Home » Faallo »

Walaal i sii Shaah Daqran!! | Amiin

20 kii sano ee ay Soomaalida ku jirtay Dowlad la’aanta iyo fowdada ayaa wax weliba waxaa ku yimid isbedel, haddii aan soo qaadano afka Soomaaliga waxaa ku soo biiray ereyo ka sameysmay xaaladda jirta, ku sii dheeraan meyno in 20 kii sano wixii erayo ah ee soo kordhay aan soo qaadano, balse waxaan soo qaadan doonnaa erayadii soo kordhay intii u dhexeysay 2000-2011 ee dhanka biibitooyinka shaaha laga isticmaalo, waxaana igu qasbay qoraalkaan kadib markii yar aan saaxiibo nahay kana yimid dalka dibaddiisa oo aan meel shaaha laga cabo wada fadhinay uu maqlay nin ku dhahaya gabadha shaaha iibineysay “Shaah daqran i sii”, saaxiibkey inta uu yaabay ayuu i soo fiiriyey iguna yiri “War Amiinow waa maxay shaaha la daqrayo?”, mudo ayaan qosol ku maqnaa mar dambe ayaan u soo jeestay yarkii ila fadhiyey, waxaan u sheegay in wax badan u dhiman yihiin oo ku saabsan erayada cusub ee ku soo biiray afka Soomaaliga, waxa uu iga codsaday in aan u fasiro waxa loola jeedo Shaahan daqran, aniga iguma cusbeyn oraahdaan, waxaana u sheegay in Shaaha halkaan lagu iibiyo uu dhowr nooc yahay, shaah lagu daro liin dhanaan, shaah caano leh oo loo yaqaan (Caddeys) iyo mid caano leh misna daqran iyo mid bikeys ah oo isna daqran.

Haddii aan eraygaan ‘daqar’ fasiraad ka bixino waa shaah wax yar oo Kofeey ah lagu daray, marka ay gabadha shaaha iibisa soo waddo koobka shaaha ee kofeeyga yar lagu daray waxa uu kuula muuqanayaa in uu leeyahay meel yar oo sida daqar oo kale u muuqata isla markaana midab gaduud xigeen ah leh sidaas ayaan loo yiri ‘Shaah daqran’.

Dadka qaar ka mid ah ayaa waxa ay leeyihiin markay shaaha dalbanayaan “Walaal Shaaha iga soo carfi”, Gabadhaha shaaha Muqdisho ku iibiya markiiba way fahmayaan in hadalkaas loola jeedo shaaha iigu soo dar Kofeey yar. Waxba waxaa ka daran waxaad maqleysaa kuwo dhahaya “Ii diib Haaf gacan leh” oo ay ula jeedaan koob bar ka sareeya isla markaana aan buuxin, waxaana markii hore la dhihi jiray marka sidaan oo kale la rabo “I sii bar shaah ah oo habeysan”, .

Aad bay u badan yihiin erayada cusub ee aad ka maqleyso meelaha shaaha lagu iibiyo, waxaa ka mid ah “Fadlan kofeey garaacan i sii”, Kofeeyga waxaa markii hore lagu sameyn jiray makiinado loogu talagalay oo ay adeegsadaan baararka waaweyn, laakiin maalmahan dambe waxaa soo badanaya Kafeeyga gacan sameyska ah oo ay qasaan ama garaacaan gabdhaha iibiya shaaha kuwaas oo kafeeyga u sameeya sida makiinad oo kale. Mid ka mid ah gabadhaha iibiya kafeeyga gacan sameyska ah ayaa sharaxeysa “ Marka hore kafeey yar ayaad bakeeri ku shubeyssa wax yar oo biyo kulul ah ayaad ku dareysaa, kadibna qaado ayaad u isticmaaleysaa inaad ku qasto ama ku garaacdo, markuu isku cajiimo ayaa biyo kale oo kulul lagu dul darayaa iyadoo weelka ay ku jiraan biyaha kor looga keenayo si uu masaafo ugu jirsado Bakeeriga kadibna halkaas waxaa ka dhalaneysa Kafeey xoor leh oo aad moodeysid in makiinad hadda laga soo dejiyey”.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.