Home » Warar »

DFKMG oo faah faahin ka bixisay booqashada Mahiga ee Muqdisho iyo muhiimadda kulanka Golaha Ammaanka

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha DFKMG uu faah faahin ka bixiyay booqashada Mahiga ee Muqdisho iyo muhiimada kulanka Golaha ammaanka, warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sida hoos ku qoran:

Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kusime_dfkmg_mar11.mp3]

11.03.2011———Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ay garab fadhiyeen Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan iyo Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac ayaa faah faahiyay booqashada halka maalin ah ee uu magaalada Muqdisho ku joogo wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Ambassador Augustine Mahiga isagoo sidoo kalena faah faahiyay muhiimada kulanka Golaha Ammaanka ee Q/midoobay ee diirada lagu saaray arrimaha dalka Soomaaliya.

Mr. Oomaar ayaa ugu horeynta mahadnaq ballaaran u jeediyay safiirka China ee xilligan madaxweyne ka ah kalfadhiga golaha Amniga (Security Council) maadaama buu yiri uu casuumaada shirkan u soo diray dowladda Soomaaliya isla markaana uu codsaday shirkan in la qabto loogana hadlo arrimaha dalka Soomaaliya isagoo si gaar ah u tilmaamay in marka laga tago 15 ka xubnood ee golaha ay ka soo qeyb galeen in ka badan 40 xubnood oo matalayay dowladdaha caalamka, halka qaarkoodna ay heer wasiiro u soo direen shirka sida dowladda Ingiriiska.

“Mida koowaad Kalfadhigani wuxuu ahaa mid aan hore u dhicin, mida labaadna waxay cadeyn u tahay in aragtida adduunweynuhu ay aad isu bedeshay ayna doonayaan in maanta arrimaha Soomaaliya xal dhameystiran laga gaaro” ayuu yiri Kusimaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Oomaar oo xusay in miraha ka soo baxay kalfadhigan ay si faah faahsan uga hadli doonaan wefdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane MaxamedCabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay in beesha caalamku ay soo dhoweysay howlgalada dowladdu wado iyo qorshaha dowladda ee xilliga kala guurka ah ay aad u soo dhoweeyeen “Ka sokow howlgalada dowladda beesha caalamku waxay aad u soo dhoweeyeen qorshaha dowladda soo bandhigtay iyo waxyaalaha ay qabatay inay yihiin qaab aad loola cajabay laguna heshiiyay in ambaqaad iyo horuwadid lagu sameeyo”.

Mr. Oomaar ayaa dhanka kale faah faahiyay kulan ay maanta ku wada qaateen magaalada Muqdisho wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambasasdor Augustine P. Mahiga iyo xubno wasiiro ah oo uu h ogaaminayay Kusimaha Ra’iisul wasaaruhu, isagoo xusay in socdaalka Mahiga uu soo bilowday shalay xalayna uu ku hoyday magaalada Muqdisho si uu uga qeyb qaato inta kalfadhigaasi ka socdo New York inuu hambalyo soo gaarsiiyo madaxda dowlada iyo ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee kaabaya kuwaasoo todobaadyadii la soo dhaafay guulo la taaban karo ka keenay difaaca iyo dib u soo celinta nabadda dalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ambassadorka ay ka wada hadleen arrimo ku aadan marxaladda kala guurka ah iyo qorshooyinka dowladdu qabto iyo sidoo kale firkaddaha ay qabaan adduunweynuhu, maadama ay jiraan shirar is daba joog ah laga soo bilaabo shirkii African Union ee Addis ababa welina socdaan shirar kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur ayaa sheegay in gobolada ay dhowaantan gacan ku heynteeda la wareegtay dowladda ay si deg deg ah ugu dhisi doonaan xukuumado (Maamulo goboleedyo) si loo helo amni iyo kala dambeyn.

“Waxaa kale oo aan dowladdaha deriska ah iska kaashan doonaa sidii xuduudaha iyo howlgalada amniga loo sugi lahaa, waxaana ka rajeyneynaa inay nagala shaqeyn doonaan dowladdahan deriska ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.