Home » Maqaallo »

DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 1aad: Qore Cabdi Shire Warsame

Walaalayaal, saaxiibayaal,

‘Asalaaamu calaykum waraxmatulaahi wa-barakaatuhu.’

Marka dawanka teleefonkaagu uu dhawaaqo oo halowdaada kaddib, hadalka dhagahaaga ku dhaca uu noqdo hooyadaa waa naf-ka-dhawr; sidii aad ugu dheg-raaracin lahayd oo aad u dhageysan lahayd, ugu soo dhawow dhambaalkan.

Marka reer cusub uu dhismo oo ay isguursadaan laba gayaan ah; waxaa loogu duceeyaa, “ilaahay ha idin siiyo ubad khayr qaba oo dalkooda, dadkooda iyo diintooda anfaca.” Tanina waxay ina tusaysaa sida loogu hanweyn yahay ee loo shinsanayo waxtarka ubadka.

Hooyadu marka ay walacdo oo ilaahay ilmo uurkeeda ku beero; waxaa ku dhaca xanuun runtii aanan hayn erayo aan ku cabbiro. Waxay ka go’daa oomati dhammaanteed, iyada oo isla markaa wax kasta oo ay isku daydo in ay jadiinka mariso soo matagta. Wax kasta way u shiiraan oo waxay u yeeshaan ur ay aad u dhibsato. Waxaa isku mar ku kulma tabar-yari iyo culays; taas oo ka timaada, iyada oo aan waxba cunayn, ilmaha ay sidana ay sii korayaan oo sidaas miisaankoodu maalinba maalinta ka dambaysa kor ugu soo kacayo.

Iyada oo aad ula daalaa-dhacsan culayska, una muuqaal eg qof maliil ah oo muddo dheer jiranaa, ayaa shinkeedu galaa oo ay sidaas fooli ku qabataa. Xanuunba xanuun ka darran /mid kale oo ka xoog badan kii hore ayaa u beddela. Qof uu ka soo dhex baxayo qof nooli waa mucjiso eebbe, balse malee xaaladda xannuunka iyo xakaarka badan ee qofkani ku sugan yahay!! Markaan hooyadu waxay la mid tahay qof xaraarugaya oo naf-baxaya. Waxaa ka socda ilmo iyo taah ay isku daydo in ay qarsato. Ilkaha ayay isdhaafsataa si ay ugu adkaysato xannuunka xad-dhaafka ah ee siyaabaha kala duwan ugu dhacaya ee uga kala imaanaya ilmaha xoogga ku soo jiiraya jirkeeda iyo birta lagu jeexayo oo jidka loogu banaynayo. Si kasta oo ay isu tahbiibto oo taagteed adkaysato; iyada oo taahaysa oo ilamadu ay sida durdur indhaheeda uga soo daadanayso; marka ilmuhu ay si dhan u dhashaan oo ay dibedda yimaadaan, ayna indhaha ku dhufato, ayay qalbiga ka qososhaa; mararna si cad ayay u dhoollo-caddaysaa, taas oo xannuunkii garbaduubka u haystay ay si buuxda farxadi uga xorayso. Waxaa qalbigeedu dareemaa in ay furihii guusha heshay oo sidaas ay ku gaari doonto mustaqbal fiican, ayna heshay cudud ka daafacda cadowyada kala duwan ama tabantaabisa markasta oo ay tabar-yaraato oo aysan teeda ku meel mari karin.

Dhibta hooyadu ay ilmaheeda ka soo marto, mid la mid ah ayaa dalkeena iyo dadkeenu inaga soo maray. Waxaa ummaddeenu inoo hurtay wax kasta oo ay heli kartay. Waxay inoo daysay oo ay dugsiyo waxbarasho inoogu dhistay agabkii yaraa ee ka dhaxeeyay. Waxay inoo suurtoggelisay in aan waxbarasho ku kala hello dalka gudihiisa iyo dibedda. Haddaba, waxaa habboon in aan isweyddiinno; maxay ummaddu naga doonaysay oo ay noogu soo daashay?

Waxaan hubaa in dadkeenu marka ay indhahoodu qabtaan ardada heerarka kala duwan ee qaba labisyada kala geddisan ee u kalahaya waxbarashada ay dareemi jireen, farxad la mid ah tan hooyadu dareento, marka indhaheedu qabtaan ilmaha laga umuliyay. Waxaan hubaa in ay ku faraxsanaayeen waxa ay na geliyeen iyo waxa na tareen, balse ay naga filayeen wax la mid ah iyo wax ka badan waxa ay na taarteen.

Haddii aad ka mid tahay kuwa burburkii kaddib waxbartay; bal qiyaas dhibka lagaa soo maray, gaar ahaan midka labada ku dhashay ay kaa soo mareen, si ay kaala baxsadaan, aadna uga nabadgasho dilka, kufsiga iyo dhacii ka socday meel kasta oo dalkeena ah!! Imisa ayaa dartaa u waxyeelowday oo ku soo jidmarisay? Ma kula tahay in aabahaa iyo hooyadaa ay dalxiis u yimaadeen dalka cimilada qalafsan leh ee aad hadda ku sugan tihiin? Waxaa male igu weyn ah, in ay kaa doonayaan in aad yeelato dadnimo iyo karti aad dib ugu celiso dadlkoodii hooyo oo ay sidaas ku degaan, ayna sharaftoodii iyo karaamadoodii dib u helaan.

Waxaa loo baahan yahay in aan ugu horreyn wada garwaaqsanno, in aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed daynsaneyaal u nahay; taas oo naloogu fadhiyo in aan gudno. Waxaa dhici kartaa in aad ishaybiso, sideen u gudi karaa?, maxaanse tiri karayaa? Si aad si wax-ku-ool ah oo aad ku qanacdo, isugu jawaabto; waxaa fiican in aad dib u jaleecdo/guud ahaan taxanaha halgankii gobannimodoonka Soomaaliya, gaar ahaan dhallinyaradii kala unkay ururadii S.Y. L. iyo S. N. L., sidaasna ku hoggaamiyay halgankii gobonnimodoonka ahaa ee ummadda. Waxaa waqtigaas gobollada Waqooyi iyo Koofurta kala haystay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, balse maanta awood taas la mid ahi ma haysato dalkeena.

Dhallinyaradii horseedka u ahayd halganka, maysan lahayn aqoonta aan inagu leenahay. Maysan haysan agabka iyo fursadaha aan heli karo. Adduunku waa ka duwanaa midka aan maanta ku nool nahay oo aan ka heli karo cid nagu taageerta dib-u-taagidda calankeena ciidda yaal. Waxaa su’aal ah, maxaa dhallinyaradaas saldhig u ahaa oo u suurtoggeliyay gaaritaanka himiladooda? “Rag tashaday, cir tararay waa toli karaan taako labadeede,” waa murti ina tusaysa in aadamigu waxa uu goosto oo uu ku dhaqaaqo ka dhabayntooda uu gaari karo. Dhallinyaradani waxay si niyad ah u goosteen in ay dalkooda iyo dadkooda ka rogaan heeryada gumaysiga; ayna wax walba u huraan, kana hormariyaan xaqiijinta himiladooda oo ah ‘Dawlad Soomaaliyeed.’

“Dalkoo nabad ah oo xasillan, dushiisa calan babado; kacdoonka dadkeenu galay, haddii uu daacad yahay, waxaa lagu dayan lahaa isbeddel-doonnada ka dhaca, dunida shanta qaaradood,” waa suugaan uu leeyahay Farxiya Cali Faarax ‘Farxiyo-gaadsan’ oo tilmaamaysa sida aynu u habownay. Dalkeenu labaatan sano ayuu yahay goob galangal ah oo aan wax nidaam ahi ka jirin. Inaga ayaa dawladnimadeenii iyo dalkeenaba gacmaheena ku duminay. Dagaalka sokeeye ee duliga ina baday oo qabyaalad iyo danno shakhsi ah ku qotomay; waxa uu aakhirikii isugu biyo-shubtay dagaal u dhexeeya reer miyi iyo reer magaal. Waxaa ku adkaaday reer miyi oo qabsaday, si buuxdana ula wareegay degaannadii (magaalooyinkii) reer magaalka. Waxaa reer magaal noqday, wax la laayay, wax dalka dibedda uga qaxa, iyo wax maxaabiis u eke ah oo iyaga oo aan meekhaan iyo milge midna lahayn ka madax madow degaanada la qabsaday.

Waxaa dalka dibeddiisa lagu qabtay shirar fara badan, balse weli maanan helin wax noo beddela wixii aan iska duminay. Wax sii xumaanaya mooyee, ma muuqdaan wax soo hagaagaya. Arrinta dalku way ka sii baxaysaa faraheena; waxayna Soomaaliya ay qarka u saaran tahay, “Wax-ku-sheegta iyo wax-ku-shuba waa.”

Inta aanan qalinka dhigin, adna aadan indhahaaga ka jeedin Dhambaalka; an weydiin jawaabteedu ‘haa ama maya’ tahay kugu sagoontiyo: Sida arrinta Soomaaliya loo wado sax ma kula tahay?

Fadlan, aan kula wadaago oo saddex jeer wada dhahno MAYA, MAYA, MAYA.

Ilaa iyo qalainkayga dambe, nabadgelyo.

Cabdi Shire Warsame

cirfe_50@hotmail.com

shirewarsame@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.