Home » Faallo »

Qodobada heshiiska SKA iyo dowlada

Qaybtii 4aad

Part-1

Xiriiro badan oo xaga emailka ah oo naga soo gaaray aqristayaasha ayaa waxaa laga maarmaan noqotay inaan u boodno qaybtii 4aad ee qorshaheena, kaasoo ahaa falaanqaynta heshiika dhexmaray dawlada iyo shirkada SKA.

Heshiiskan ayaa la saxiixay labo jeer kadib markii ay xubnaha xaga dawladu su’aal ka keeneen qodobo ku qornaa, sida dekeda oo ka mid ahayd meelaha ay shirkadu la wareegayso, iyo lacag horumaris ahayd oo la sheegay inay dawladu qaadatay oo ay booskeeda ku qornayd “xxxxx”, taasoo uu codsaday wasiirka maaliyadu in la cadeeyo.

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah sida ka muuqata warqad uu qoray 12/10/2010 wasiirka Maaliyada kadib saxiixa heshiiska 1aad, in uu ka dhawaajiyey in ilaa 4 arimood la bedelo mooyee aanan heshiiska la aqbali karin. Balse waxaa cajiib ah inuu heshiiskii oo ay weli ku qoranyihiin arimihii uu ka cabnayey uu hadana saxiixay, taasoo arinta ka dhigeysa in si uun loo qanciyey.

Heshiiska hore waxaa saxiixay maareeyihii hore ee Hay’ada Duulista iyo Saadaasga Hawada Maxamud Sheekh Cali, halka uu marqaati ahaan hoosta uga saxiixay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya Cumar C/rashiid taariikhdu markay ahayd 28/06/2010. Hadaba warqada wasiirka maaliyada kadib ayaa isla heshiiskii oo laga saaray Dekeda laguna soo qoray 1000,000 Dollar oo lagu sheegay in ay dawladu horumaris u qaadatay, taasoo sida wasiirku cadeeyey aanan ku dhicin qasnada dawlada. Heshiirka dambe waxaa xaga dowlada u saxiixa isla maareeyaha Hay’ada duulista, halka uu booskii ra’iisul wasaaraha uu u saxiixay wasiirka maaliyada Mr Xalane taariikhdu markayt ahayd 31/10/2010.

Hadaba inkastoo uu heshiiskani dhamaantii yahay mid xasaasi ah oo ay danta umadu ku yartahay hadana waxaan idan Alle sharaxaynaa qodobada aan is leenahay waxa ay u baahanyihiin sharaxaad dheeri ah sida:

  • Qodobka 2aad, heshiikii ugu horeeyay ee ay labada dhinac saxiixeen ayaa sheegaya in shirkada lagu wareejiyey airporada Soomaaliya, waxaana la adeegsaday ereyga “Somali airports” halkii laga dhihi lahaa airporka Aadan Cade ama Mugadishu Airport.

Hadaba arintani sida ay u qorantahay waxa ay u saamaxaysaa shirkada SKA in ay sharci ahaan ka howl gali karto airporada Soomaaliya dhamaantood oo ay ku jiraan kuwa Hargeeysa iyo Boosaaso.

Marka loosoo laabto Heshiiskan oo mar labaad la qoray, arintan waa la xeeladeeyey waxaana la adeegsada oraahdan SKA waxa ay sharci dawladu u siisay inay maamusho garoonka Muqdishu iyo garoon kasta oo kale oo Soomaaliya ah oo mustaqbalka lagu heshiiyo “SKA shall be given exclusive right to manage Somalia’s Mogadishu Airport and any other Somali airports that may be agreed in the future”. Hadaba dawladii kan saxiixay iyadii og waxa ka dhalan kara way u sahlantahay in ay ku dhiirado in ay shirkada u sharciyeyso in la wareegto garoomada wadanka oo dhan.

Mida kale marka laga hadlayo heeshiis, waxaa lagu yaqaan in qodob kasta la qeexo oo la cadeeyo lagana ilaaliyo erey tibaaxaya wax uu mugdi ku jiro. Hadaba isla qodobkan waxa uu sheegayaa shaqada ay shirkadu qabanayso waxana liiska ugu dambeeya oo lagusoo xiray ereyga “iyo wax kasta oo shaqo ah oo airporka ka soo baxa”. Hadaba waxa anan hada la aqoon ee laga yaabo inay soo baxaan maxeey noqon karaan?

Marka hore Alle ayaa yaqaan, laakiin waxa aad la wada socotaan in airporada Soomaaliya ay dib u dhiskooda badanaa caawiyaan wadamada deeqaha bixiya, tasoo qandaraasyada lagu dhisayo ay badanaa ka soo dhacaan cidii markaa airporka gacanta ku haysa. Iskusoo wada duuboo waxa uu qodobkaasi ka dhiganyahay inaanay shirkada sina wax ku dhaafin.

Waxaa kale oo uu qodobkani sheegayaa

  • In la siiyo shirkada SKA dhul airporka gudihiisa ah oo ay ka dhisato xero (camp) ay ka sameeysato kayd shidaal ayna ka dhisato xafiisyo
  • In ay shirkadu shidaalka keeni karto wadanka, taasoo uu heshiiku ka gaabsaday inuu cadeeyo inuu ku egyahay shidaalka dayuuradaha oo kaliy iyo in kale
  • In wax kasta oo ay shirkadu la soo degto aanan laga qaadi karin dhamaan lacagaha laga qaado alaabaha wadanka lasoo geliyo meeshey doonaanba (dekeda ama airport) ha kasoo degeene

Hadaba waxaa cajiib ah in shirkad ganacsi oo ajnabi ah oo u timid wadanka inay faa’ido ka hesho laga dhaafo qarashka adeega ee laga qaado cid kasta oo alaab lasoo degta, oo ay ku jiraan ganacsatada Soomaaliyeed. Hadii aysan dawladu kula dhaqmin ganacsatada si ay sinaan iyo cadaaladi ku jirto waxaa imaan kara in ganacsatada Soomaaliyeed ciriiri galaan maadaama ay shirkada SKA alaabteedu canshuur dhaaf ku imaanayso wadanka “TFG will assist and support SKA in any available waivers such as VAT, custom clearance, taxes, special permits and others”.

Mida kale waxaa haboonaan lahayd in dowlada Soomaaliya ay ka fogaato wax kasta oo wax u dhimi kara maamul goboleedyada Soomaaliya iyo shacabka ku hoos nool maadaama ay niyadooda ka guuxeyso dhibaatooyin hore oo ay tirsanayaan.

Qodobka sedexaad ee heshiiska ayaan kusoo qaadan doonaa qormadeena tan ku xigta Alle idankii, sidaas ayaanan qodob qodob ugu sharixi doonaa ilaa aan ka dhamayno heshiiska oo dhan.

Qoraaladii hore ee SKA ka akhri https://somalitalk.com/tag/ska/

Waxaa si wada jir ah u diyaariyey

Jamal K Mursal                                             Ahmed M Hassan

jkmursal@hotmail.com,                                    amoallinh@gmail.com

jkm036@londonmet.ac.uk amh200@londonmet.ac.uk

 

Maxamed Abuukar Nuur

Maxnour62@hotmail.com

 



Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.