamuladani diidmo xoogan kala hor yimaadaan SKA balse waxaa xusid mudan in shirkadu iyadoo adeegsanaysa awooda uu heshiisku siinayo ay xiri karto garoomada hoos taga maamuladan mudo kooban.

Hadabe sideey ku dhici kartaa arintani? Waxaa jira wax la yiraa (NOTAM) oo ah ‘Notice to airman’ kaasoo ay dunidu u adeegsato inay isugu gudbiso waxyaabaha caqabad ku noqon kara habsami u socodka dayuuraha sida hawo wadan oo qayb laga xiro ama lawada xiro mudo kooban (taasi oo badanaa dhacda marka ay wadamadu u dabaal degayaan munaasabadaha sida xiliga ay xuriyada qaateen ama uu jiro military exercise), airport qayb laga xiro ama lawada xiro mudo kooban iyo wixii la mid ah.

Arimahan oo kale marka ay dhacaan waxa ay dunidu isku raacday in la isugu gudbiyo waxa loo yaqaan NOTAM, kaasoo uu saxiixo madaxa Hay’ada Duulista loona gudbiyo (promulgate) dhamaan duninda. Marka ay dunidu ama shirkadaha dayuuraduhu helaan akhbaar noocan oo kale ah way ka wareegtaan dhamaan meelaha uu NOTAM-ku uga digayo ha ahaadeen airport ama hawo wadan.

Hadaba iyadoo shirkadu ka faa’ideysanaysa awooda heshiikani siinayo ayey waxa ay ka kaashanaysaa Maareeyasha Hay’ada Duulista Hawada Soomaaliya in la soo saaro NOTAM lagu sheegayo inay shaqo dayactir ah ka socoto airporada ay maamul goboleedyadani maamulaan waayo SKA ayaa sharci ahaan ah Airport Operator. Maamul goboleedyadii iyagoon waxba kala socon sida ay wax u dhaceen ayey ku baraarugi doonaan xirnaanshaha airportiyadooda waayo shirkadaha dayuuradaha Soomaalida ee wadanada kale kasoo kacaya ayey xanibaadii saameeyneysaa taasoo keeneysa in durbadiiba loo gudbiyo cida ku shaqada leh habsami u shaqaynta airporadan.

Arintani waxa ay SKA siinaysaa inay gorgortanka meel xoogan ka istaagto, lagana yaabo inay shirkada iyo maamul goboleedyadii wada gaaraan heshiis hoosaad kaabaya kan ay la gashay dowlada (TFG), arintan oo u saamixi doonta SKA inay isku baahiso dhamaan Soomaaliya. Arintani waxa ay lugaha la geli doontaa meelo badan sida ICAO Somaliya balse ruuxii nololi ku simto waxa uu markhaati ka noqon doonaa sida ay wax u dhacaan.

Hadaba hadii aan arintan intaa uga gudubno waxaan idan Alle qorsheheena kan ku xiga waxa aan ku sharaxi doonaa qalab casri ah oo uu leeyahay garoonka muqdisho oo yaala meelo ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya taasoo soo afjari doonta arinta la leeyahay garoonka ayay SKA caalami ka dhigeysaa. Waxaan kaga jawaabi doonaa horta yaa hortaagan inuu caalami noqdo garoonka iyo su’aalo badan oo maskaxda shacabka ka guuxaya. Si horu dhac ah ayaan idiinku soo gudbinaynaa sawirka Tower uu leeyahay garoonka Muqdisho kaasoo kamid ah qalabka aan uga hadli doono qormadeena fooda inagu soo haysa idan Alle.

2004 Mogadisho Airport under UNOSOM II

Qaybahii hore: https://somalitalk.com/tag/ska/

Waxaa si wada jir ah u diyaariyey

Jamal K Mursal                                             Ahmed M Hassan

jkmursal@hotmail.com,                                    amoallinh@gmail.com

jkm036@londonmet.ac.uk amh200@londonmet.ac.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.