Home » Warar »

Ururka Horumarinta Haweenka (IIDA) Xafiiskiisa Degmada Guri-Ceel oo Deeq Lacageed gaarsiiyey Dad Danyar ah

Ururka horumarinta Haweenka (IIDA) xafiiskiisa Dagmada Guri-Ceel ayaa waxa uu Deeq lacag ah u qeybiyay dad Danyar ah oo u badan Haween iyo Caruur kuwaa oo ku jira Shan kaam oo ku yaal Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Guri-Ceel, sida ururku sheegana waxaa Deeqdan lacagta ah loogu tala galay in gacan uun laga geysto dhibaatada xaga nolosha ee heysata dadk aan Maaatida ah ee ku jira Xeryaha Barakacayaasha Magaalada xiligaan oo Abaaraha ka jira Gobolka Galguduud ey yihiin kuwa si isku mid ah u wada dareemeen dadka ku ku dhaqan Miyiga iyo Magaalada

Waxaana Ururka Horumarinta Haweenka (IIDA) xafiiskiisa Dagmada Guri-Ceel uu soo bilaabay howshaan qeybinta Deeqahan lacagta ah siddeedii Maarso oo ku beegneyd maalinta Haweenka Aduunka Waxaana Howlwadeenada Xafiiska IIDA ee Guri-Ceel ay sheegeen in ku tala jiraan in Barnaamijka wax qeybinta in uu socdo ilaa iyo Afar Maalmood iyagoo xusay in ay rabaan in sii wadaan oo ay garrsiiyaan hadba cidda mudan ee ay saxda tahay in la gaarsiiyo maadaama xilagaan adag ee lagu jira awgiis ay jiraan dad farabadan oo aad ugu baahan Deeqaha noocaan oo kale ah

Ururka Horumarin Haweenka (IIDA) Xafiiskiisa Dagmada Guriceel wuxuu safka hore kaga jiraa howlaha Samafalka Magaalada Guri-Ceel iyadoo la arko maalin kasta inuu ku howlan yahay

Howlo kala duwan ee xirfadaha ugu abuurayo dadka ku nool Magaalada, sidoo kale wuxuu gacan ka geystaa waxbarashada, Deeqo inuu gaarsiiyo dadka tabaaleysan iyadoo kaamam Barakacayaal ee uu gacanta ku hayo oo Bil kasta wax gaarsiiyo Deeqo kala duwan iyo kuwo kaleba

Siddeeddii Maarso ee sannadkii hore ayay ahayd mardii Ururka Horumarinta Haweenka (IIDA) xafiiska Guri-Ceel uu Deeq lacageed oo noocan oo kale ah uu gaarsiiya caruur Agoon ah oo ku nool Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Guri-Ceel

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.