Home » Maqaallo »

Gabeygii Gurdan Raac

Gurdan Raac waxaan Tiriyay dhmaadkii Sanadkii tegay ee 2010-ka Maalintii Ninka ku Magacaaban Ra’iisalwasaaraha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay Golaha wasiirada ee sidiisoo kale ahaa Qurbo joog aanay Shacabka soomaalidu aqoon buuxda u lahayn.
Waxa ay bedeleen oo Kuraastoodi ku fariisteen kuwo sidooda oo kale Liiskooda Shisheeyaha Lagala Tashaday .
Waxa ay ku soo Biireen xubno kale oo Gumaadka Shacabka iyo u adeegidda shisheeyaha dartood loo keensaday sida Ninkaan Beri aad u Jaclayn haddase aanu xariirka isu jarnay hadaanu shacabka Nahay Shariif Sheekh Axmed oo asagu fadhiya Kursiga Madaxweynanimada Soomaaliya.
Waxa ay wasiirada Cusub iila Muuqdeen kuwo ku soo Biirey hagar daameynta Dalakiyo dadka sidaas ayaana Gabayga ugu Bixiyay Gurdan raac waana kan

Abaar lagu go’ayoo si weyn Geeslay ku dhamaatay,
Oo Gasooyinkii qaar marteen Garoor warkii daaye,
Guri Kuleyliyo adoo degan gegida caynkaaya,
Gobal kaa fogoon dhaweyn hadduu gugu Xareed seexsho,
Guura Cidda lagu raryaa iyo roorti Guurtaaba,
Hadaan Seyn Gugac iyo Hilaac wataa qoynin Gibilkiina,
Geeddi waa lama Huraan iyo socod u geyfnaane,
Gaadiid la soo baryay iyo Leyli laguma Ciilgooye,
Garuud saanta qaada kolkii Gurada loo Buuxsho,
Gurboodkiyo doobkaba hadaad Gebi ahaan saarto,
Galoolka iyo Mareerka Gunray iyo Jeerin,
Guud ahaan dhirtoo Caleen lahoo gebi la tiiceysa,
Goob ay ku Taalo kolkaad ceynka ugu goyso,
Gartaa weeye awrkaa in aad Gacal u qaadaaye,
Geddiise wax uga dhigan Gaalo dhamaanteeda,
Garaad laawayaashaan Harkii Guudka laga Fuulo.

Gurdan raaca soo kordhayi waxbay gaasiri mooyaane,
Ganuun ay noo culeen wallee Gaaxsan kamu maalno,
Gabaahiir iyo waxay na dhigi Gegi xun moyaane,
Guryo samo Wallee in aanay Abid na geynin,
Gardarada ayay Shisheeyaha Gacan ku siin mooyee,
Gobanimo wallee in aanay u Gilgilanaynin,
Guri iyo Lacagyeelo maahan iyo Derejo uun gaar’ee,
Guul Soomaali uma wadaan iyo Horumar ay gaarto.

Garbacad Dhiiggeena Jaqda iyo waa Gafana Uun’ee,
Geed ay noo waabeen wallee laguma Daal gooyo,
Gibil ka soomaali weeye Dal kale goostay waraaqdiiye,
Gabbaadka Cadawga iyo waa gacan yarihiisa.

Gumaadka iyo xasauuqaan Goor waliba taagan,
Gubidda yaan la deyneyn iyo dhiigga Goboleyn dheh,
Gurboodkiyo hooyooyinkaan Macluul gariiraaya,
Gargaar baan la siin wallee Cirrib gurmooyaane,
Gunta iyo Ujeeda ayaan Idin Garansiine,
Gaargaarin iyo waxaa loo keenay Galoof Olol been ah.

Go’aan la isku raaciyo wallee guul ma hanataan dheh,
Muranka idin geb gebeeyay kama Gudubtaan dheh,
Gar wadeen anaa noqon hayoo garashadeedi leh,
Iyo Gaalo u Beretankeed kama gudubtaan dheh.
Gambooley iyo rag isku dhafanoo Gole ka Heesaaya,
Oo gaadada isku haya kama Gudubtaan dheh
Gar adkaatayoo Misane leesu Gacan qaado,
Iyo gootooyinkiinoo dirira kama gudubtaan dheh.

Gendaal Hashii diiddo yaan Godol la riimeyne,
Geesimo Allaa na siiyay iyo garasho Xeeldheere,
Gedood waa anaga Muujinay Gariif iyo dhiillo,
Garneylada sidana iyo Gumaca Baaruudda,
Oo Gaalada Isla Celina iyo kuwa garab jooga.

Gurigii Nin laga qadayoo gibil Haryuuboobey,
God iyo adinkaa xabsi dhigoo Gani ku doonaaya,
Gubayay Iimaankiiniyoo Go’ay Idilkiiye,
Gacal waxaad ka dhigateen Gaalo qurunleeye.

Geddisley waxaad tihiin Harkii Gadata Dhiigeenna,
Garaadsiyo waxaa laydin Oron markaad ina gumaadaane,
Gogoshoon ku Fekero iyo Guryanka dey waaye,
Gam’I’dii seegseeg baan ku ahay Galgalad mooyaane,
Meydka gegan wadada ayaan Calool Gubyoodaaye,
Ficilkiina Gurracan ayaan guhaadka qaadaaye,
Germadow Nin joogiye Golmaran mey deyne,
Gabowgiyo waxaa la dilayaa Gabano taag liita.
Gaadmo dhaaftay Xaajadu iyo xeelad Gedeediiye,
Gentaaluhu waa toos iyo Bamka geeri sababaaye,
Gaashaan Buurta shisheeyehee joogta geyigeena
Adinkow garaabo Kufriga noqday Gogoshiisa,
Gacan ku Rimis Dastuur ah la idin soo guuri,
Oo guulahay midkiisana laydin Gariifsiiyay.

Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi Soomaali)
cabdulaahisomali@hotmail.com
Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.