Home » Warar »

Soomaalida Odense oo ka bannaanbaxay carruurta Deenishka ah ee ay burcad-badeedku qafaasheen

Denmark: Waxaa maalintii sabtida ahayd ee bishu ahayd12.03.2011, ka dhacay magaalada Odense ee Dalka Denmark bannaanbax lugu muujinayey sida looga xun yahay carruurta Deenishka ee lagu qafaashay badda Soomaaliya.

Banaanbaxayaashu waxay socod ku soo mareen bartamaha magaalada iyagoo markii dambe isugu yimid ka soo horjeedka xarunta dawladda hoose ee magaalada Odense oo ah meesha laga xukumo magaalada.

Kaddib, waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah dadkii soo qabanqaabiyey banaanbaxa iyo carruur Soomaaliyeed.

Iftin Sheekh xasan ( Maama Iftin ) oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay „Inay aad iyo aad uga xun yihiin carruurta Deenishka ah oo ay qafaasheen burcad-badeedka Soomaalida. wadankeena ma lahan dowlad xoog leh oo arimahaas wax ka qaban karta. waxaana u soo baxnanbaxney in aan muujino sida aan uga xunnahay carruurtaas Deenishka ah oo lagu qafaashay Soomaaliya.“

Xasan Isaaq saleebaan oo ku hadlayey magaca odayaasha soomaaliyaad oo deggan magaalada Odense ayaa sheegay „In carruurta Deenishka ah oo la heysto si deg deg ah loo sii daayo waayo diintu ma qabto in la qafaasho caruurta iyo haweenka.“

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay mudane Daahir Jaamac Rooble oo ah xildhibaan ku jira gudiga degmada Odense, wakiilna ka ah Soomaalida magaalada Odense, waxaa uu sheegay „In caruurta Deenishka oo lugu qafaashay soomaaliya ay sumcad xumo soo gaarsiineyso dhammaan soomaalida, waxaana codsaneynaa in carruurta Deenishka ah si deg deg oo bilaa shuruud ah loo soo sii daayo“. intaasi waxaa uu ku darey „in Soomaalida ay wax ka khaldan yihiin waxaa cadeynaya in ay ilaa hadda ay heshiin la’ yihiin.“

Waxaa jirta in burcad-badeedka soomalidu ay waayadaan dambe qafaalayeen maraakiib. Arrin markii hore ka bilaabatay in layska difaaco maraakiibta sida sharcidarrada ah uga kalluumaysata badda iyo xeebaha Somalia, keddibse noqotay xirfad lugu sameeyo lacag fara badan. Waxaa jirtay in sanadkii hore ay burcad-badeedku ay sii daayaan lammaane Ingriis ah oo waayeel ah (Paul iyo Rachel Chandler) oo ay sanad ka badan haysteen.

Maanta waxay arrintu maraysaa in la qafaalay qoys iyo carruurtood dalxiis ahaa oo aan wax dhibaata ah ka gelin dhulkeenna iyo baddeenaba oo cidna aan dhibaato u gaysan.

Ruux aan dareemi Karin ma jiro,saameynta ay arrintaanoo kale ku yeelanayso carruurtaas. Runtii Diinteennu ma oggola qafaaalashada,sharci iyo xeer kaloo bannaynayana ma jiro.

Haddaba, waxaa ragga qafaashay carruurta loo sheegayaa inaan raalli laga ahayn ficilkoodaas. Waa fal meel uga dhacaya sumcadda iyo sharafta qof kastoo soomaali ah. Waxaa laga codsanaynaa inay si shuruud la’aan ah oo degdeg ah usoo daayaan caruurtaas iyo waalidkoodba.

Banaanbaxaas oo ahaa kii ugu horreeyey oo ka dhaca dalka Denmark oo lagu muujinayey sida looga xun yahay caruurta Deenishka ah oo lagu qafaashay soomaaliya waxaa soo qaban qaabiyey Soomaalida ku nool magaalada Odense . Filmkii laga duubay banaanbaxaas dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii alle idmo.

Farah Y. Osman

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Soomaalida Odense oo ka bannaanbaxay carruurta Deenishka ah ee ay burcad-badeedku qafaasheen "

  1. gabar somali says:

    Waxaan cajiib ah somalida denmark,maxay xasuuqa shacaka soomaliyeed lagu hayo uga banaan bixiwayeen ee cadawgu isku kaashaday Denmarkna lacagta ku bixiso—— taas ayaa horta ka horeysay.

  2. Jamaal says:

    Reer Puntland waxaan u sheegayaa in Danmark ay amaantay sida ay ciidamada Puntland ugu hureen naftooda iyo maalkooda ineey soo furtaan dadkaas, masaakiinta ah ee la heesto. Waxaas waxaa ka daran Somalida Danmark, waa la weeydiiyaa ma aragteen dadkiina seey wax ugaleen waa dadka shaqada kala shaqeeya danishka. marka waa arrin aad u taabaneeso somalida halkan deggan iyo guud ahaan Scandenevianka wadamada la isku dhaho.
    Waa ka xuna nahay ineey saas u galaan qoys dalxiisaya.

  3. said20 says:

    Waxaan la yaabanahay Soomaalida waa dad aan garaneen qofka abaal ku leh iyo kan kale. Bal fiiri inta waayeel xanuunsan oo kilyaha iyo wadnaha ka jiran oo Danmark Hospital ladeeda jiifa ama dawo uga socota joogto u qaataan lacag kaalmo, reerahooda ka masruufa ee Somalia ay ugu soo tageen.

    Ma aha mid damiirka baniaadamka siinayso in sidaas loo galo dad goobaha waxbarashada sida Universities , Dugsiyadood, Goobaha Shaqada ay Soomaali ka shaqeeyaan oo loo yaqaan ineey Soomaali yihiin oo sharaf ku lahaa meelaha ay ka joogaan Danmark.

    Waxaa dhacdaya in aan iska aamusno marka Mediaha danmark, aan ka aragno dadkeenii Somalia seey ula dhaqmeen Qoys Danish ah. Waxaas oo oo dhan waxeey ka go’antahay Soomaalida Danmark ayagaa ileeyn deggan halkaan. Imisa Hospital oo ku yaal Puntland, Mogadisho, Somaliland, iyo meelo kale Somalia ayeey Danmark caawisay hadeey noqon laheed Qalabka curyaamada iyo waxyaale kale oo baddan.

    Diinta islaamka waa reebtay in qaadicu dariiq la noqdo , oo waaba fitno aad u xun ee Somaliyeey wax ka qabta oo u kaca Qooyska Danishka .