Home » Warar »

41 Sanno Kadib Shirkadda Dahabshiil oo u Dabaaldegeysa Sannad Guuraddiin Koobaad Banki Ku Shaqeeya Shareecadda Islaamka oo Laga Furey Dalka Jabuuti

Xaflad lagu xusayo sannad guuraddii koowaad ee Dahabshiil Banka International Jabuuti oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Dahabshiil Bank, xubno ka mid ah Culumaa’udiinka waaweyn ee dalka Jabuuti iyo martisharaf kala duwan ayaa lagu qabtey Guriga Ummadda ee caasimadda dalka Jabuuti 20/03/2011.

Halkaan ka daawo sawirada

Munaasabaddan oo ahayd mid lagu soobandhigayey sannad kadib wax qabadka Dahabshiil Bank, qorshahooda 2011, mahadnaq, faa’iidooyinka ay u leeyihiin bunuugta islaamka bulshooyinka caalamka, gaar ahaan dadka isticmaala ayaa furitaankeeda waxaa ka Hadley Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee dalka Jabuuti, islamarkaana ka tiran xubnaha hawl wadeenada Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Jabuuti.


waxaa uuna tilmaamay waxa ay u doorteen dahabshiil bank iyo baannanka kale ee Islaamka inay shareecadda islaamka ku shaqeeyaan, akh-laaqiyaadka ay leeyihiin daddka ka shaqeeya baannanka islaamiga iyo halka ay kaga jiraan baannanka islaamka dhaqaalaha iyo horumarka.

Sidoo kale Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir waxaa uu khdubadiisa kaga hadlay faa’iidooyinka ay leeyihiin, bannaanka islaamiga, dalallkii bilaabey iyo xilyada ay bilaabeen dowladdaha Islaamka ee xiligan jira, sida ay uga badbaadeen hoos u dhica dhaqaale ee la soo gudboonaadey bilowga Qarnigan 21-aad iyo dowladaha aan muslimka ahayn ee doonaya in laga hirgeliyo dalallkooda baannanka islaamka ah

Isagoo faah faahinaya Sheekhu arrimahaas waxaa uu yiri “marka hore waxaan jecelahay in aan tilmaamo arrin ay ka dhigteen dadka dhaqaalaha ka shaqeeyaa xeer ama qaacido maxay tahay, waxay yiraahdaan aduunku waxaa uu ka sameysan yahay lacagta uu helo, waa baayac mushtarka, beec mushtarka wuxuu dabadda ku hayaa dhaqaale, dhaqaaluhu waxaa uu ku dulsameysan yahay baannanka, seddaxdaa shey, annaka iyo dadka aduunka degan oo dhan iyo banni’aadamka aan muslimka ahayn waan isku waafaqsanahay, immaam qazaali wuxuu yiraahdaa, nolosha boqolkiiba sagaashan ama toban marka looqaybiyo sagaal noloshu waxay ku salaysan tahay baayac mushtarka, beec mushtarku wuxuu ku saleysan yahay arragtida dhaqaale, arragtida dhaqaale waxay u baahan tahay waqtiga maanta la ogyahay aqalo waaweyn..”.

(Khudbadda sheekha oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso).

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/abdiraxmaan_bashiir.mp3]

Gudoomiyaha Dahabshiil Banka International ee Jabuuti, Dr. Maxamed Cismaan Nuur oo gunaanadkii khudbadda sannad guuradda koowaad Dahabshiil Banka halkaasi ka jeediyey ayaa waxaa uu kaga hadley wax qabadka mudaddii uu jirey Dahabshiil Banka International ee dalka Jabuuti, sababaha keeney in laga furo bankigan, qorshahooda wax qabad ee sannadkan 2011, laan cusub oo ay ka fureen Suuqa weyn ee Al Riyaadh oo ku yaal caasimadda dalka Jabuuti.

Dr. Maxamed Cismaan Nuur

Dr. Maxamed Cismaan Nuur waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “waxaa maanta sharaf weyn ii ah anniga, shaqaalaha Dahabshiil, macaamiisheeda iyo martideeda, in aan wax ka bayaamino waxqabadkayagii mudadda kooban ahaa ee uu jirey Bankiga Dahabshiil ee caalamiga, sidaad wadda ogsoontihiin Bankiga waxaanu furney 20-kii bishii March, 2010-ka, waxaanu maanta xuseynaa ilaahay mahadiisee sidaan sheegey sannadguuradii koobaad Banka Dahabshiil…”

khudbadiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/maxamed_nuur.mp3]

Arrintan ayaa waxay qayb ka tahay dagaal addag iyo tartan dhinaca ganacsiga ah oo ay kula jiraan ganacsatada soomaaliyeed, ganacsatadda kale ee dowladaha gobolka, kuwa qaaradda iyo kuwa kale ee caalamka, iyagoo aysan lahayn dowladd damaanad qaadd buuxda leh oo baahida guud ee dalka iyo tan ganacsatadda soomaaliyeed, lana dhihikaro in qayb muhiim ay ka tahay sii dheeraashaha nidaam la’aanta iyo fowdadda ka jirta labaatanka sanno dalka soomaaliya, taasoo xalkeeda laga meer meero in badan.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.