Suldaanka waxaa lala xiray laba nabadoon, waxaana la tarxiilay 11 qof, waxaana Kililka 5aad khasab looga saaray qurbo joog soo laabtay….
Madaxweynaha “ismaamulka Soomaalida Ethiopia” Cabdi Illey oo adeegsanaya hoggaanka nabad galyada “Ismaamulka Soomaalida Ethiopia” Cabdillaahi Ethiopian ayaa amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo Suldaanka Guud ee beesha Hawle, Suldaan Shaqalle Suldaan Cali Dheere taariikthu markay ahayd February 11, 2011. Suldaanka waxaa lala xidhay nabaddoon Mukhtaar Mohamed iyo Nabaddoon Amiin Cumar oo ay isku hayb yihiin.
Xadhigga xorriyadda looga qaaday Issimmadaa sharafta iyo xaqdhawrka mudan, sida aadanimmada iyo “dimqoraayadda” ka baxsan ee loola dhaqmay, tacaddiga ula kaca loogu sameeyey xaquuqdooda iyo sharaftooda iyo ayagoon wali loo caddayn sababta loo loo xirdhay iyo cidda ay u xidhan yihiin, toos ayey uga hor imaanayaan dhammaan qodabada ku xusan Cutubka saddexaad (Chapter Three) ee dastuurka u degsan Dawladda Federalka “Dimqoraadiga” ee Ethiopia gaar ahaan qodabada:
Qaybta 1aad: Xaquuqda Bani Aadannimo : Qodabada 14, 16-21, 24-27
Qaybta 2aad : Xaquuqda Dimqoradinimo : Qodabada 29-33, 37, 40, 4, 43
Xidhaga bidhi-mageydada Beel weynta Hawle Qaasim waxuu ka mid yahay xad gudubyada arxan la’aanta ah, tacaddiyo fool xun ee uu joogto ugu wax-yeelleeleeyaan madaxda “Ismaamulka Soomalida Ethiopia”, hormuudna uu ka yahay Madaxweynaha “Kiliilka 5aad” iyo kuwa uu ku adeegto ay haybta la wadaaga. Tacaddiyadaana waxaa ka mid ah:
- Beesha Hawle in qori caariddi looga kala daadiyey shirweyne ay uga wada tashan lahaayeen horumarinta beesha dhinaca dhaqaalaha, shaqada iyo tacliinta ayagoo faxas ka haystay jihooyinka ay khuseysey in shirkaa qabsadaan, dawladduna u diyaarisay goobtii ay ku shiri lahaayeen.
- Qurbajoogtoodii shirkaa ka soo qayb gashay, una yimid “dalka Ethiopia”, gaar ahaan degaanka Soomaalida in ay maalgalin ku sameeyaan, madaxweynaha Kaliilka 5aad oo ay America ku kulmeena u ballan qaaday soo dhaweyn iyo in uu taageero kana soo qayb galo shirkooda, lagu weeraray hoteeladii ay degganaayeen, qaar ka mid ahna loo masaafuriyey Somaliland ayagoo sharci Ethiopian haysta – dhacdadani waxay dhacday markii cabbdi Iley ka soo laabtay safar uu ku tegey Maraykanka, gaar ahaan Minnesota oo uu qurbajoogta u sheegay in uu soo dhaweynayo in ay maal gashadaan “Kililka 5aad”
- In loo masaafuriyey Somaliland 11 nin ee isugu jira kuwa Jigjiga deggan ee ku dhashay iyo kuwa degaanno kale ee “Ethiopia” ah ka yimid, lana geeyey magaalada Allay Baday ayagoo haysta sharci “Ethiopian ah ee saxa”.
- Dhulka magaalada Jigjiga ku fadhido badidiisa iyo dhul beeraadka magaalada Jigjiga ku hareereysan waxaa badidiisa iska leh ee deggan beesha Hawle, mashaariicda waaweyn ee lagu horumarinayo degaanka sida gagida diyaaradahu ka haadaan ee Jigjiga, dhulka ay ku fadhiyaan Biyaxireenka weyn, dhulka jaamacadda Jigjiga iyo suuqa xoolahu ku fadhiyaan iyo kuwa la mid waxay ahaayeen beero Hawle manaafacaadsado. Markii lagala wareegayeyna lama siin qiimaha beelaha kale “dawladda gobalku” dhulkooda ka siiso.
- Madaxda Gobalka ee si joogto ah u boobta dhulal Hawle ku leeyihiin magaalada Jigjiga gudaheeda. Waxaana u dambeeyey dhul uu boobay madaweyne hadda “Ismaamulka Soomaalida” xukuma Cabdi Illey xilli laga joogo laba sano markaa oo ahaa hoggaanka nabadgalyada gobalka. Dagaal hub la isu adeegsadey ee beesha Hawle iyo bileyska Jigjiga dhex maray ka gadaal ayaa dawladda Federalka Ethiopia soo dhex gashay, maxkamad ayaana dabadeed dhulkaa u xukuntay xubnihii lahaa ee Hawle Qaasim.
Haddaan nahay bulshada guud, Issimada, Cuqaasha, dadweynaha iyo Qurbajoogta Hawle Qaasim ee deggan Ethiopia gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan:
Waxaan cambaareynayaa xadgudubyada beesha Hawle lagula kaco oo dhan.
Waxaan dawladda Ethiopia ka codsanaynaa in shuruud la’aan lagu sii daayo Suldaanka Guud ee beesha weynta Hawle, raalligalin iyo magdhowna “Ismaamalka Soomaalida” ay ka bixiyaan xorriyadooda gardarrada looga xuyuubiyey ayadoo ayan jirin wax ay galabsadeen.
Waxaan marlabaad dalbanaynaa in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo Suldaan Shaqalle Suldaan Cali Dheere, nabaddoon Mukhtaar Mohamed iyo Nabaddoon Amiin Cumar oo xiran laga soo bilaabo February 11, 2011.
La xiriir: freehawlesuldaan@gmail.com
aad iyo aad ayaan uga xumahay xariga Suldaanka guud ee Beesha aan walaaha nahay ee Hawle qaasim oo ah niman Majeerten ah una badan deeganka Jigjiga waxaan si naxariis ah uga codsanayaa madaxwayanahayga mudane cabdi maxmud cumar in uu si bilaa shuruud ah u sii daayo suldaanka oo aan wax dhib ah gaysan ogaantayo.
runtii mudane cabdi maxmed cumar waan u han waynaa in uu deegaanka DDS Ethiopia uu wax badan ka qabanayo.. taasna ilaa maanta waan aaminsanahay lakin suldaanka fadlan siidaaya waa Nin dhaqan ma geeyo xarig iyo jujuub.
mudane madaxwayne waxaan kaa rajaynayaa in aad arintaas naga aqbasho
ANIGA OO U DHASHAY BEESHA DHULBAHANTE, KILIKA :5 , ARINTAASI WAA MID AAN AAD IYO AAD AAN OGAXUMAADAY, LAAKIIN WAXAAN RAJAYNAYAA IN DIB LAYSKUGU LAABTO OO LA FIIRIYO ARIMO BADAN . DADKU WAA GAC, DHAMAAN , LAAKIIN MA BANAANAYAY IN LA XIRO DAD KAYAGA QAYBNA LA MASAAFURIYO .
Waxaa nasiibdara ah in wali , lagu adadagyahay xidhitaan koodii , aritaasina waa mid ayna lasocon dawlada heerfideral ee Itoobiya , taasina waa balan in lagaarsiiyo iyo caalamka oo dhan , sababtoo ah muhiimadeeda bay leedahay.
Waxaa beenoobay balan qaadkii Cabdi Illey iyo dhamaan hogaanka kililka oo ku guuldaraystay siyaasada wajahnayd mustaqbalka sooomaalida Itoobiya .
Anaga oo lakaashanayna beesha caalamka iyo dawlada fedaraalka ee itoobiya waxaan qaadaynaa talaabooyin horle .
Markii habeen badh ay ciidan isugu jira Soomaali iyo Xabashi ay gurigii aanu deganayn oo kuyaalla badhtamaha magaalada Godey nalagu soo weeraray xabadda oodda nalagaga qaaday oo Aabahay iyo walaalkay ay halkii ku dhinteen gabadhayadana lugta xabadi kagaga dhacday laba cali isma ayna waydiinin reerka masaakiinta ah maxaa loo sheegtay. Mana ihin cid qariib ku ah Godey ee reerkayagu wuxuu ka dhashay dadka deegaankaas baadiyihiisa dega.
Maalintaas ayaa noogu danbaysay gurigayagii beertii iyo xoolihiiba. anagay nagu dhacday Qabridaharbay ka dhacday Dhagaxbuur bay kadhacday Wardheer bay ka dhacday adigay kugu dhacday waa mid kulligeen ina wada haysata beeshii uu doono ha ku dhacdee. Maxaynu taransan karra? maxaynu qabsan karaa? Geed aad laamihiisa yar yar rifaysaa bixid maddaaayo, runtu waa khadhaadh e wadankeena maalintii la qabsaday ayaa inoogu danbaysay xorriyad. Mana heli doono inta xaal sidan yahay.
ANIGOO KA DHASHEY BEESHA HAWLE QAASIM OO DAGAN CANADA WAXAN AAD UGA XUMAHEY SIDA FOOSHA XUNLE OO UU NOLADHAQMEY MADAXWEYNAHA KILIKA SHANAAD TAAS OO AH MID QILAAFSAN XUQUUQUL INSAANKA MANA AHAN MID WANAGSAN TAAS WAXANSE RAYI AHAAN ODHAN LAHAA MADAX WEYNAHA ULADHAQAN DADKA AAD MADAXDA UTAHEY SI SINAAN IYO CADAALAD AH WABILAAHI TOWFIIQ