Home » Warar »

8630 Neef lo’da oo laga daweeyey cuduro kala duwan

Maamulka islaamiga ah ee Wilaayada Shabeellada Hoose oo soo gaba-gabeeyey howlo ay ku daweeyeen 8630 Neef lo’da, oo laga daweeyey cuduro kala duwan, halka qaarkoodna la siiyey daawo lagu naaxinayo.

Dhaqaatiir aqoon durugsan u leh xanaanada xoolaha kana tirsanaa wasaaradii xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowladii hore ee Soomaaliya oo ay shaqasiisey wilaayada Shabeellada hoose ayaa ka qayb-qaadanayay howlahaas lagu dawaynayo xoolaha xanuunsan.

Halkan ka daawo sawirada xoolaha la daawaynayo

Cudurrada ugu daran ee ay xoolaha la daweeyay ay la il-darnaayeen ayaa waxa ka mid ahaa: nafaqo-darro ka dhalatay cayayaan xoolaha cuna sida: shillinta, gooryaannada iyo bahallada kale, sidoo kale dhakhaatiirtu waxay sheegeen in cudurro kale oo ka dhashay abaaraha ka jira wadanka ay iyaguna halis ku ahaayeen nolosha xoolahaas.

Madaxa Wilaayada islaamiga ah ee Shabeellada Hoose Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo saxaafadda kula hadlay degmada Jannaale oo ay markaas ka socotay howsha daawaynta xoolaha ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida ay ugu guuleysteen daawaynta xoolaha xanuunsan, wuxuuna u mahadceliyay Allaah SW kaddibna dakhaatiirtii ka qaybqaadatay howshan qiimaha badan.

Sheekh Abuu-Cabdalla wuxuu sheegay in lo’da la dawaynayo ay isugu jirto kuwo laga leeyahay wilaayada Shabeellada Hoose iyo kuwo kale oo qaab naq-raac ah ku yimid gobolka kaddib markii ay abaaruhu ku dhifteen gobolladii ay ku noolaayeen.

Dr. Idiris Maxamed Carraale oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii ka qaybqaadanaysay dawaynta xoolaha ayaa sheegay inay illaa hadda daweeyeen 8,630 neef oo lo’ ah, kuwaasoo intooda badan ku sugnaa degmooyinka Kurtun-waareey, Sablaale iyo Jannaale.

Sidoo kale, Dr. Maxamed Boorre oo isaguna ka mid ahaa dhakhaatiirtii ka qaybgalay daweynta lo’da ayaa uga mahadceliyay maamulka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab sida ay ugu gurmatay xoolaha xanuunsan, isagoo sheegay in dhammaan daawada lagu dawaynayo lo’-da oo ah mid tayadeedu aad u wanaagsan tahay ay keentay wilaayada islaamiga ah.

Dr. Boorre wuxuu ugu baaqay dhammaan dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisa inay gutaan waajibka ka saaran ummadda ay ka dhasheen ayna wax u soo barteen, gaar ahaan waqtiga hadda lagu jiro oo inta badan gobollada dalka ay ka taliso Xarrakada Al-Shabaab ay ka jirto nabadgalyo iyo xasillooni midii ugu saraysay.

Ugu dambayntii, maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dawaynta ay u samaynayso xoolaha noocyadooda kala duwan, iyadoo dhawaan billaabi doonta dawaynta ariga iyo geela, sida hadba ay u kala daran yihiin.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya loo sameeyo xoolaha dalka ku nool daryeen caafimaad oo noocan oo kale ah, laguna daweeyay xoolo la il-daran xanuunno kala duwan, arrintaas oo ah horumar ay habboon tahay in la garab istaago.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 8630 Neef lo’da oo laga daweeyey cuduro kala duwan "

  1. Allaha dhawro waa rag dadaalay inkastoo Soomaaliyi wax la fahmi la’da wayse imaanee goor ay dadkeenu garwaaqsadaan !!

    Kii Cadaalad u falana Soomaalidu waxay ka sheegeeye !!

    Kii dhacana waxay ka sheegee , waa yaabe Qoomkeenaan halkee nagala Habaaray ????