Home » Faallo »

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed | Qaybta 3aad

Geela marka uu dido, lama hor istaago, lagamana haro. Haddii aad hor istaagto oo aad isku daydo in aad celiso, waa uu kugu tumanayaa; waxaana dhici karta in uu halkaas kugu dilo, isna uu sii dido oo uu cararka aad ugu sii fogaado. Sida ugu fiican oo Soomaalida oo geel-dhaqashada aad u taqaan, ay arrintan ku maarayso; waxaa weeye, in marka hore la hubiyo waxa geellu ka diday, lana aqoonsado jiritaankeeda ama jiritaan la’aanteeda. Haddii meesha bahallo (dhurwaa, libaax, iwm) ay ku jiraan, waxaa loo hawlgelayaa sidii waxyeelladooda geela looga bedbaadin lahaa oo looga daafici lahaa. Muddo yar kaddib, waxaa geelii bilaabaa in uu dib-u-soo-jaleeco halkii uu ka soo diday; markaas ayaa loo baahan yahay in adiga oo aan lahayn muuqaal uu ka sii dido, aad hadal degan oo uu ku dego tiraahdo oo ah ‘deey ama joo.’ Haddii adiga oo aad u qaylinaya, watana qalab bixinaya sharqan uu geellu sii sharaysanayo, isla markaana hagooggan maro cad oo sii cuslaynaysa cabsida uu dareemay ee uu ka cararayo, aad daba oraddo ama feer cararto; waxay ciribtu noqonaysaa in geelu aammino in uu cagahiisa ku baxsado. Waxa ay tani keenaysaa in geelu uu firdho oo xoogaaba meel u cararo, uuna sidaas baylah ugu noqdo oo uu hilibkiisa ka hirqado waraabuhu.

Markii inaga oo aan waxba noo diyaarsanayn, waxna aan isku waafaqsanayn aan dawladdii duminay; waxaa dadkeenii ay la mid noqdeen geel habeen gud-cur ah diday oo kii u dadayn lahaa uu sii didinayo. Waxaa dadkeenii noqday wax duurjoogta la mid ah oo aakhiro iyo adduun aan midna ku tirsanayn; wax baduhu ay liqeen oo ay maalinba maydkooda ay biyuhu soo tufaan; wax dalanbaabi ah oo dalalka caalamka oo dhan, iyaga oo aan wax ciso ah lahayn cayr tuugsata ku ah; iyo wax maalin walba lagu dul dagaallamo oo laga dhigto dhufayso xabadda looga gabado. Ilmaheenii waxay noqdeen wax aan dhalan iyo wax isla markiiba daryeel-xumo darteed u dhinta. Waxaa gabdhaheenii haybadda badnaa hilibkoodii ka hirqaday haadda. Waxaa haldhaa, haweeya, hibo, hoodo, hodan ay iyaga oo indha-shareer wajigooda ku qarinaya ka tuugsadaan dariiqyada Nairobi iyo Addis ababa. Waxaa markii taariikhda ugu horaysay la soo tabiyay in gabdho Soomaali ah ay adoomo la mid ah duunyada ay leeyihiin ay niman carab ah ugu yihiin carrigooda.

Waagii dagaalka Bariga dhexe ee u dhaxeeyay dalalkii watay magaca Yuhuudda iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta uu socday oo laga qabsaday dalka Masar dhul badan oo uu ka mid yahay Baarleef; ayaa nin Masri ah waxa uu ku sheekeeyay, in intii ay xulafadu dhulka qabsadeen uu aad uga maagan jiray tagidda iyo ka-qaybgelidda xafladaha. Waxa uu taas sabab uga dhigay in uu waji-gabax weyn dareemayay, uuna ka khajilayay in uu fagaarayaal yimaado oo uu dad hor istaago. Wuxuu sheegay in su’aasha uu ugu necbaa in la weydiyo haddii uu xaflad tago ay ahayd, ‘yaad u dhalatay?’; taas oo uu sheegay in uu ka sheexayay in uu sheegto Masar. Markii Yuhuudda laga saaray Baarfleef oo ay ciidammada Masar ay dib gacanta ugu dhigeen, waxa uu sheegay in uu noqday mid jecel inuusan ka maqnaan fagaarayaasha iyo xafladaha, isaga oo tibaaxay in su’aashii uu shalay ugu necbaa in la weyddiyo uu markaan ugu jecl yahay in la weydiiyo, ‘yaad u dhalatay?’, uuna si isku kalsooni leh isla markiiba ula soo boodi jiray ‘Masar.’ Waxaa muuqata in ninkani uu aad uga damqaday, kana xun yahay meelaha kooban ee dalkiisa ka midka ah ee cadowgu qabsaday. Bal malee, sida ninkani uu noqon lahaa, haddii ciidanka cadowgu uu gacanta ku dhigi lahaa magaalo-madaxda dalkaas ee Qaahira!!

“Cadho qamuunyo ugama darto,” waa murti ina tusaysa, in dhibaatada uu qofku dareemayo jiritaankeeda, uuna ku taamo wax-ka-qabashadeeda, ay u badan tahay in uu aakhirka ku guulaysto gaaritaanka waxa qalbigiisa ka guuxaya, uuna sidaas ku dhammeeyo oo ay dhibaatadii ku harto. Tanina waxay inoo muujinaysaa in waxqabadku uu yimaado dareenka kaddib, sidaas darteedna aan waxqabad jiri karin, haddii aan marka hore la dareemin dhibaatada jirta. Waxaa dalkeenu noqday goob wax lagu tijaabiyo, iyadoo dadkeenuna noqday mid sida dooliga hadba wixii aan la hubin waxyeeladooda loogu tijaabiyo. Waxaa dadkeena loo isticmaalaa muuqaallo bulshada caalamka looga naxiyo, laguna beerdulucsado oo sidaas duunyo looga aruursho; taas oo kuwa dibedaha ka yimidna ay dalalkoodii ula noqdaan, kuwa aan isku diirka nahay, balse aan dadkooda u damqanayna ay daaro dhaadheer dalal shisheeye uga dhistaan. Waxaa badihii dalkeenu noqdeen kuwo khayraadka ku jira boobitaankooda loo kala birmanayo, iyadoo isla markaana lagu qubo qashinka sunta ah ee laga soo fogeeyo dalalka warshadaha leh. Sidaas darteed, badabeenii waxay noqdeen bohosha lagu shubo qashinka warshedaha ku shaqeeya awoodda niyuukalarka, halka biriggiina uu noqday xabaallo ay ku aasan yihiin dadka macna la’aanta loo dilay, kuwo macluusha u lee’eday iyo dhul la xaalufiyay oo dhirtii ay ka dhammaatay.

Inta aanan qalinka dhigin, adna aadan iga dhaqaaqin aan su’aal jawaabteedu ‘haa ama maya’ tahay kugu sagoontiyo. Ma ka naxdaa, marka qof shisheeye ahi uu ku weydiiyo; ka waran xaaladda Soomaaliya? Maxaa khilaafka Soomaaliya uu ku salaysan yahay?

Ilaa iyo qalinkayga dambe, nabadgelyo.

Cabdi Shire Warsame
Cirfe_50@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.