Qalinka Abukar Albadri, Stockholm
Sebenkan xumaha mooyee samaha laga caagay, nin wax isbidey oo dhamina ku faano xumaha uu geystay, dhagar uu galay iyo dhibaateynta bulshada, dadkuna u kala baxay ku la dilay, ku la barakiciyey, ku naftiisa la caray ee Yurub iska dhiibay, ku dilka iyo dhaca shacabka dantiisa ka goobay, ku badaha sun ku shuba iyo ku maraakiibta ka soo qabsada, weli waxay bulshadu leedahay samafalayaal u taagan u samafallida inta dhiban.
Dadkani waa shaqsiyaad caadi ah. Looma igman wax xil ah. Waana kuwo iyaga uun is adeejiyey oo gurmadka shacabka ka tahay niyadsami. Waxay u bareeraan in xitaa loo dhibaateeyo samaha ay falayaan dartiis. Mar walba waxay u taagan yihiin si aysan bulshada ugu cidleyn dhibaatada ay ku hayaan siyaasiinta iyo wadaadada dugaagoobay ee dhiiga shacabka u udgo.
Samafalayaashani waa soocanayaal, ilaah ayaa dirkood u sameeyey samafalka, mana ahan wax ay iska keen keeneen. Waa hibo ku abuuran. Mid is diray mooyee mid la diray kuma jiro. Samafalka ay hayaanna qof sifeeyey mooyee qof saluugay lama arag. Qaarkood dhibaato ayay kala kulmaan mooryaanta aan waxba xil dhawrin ee isugu jirta tan dagaal oogayaa beelaha iyo ma liibaanayaasha ay ku adeegtaan wadaadada magaca jihaadka xilka ku goobaya.
Uma fududa qof walba inuu sidooda oo kale ugu dhabar adeygo u adeegidda bulshada. Waa hawl u baahan hibo eebe. Aniga sabab aan u doorbiday baa jirta inaan wax ka qoro. Qormo qeyb ka ah silsilad qormooyin ah oo aan u bixiyey Silsiladda Qalindaar ayay iiga soo dhex baxday inaan samafalayaashan qalinka dul saaro oo wax uun ka iraahdo. Waayo waxaan dadka Soomaalida ah u qeybiyey afar qeybood oo kala ah:
- 1. Samafalayaasha waqtiga
- 2. Nacasada waqtiga:
- 3. Dhibanayaasha waqiga:
- 4. Iyo dhagar qabayaasha waqtiga
Qeybaha kale waxay ku imaan doonaan qormooyinka taxanaha ku ah Silsiladda Qalindaar. Balse samafalayaashan ayaan haatan ugu horeysiinayaa silsiladdeyda.
Haddii aan samafalayaasha mid mid uga faaleeyo waxa ay ku muteysteen magacan qiimiga badan, waxaan ugu horeyn soo dhifanayaa magacyada sedax hooyo Soomaaliyeed oo bulshada akteeda qiime sare ku leh siyaasi yeelkiise.
1. Hibada koowaad ee qalinka waxaan siiyey Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe. Waxaa la oran karaa waa hooyada Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Waa samafalaha ugu weyn seben xumaadkan ee bulshada ay ku hirato. Waxaana loogu hirtaa in akteeda laga helo badbaado iyo samafal.
Dr. Xaawo Cabdi waxay xarunteedii ku taala inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ku heysaa in ka badan 100,000 oo qof oo barakacayaal ah oo Allaah mooyee iyada uun gargaar iyo nolol ka doonaya oo aan ciirsi kale heysan.
Waxayna u qabataa samafal ka kooban dejin, quudin, daweyn iyo ka war qab oo intaba bilaasha ah oo aan wax lacag ah lagaga rabin.
Dadkaasi waa dhibanayaal ay soo barakiciyeen rag ku hardamaya kursi. Kuwo xabashi ayaa barakicisay, kuwa ugu bandanna waxaa barakiciyay wadaaddo dhiigga u udgoon yahay.
Dr. Xaawo ma waayin meel ay aaddo. Waxay leedahay hanta dhuleed aad u weyn oo haddii dadka degan intay tiraahdo iiga guura oo ay iibsato u goysa in ka badan malyuun dollar. Waxayna dunida kaga noolaan kartaa meel nabad ah. Balse nafsaddeeda oo ay u raaxeyso waxay ka doorbiday inay maatida Soomaaliyeed dhibka la wadaagto.
Taasi laguma siideyne waxaa lagula kacaa falal wuxuushnimo ah oo isugu jira handadaad, xarig, jirdil, baad iyo cagajugleyn joogto ah. Waxaana u geysta wadaaddo uu dhiiggu u udgo oo ilmahoodiina ay ka mid yihiin kuwa ay la daalaa dhaceyso.
Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxay baal dahab ah ka gashay taarikhda dadka Soomaaliyeed. Xushmad bulsho oo aad u weyn ayeyna sidaas ku kasbatay, wuxuuna qof walba oo damiir lihi u taagan yahay inuu iyada garab istaago.
Qof walba oo Soomaali ah ama damiir iyo dareen u leh samafallidda wuxuu xushmad sare u hayn doonaa Dr. Xaawa Cabdi, waxayna weligeed ku baaqi ahaan doontaa quluubta ummadda Soomaaliyeed.
2. Samafalaha labaad ee uu Qalinkeyga soo dhiftay waa Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ah wasiiraddii hore ee arrimaha dibbadda Somaliland. Waa dhaqtarad, waa samafale, waana hooyo Soomaaliyeed oo gargaare u ah inta ay dani heyso oo dhan.
Dr. Edna Aadan waxay hawlaha samafalka ka waday Somaliland muddo aad u fog oo ka badan 15 sanadood, waxayna ku guuleysatay inay Hargeysa ka furto Isbitaal weyn oo lagu xanaaneeyo hooyadda iyo dhallaanka. Waa Isbitaalka ugu weyn ee hooyo iyo dhallaan xanaaneeya, uguna wax tarka badan ee u adeegga bulshada ku hadasha afka Soomaaliga.
Dr. Edna isbitaalka markii ay fureysay waxaa jirtay baahi caafimaad oo aad u daran. Dhamaan haweenka waxay ku dhali jireen daruuf aad u adag oo ay halis ugu jireen dhimasho waxaana dhici jirtay inay haween badan bil walba u geeriyoodaan dhibaatoyin ka dhashay foosha oo ku adkaata iyo iyagoo waaya cid u gargaarta oo ka si haboon uga dhalisa ilmaha.
Markii ay Dr. Edna Aadan Isbitaalkeeda weyn ee Edna Hosbital ka furtay Hargeysa waxaa yaraatay dhibaatooyinkii ay la kulmi jireen hooyooyinka, caruurtii dhibaatada ka soo gaari jirtay xilliga dhalmadana sidoo kale. Waxayna ku dadaashay in tababarto haween kalkaalisooyin ah, kuwo umulisooyin ah iyo kuwo dhaqaatiir ah intaba, taas oo haweenka dhalaya iyo kuwa xanuunsan ka caawisay inay helaan dhalid la isku haleyn karo, geeridu waa xaqe, waxay yareysay rafaadkii iyo halistii ay hooyooyinka Soomaaliyeed ku mudanayeen dhalmada.
Haween badan oo rafaadka dhalmada ka qaaday cudurka Fistulaha ee haweenka hoosta ka dhibaateeya ayaa waxay gargaar iyo daweyn wanaagsan ka heleen isbitaalka kaddib markii Dr. Edna ay u keentay dhaqaatiir qaliin u sameysa oo ka daweysa cudurkan oo haween badan raggoodii ka kaxeeyey.
Dr. Edna magaceeda wuxuu haweenka Soomaaliyeed uga dhigan yahay gargaar, waana samafale u taagan daryeelka Hooyadda iyo dhallaanka oo ah kuwa ugu nugul bulshada ee gargaarkooduna loogu baahida badan yahay.
Qof walba oo damiir lehi wuxuu xushmad sare u hayaa Dr. Edna Aadan, waxayna weligeed ku nagaan doontaa quluubta ummadda Soomaaliyeed ee samadoonka ah.
3. Samafalaha seddaxaad ee qalinkeyga soo dhiftay waa Dr. Caasho Geelle Diiriye oo ah wasiiradda haweenka Puntland. Waa samafale u taagan daryeelka Hooyadda iyo dhallaanka, waana gargaare iyo difaace xaquuqda aadamaha.
Caasho Geelle waxaa lagu xasuustaa dadaalkii ay u gashay inay gargaar helaan haweenka ku nool mandiqadda Puntland, gaar ahaana haweenka soo barakacay eek u jira xerooyinka dadka soo barakacay.
Waxaa kaloo lagu xasuustaa sida ay isugu hawsha inay sameyso wasaarad haweenka iyo qoyska gargaarta oo ka mid ah maamulka Puntland taas oo ah wasaaradda la dhihi karo way ugu shaqo badan tahay marka loo eego wax u qabashada bulshada.
Inkastoo Caasho Geelle ay tahay wasiirad maamulka ka tirsan, haddana hawlaha ay qabato oo dhami ma ahan kuwo siyaasadeed oo waa kuwo sama fal ah, waana gabar dadka deegaanka ay u yaqaanaan inay ragga la jaalka ah ee dowladda kala tirsan ka karti badan tahay marka loo eego sida ay bulshada ugu adeegto iyo kalsoonida ay ka heysato dhamaan dadweynaha ku nool mandiqadda.
Caasho Geelle waxay ku guuleysatay inay furto rugo caafimaad oo tiro badan, machad haweenka lagu tababaro oo fayadhawrka ka shaqeeya iyo sanduuq kaalmeeya haweenka gaar ahaanna hooyooyinka ilmahooda korsada ee doonaya inay u shaqeystaan.
Qof walba oo damiir lehi wuxuu xushmad sare u hayaa Dr. Caasho Geelle Diiriye, waxayna weligeed ku nagaan doontaa quluubta ummadda Soomaaliyeed ee samadoonka ah.
Intaas aan kaga dhammaado sedaxda hooyo Soomaaliyeed ee safka hore ka galay samafalka Bulshada Soomaaliyeed ee seben Xumaadkan. Aanan wanaaga ay mudan yihiin ishaariddiisa u deysto qeybta dambe ee qoraalka.
Raggu ramafalayaal way leeyihiin in kastoo aysan hooyooyinka gaarin, balse kuwo waqtigooda u huray ummadda Soomaaliyeed ayaa jira.
4. Samafalaha ugu horeeyo ee xilligan uu qalinkeyga soo dhifanayo waa samafale Cali Muuse Maxamuud Awdiini. Waa samafalaha maamula gaadiidka gurmadka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho ee dadka Soomaaliyeed ee dagaalada Muqdisho ku dhaawacmay iyo kuwa ku geeriyooday ka aruuriya waddooyinka iyo guryahooda.
Cali Muuse waa dhibane ay xireen, si xaasidnimo ahna u jirdileen ciidankii Xabashida ahaa ee dalka qabsaday. Wuxuuna muddo fog ku xirnaa xabsiga dhulka hoostiis ku yaala ee loo yaqaano barista Xisbiga. Markii uu ka soo baxay xabsigaasna wuxuu noqday samafale u adeegga bulshada oo saran Ambalaasta, isla markaasna habeen iyo maalin u soo taagan gargaarida dadka Soomaaliyeed ee ay xasuuqayaan AMISOM, KMG-ka iyo jihaadiyiinta ka horjeeda.
Cali Muuse iyo kooxdiisa ka shaqeysa gaadiidka gurmadka dadweynaha waxay bulshada ugu jiraan kaalintii wasaaradda caafimaadka, waxayna ka shaqeeyaan gurmad u fidinta qofka dhaawacan, asturidda meydadka dadkoodii ka carareen ama aysan ogeyn iyo soo samata bixinta dadka waayeelka ah, curyaamiinta iyo caruurta aan awoodin inay ka qaxaan goobaha uu dagaalka ku qabsado awoodooda nusqaanka ah darteed.
Cali Muuse waa halyey geesi ah, waana daaci diini ah oo ummadda wanaageeda jecel. Wuxuuna doorbiday inuu waqtigiisa ku qaato isagoo gargaaraya dhibayanaasha aan loo damqan ee loo dilayo dano shaqsiyadeed oo ka dhexeeya dagaalyahaniin Afrikaan ah oo wata magaca nabad ilaalin, waa AMISOM, dagaal yahaniin Soomaali iyo Shisheeye ah oo jihad doon ah iyo koox dowlad sheeganeysa oo aan bulshada dhiigeeda damqin.
Qof walba oo damiir lehi wuxuu xushmad sare u hayaa Md. Cali Muuse Maxamuud Awdiini, wuxuuna weligiis ku nagaan doonaa quluubta ummadda Soomaaliyeed ee samadoonka ah.
5. Samafalaha Shanaad ee uu qalinkeyga soo dhifanayo waa Samafale Cabdicasiis Muuse Maaxaay. Waa samafale u gargaara dadka Soomaaliyeed ee xaaladda nololeed ku adkaata ee aan gudaha dalkana ka heli karin samafal ku filan.
Md. Maaxaay wuxuu gargaar u fidiyey boqolaal dad dhibaateysan ah oo dhammaantood dibadda loogu qaaday gargaar uu isaga soo diyaariyey, waxaana ka mid ah dadkaasi la qaaday kuwo xadgudub lagu sameeyey oo ah haween la faraxumeeyey oo hoostooda isku furatay, kuwo dhaawacyo rasaaseed la gaarsiiyey oo jirkoodii kala dhantaalmay misena wax loogu qaban waayey gudaha, kuwo buro intay ku soo baxday noloshoodii oo dhami halis gashay, kuwo isku dhegan oo mataane ku dhashay oo la kala fujinayey iyo kuwo kale oo badan oo cuduro gooni ah qabay oo xaalkooda gudaha Soomaaliya aan waxba lagaga qaban karin.
Maaxaay wuxuu har iyo habeen u wareegaa, una dedaalaa sidii canug ama qof Soomaaliyeed oo dhibaateysan looga soo qaadi lahaa Soomaaliya misena loo geyn lahaa meel wax looga qaban karo si noloshiisa loo badbaadiyo.
Qof walba oo damiir lehi wuxuu xushmad sare u hayaa Md. Cabdicasiis Muuse Maaxaay, wuxuuna weligiis ku nagaan doonaa quluubta ummadda Soomaaliyeed ee samadoonka ah.
6. Samafalaha lixaad ee uu qalinkeygu soo dhifanayo waa samafale geeriyooday isagoo samafalkiisa wada. Waa walaalkeen Marxuum Abshir Nuur Faarax (Bacadle), waan xasuusaneynaa Abshir inta aan noolnahay waayo wuxuu bulshada u dhaafay hibooyinkiisa gaar ahaaneed qeyb ka mid ah oo lagu xusuusan doono.
Abshir Bacaadle wuxuu bulshada uga dhignaa Abwaan, wuxuu ahaa sidoo kale daaci xaqa iyo baadilka ku kala hufa gabayadiisa, balse waxaa intaas u dheeraa inuu ahaa qof gurmad deg deg ah u fidiya dadka Soomaaliyeed ee barakacay kuwooda liita.
Abshir wuxuu isku xir u sameyn jiray bulshada Soomaaliyeed ee samadoonka ah ee dooneysa inay dadka caawiyaan iyo dadka kuwooda nugul ee u baahan gargaar deg deg ah, waxaana lagu xasuustaa sidii wanaagsaneyd ee uu ugu wareegi jiray xerooyinka loo barakacay si uu dadka dhibaateysan u soo eego xaalkooda kaddibna qaylo dhaan ugu sameeyo dadka doonaya inay u kaalmeeyaan dadkaas dhiban Allaah dartiis.
Isagoo weli samafalkii wada ayuu geeriyooda Abshir Bacadle, wuxuuna ummadda ka muteystay ammaan iyo duco, welina waan u duceyneynaa.
Sida Abshir oo kale ayey ummadda Soomaaliyeed oo dhami waxay samafalayaashan seben xumaadka mid walba wanaag ugu heyn doontaa noloshiisa iyo geeridiisa dabadeed.
Qof walba oo damiir lehi wuxuu xushmad sare u hayaa Md. Abshir Nuur Faarax (Bacadle), wuxuuna weligiis ku nagaan doonaa quluubta ummadda Soomaaliyeed ee samadoonka ah.
7. Haatan waxaan ka yara beysayaa shaqsiyaadka, waxaa u beyrayaa dhanka hay’adaha warbaahinta, waxaana soo dhifanayaa shabakadda www.somalitalk.com.
Shabakaddan sabab baa jirta aan u soo dhiftay, waxayna ku muteysatay inaan ku soo darro samafalayaasha sebenxumaadkan bulshada u kacay kaalinta ay ka geysato ilaalinta danaha qaran ee Soomaaliyeed.
www.somalitalk.com waa shabakaddii soo bandhigtay xilligii dhulbadeedka Soomaaliyeed uu halista u galay in laga iibiyo ama si aan lagu baraarugsaneynba ay ku qaadato dowladda Kenya.
Shabakaddu waxay sameysay dadaal weyn oo kiciyey dadka Soomaaliyeed isla markaasna meesha ka saarnay hankii xumaa ee Kenya. Sidoo kale waxay Shabakaddaasi meesha ka saaray hankii xummaa ee Kenya ee ahaa iyadoo ka faa’iideysanaysa saxiixa siyaasi xumayaasha Soomaaliyeed iyo seben xummaadka.
Somalitalk difaacadda xuduud badeedda Soomaaliya iyo baraarujinta shacabka soke, waxay aad isugu hawshaa shabakadani inay xogo dhameystiran ka soo saarto dadkii masuulka ka ahaa sunta haraaga Nukliyeerka ah ee Soomaaliya xeebaheeda lagu shubay taas oo bay’adda dileysa dadkana aafo muddo dheer socota ku rideysa.
Somalitalk waxay ammaan kale ku muteysatay sida ay tooshka dhumucda weyn ugu shiday iibsi la damacsanaa in lagu sameeyo mowqica internet-ka Soomaaliya (.SO domain), waxayna indhaha shacabka ku soo jeedisay dhanka qawleysatada dooneysay inay iibsadaan oo ka iibiyaan shirkad shisheeye.
Sidoo kale ayaa lagu xasuusan doonaa sidii ay bulshada ugu baraarujisay dhulka safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya oo nin safiir ahaa uu gacansade Hindi ah oo dhalasho Kenyaan ah heystay ka siistay sandereerto aad u yar.
8. Dad badan ayaa yaabi doona marka aan liiskan ku soo daro Abwaanka farshaxanka ama sawir-faneedka Soomaaliyeed Amiin Caamir Maxamed. Amin hawshiisa waa iftiimin uu bulshada u ifmiiniyo dhibaatooyinka lagu hayo, sidoo kalena wuxuu hoga tusaaleeyaa qofka Bulshada wax gala iyo kan wax dhiba.
Amiin Arts, waa muraayadda ay Soomaalida iyo dad badan oo caalamka ka mid ah ka dheehdaan waxa ay falayaan, wadaad xumayaasha, Siyaasi ceebeedyada, noloshood saluugayaasha dabka lagu huriyo (dhalinyarada) iyo damiir laawayaasha ka yimid dalalka shisheeye ee xumaantaas kabaya.
Amiin hawshiisa inteeda badani waa diiwaan gelin waxa dhacaya uu diiwan geliyo, cidna uma dirsan, cidna lacag kuma siiyo, mana ahan masuuliyad loo igmaday, waa hawl karti dheeri ah uu kula yimid. Sidaas darteed waa samafal hawsha uu qabto, isagana waa samafale.
9. qofka sagaalaad ee samafalaha aysan bulshada Soomaaliyeed iloobi doonin ahi waa caalimka weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud aw Cabdulle Cariif.
Sheekhu waa daaci, waana samafale, wuxuuna in badan samafalka kala shaqeeyey guddi dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed u adeegayey oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Abshir Bacaadle Allaah ha u naxariistee, Abwaan Maki Xaaji Banaadir iyo Abwaan Cismaan Cabdulaahi Guure.
Dhammaan dadkan aan kor ku soo sheegay waa bulsho soorayaal iskood isugu xilqaamay u samafalidda bulshada, waana dadka maanta wanaagga aan xisaabta laheyni ammaahiyay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Wanaagaas ay na amaahiyeenna waxaa ajir aan xisaab laheyn ka siin doona Allaah SW, waxaana uga abaal gudi doona shacabka Soomaaliyeed marka ay ka gudbaan seben xummaadka oo siyaasi ceebeed iyo wadaad xume ay ka huleelaan masraxa, dad nadiif ahna ay talada qabtaan.
Hadda sababta aan u qorayo qormadan ayaa waxay tahay inaan is weydiino, “Mar haddii ay nooga soo baxeen meel ka weyn meeshii aan ka fileynay, maxay naga mudan yihiin iyagana?” Waa inay dadka Soomaaliyeed dareemaan inay jiraan dad wanaag badan u haya oo ka mid ah iyaga, qaarkood dhibaatooyin ku soo gaaraan u gargaaridda shacabka mar walba. Sidaas darteedna loo baahan yahay inaan abbaalmarino, bilad geesiyaal ah dahab ah la guddoonsiiyo loona sheego inuu shacabka uga abaal hayo wixii ay tareen.
Dhammaantood aniga waxaan u hibeeyey magacan. “Samafalayaasha seben xummaadka” waxaan sidaas u leeyahay sebenka wanaagsani qof walba ayaa samafali kara, waqtiga ayaa wax walba markaas saacidaya, laakiin sebenkan la wada ceeboobay, ummaddiina wax diirta, wax dila, wax darxumadeeda ka adeega iyo dulaaliin mooyee ku wax dejiyaba aanay heyn ayey iyaga noqdeen xidigo, geesiyaal wanaagga ummadda iyo u gargaariddooda gar wadeen ka noqday.
Allaah waxaan uga baryeynaa inuu wanaagga ay sameeyaan wanaag kale ugu bedelo adduun iyo aakhiraba, isla markaasna ubadkooda baariga uga dhigo, bulshadana ka soo saaro kuwo hawsha ay hayaan ka nasiya iyo kuwo iyaga u abaal guda.
Wixii dhaliil ah, ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com
###
Nicole Queen – Muslim Convert
ASC,
Albadri, markhaati ayaan kaaga nahay inuu maqaalkani halbeeg waxa quluubta ku weyn maanta, ducadaad u akhrisay samafalayaasha aamiin ayaan niri.
Waxaad noo iftiimeysay inay jirto himilo lagu baraarujin karo huwanta seben xumaata ku asqowday (xukuumad ku sheeg,
mujaahid habowsan, daneyste, midnimo diide, iyo kuwa kalkaalaba) bal inay ka weecdaan hanka iimeysan ay ismoodaan inayba ku saxanyihiin. laakiin waa aafada iyo hoogga ay nagu hayaaneecvrafaadka seban xumaadka sabab u ah, bilow ay tooban keenaan kuna hanuunaan baahida noogu weyn nooguna muhiimsan inay tahay SAMAFAL iyo gacan siinta samafalayaasha……
1.Inaan joogteyn faafinta ka hadalka mowduucan SAMAFALKA IYO SAMAFALYAASHA, ayna ka qeyb qaataan “mass media” idaacadaha maqal, muuqaal, shabakadaha qoraal fariimaha fanka iyo farshaxanka.
Sidoo kale culimada inay joogteeyaan ka hadalka fadaa,iisha samafalka.
2. Taagero joogto ah la siiyo Samafalayaasha bixinta waqti lagala qeyb qaato hawsha, hanti mood iyo nool samafalka ay hayaan ku aaddan loo huro.
3. Ololeyaal samafaleed ay qaadeen qurbajoogta.
Abukar Albadri, adigana waa in bilad lagu siiyaa, waxaad na dareensiisay in loo baahan yahay in la qiro wax qabadka dadka samafalayaasha.
mahadsanidiin adiga iyo somalitalk. iyo inta samafale ee kale ee aad xustay.