Home » Faallo »

Mogdisho Media House oo soo saartey Xog ururinta Dadweynaha

Somalia: Xaqiiqda Dahsoon –

Hoyga Saxaafadda Muqdisho –

Hoyga Saxaafada Muqdisho (Mogdisho Media  House) oo Waayadaan ku Howlaneyd Xog Ururin ay ugu Magacdartey Somaaliya Xaqiiqda Dahsoon waxayna ka soo saartey Qoraalka Hoose hase yeeshee Agaasimaha Mogdisho Mediya House Cabdulaahi Maxamed Xasan Black oo shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Mogdisho Media House  ayaa Faaf faahin ka bixiyey Xog ururintaas oo uu sheegey in ay ka ururriyeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada ilaa dad gaaraya 1000 qof oo ku kala nool Degmooyinka Gobolka Banaandir ilaa Degmada Afgooye  waxaana dadkaan lagu Wareystey meelo ka baxsan Aqaladooda  wuxuuna sheegey Agaasimaha Mogdisho Media House in sababaha  ay Barnaamijkaan Xog Ururinta u qabteen ay tahay bal in lala socda Xaalada Dhabta ah ee ka jita Soomaaliya wuxuuna ku bilowdey Qoraalkii ay soo saartey Mogdisho Media House

Dunida Maanta waxaa hareer maray xaqiiqda ku aaddan Dagaallada, Colaadaha, Burcad Badeedda, Al- Shabaab, Dowladda KMG iyo  guud ahaan Duruufaha Aasaasiga ah ee ka jira Dalka Soomaaliya xilligan.

Dadweynaha ku nool Muqdisho oo ku sugnaa marxad adag muddo tobannaan sano ah laga soo bilaabo sagaashameeyadii markii dagaallada sokeeye ka dilaaceen dalka ayaa marki ugu horeysay muujiyay aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka iyo duruufaha ugu daran ee soo wajahay dalka xiligan.

Xog ururintaan waxaa hirgeliyay Mogadishu Media House (Hoyga Saxaafadda Muqdisho), waxaana laga sameeyay magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, waxaana la wareystay ilaa 1000 qof, iyadoo wareysiyadu u dhaceen qaab fool ka fool ah, inta badanna waxaa dadkaasi lagu wareystay meel ka baxsan aqalladooda.

1000-ka qof ee la wareystay waxay ka koobnaayeen 500 Haween iyo 500 Rag oo ay da’doodu u dhacaysay 18 -65, dhinaca aqoonta waxay ka koobnaayeen dad aan waxba aqrin ilaa heer tacliin sare, dhaqaalo ahaana qof aan waxba haysan ilaa hantiile la yaqaan,  dhinaca kale waxay isugu jireen dad aan barakicin iyo kuwo barakacay.

Ka qeybgalayaasha ayaa aragtidooda ku muujiyay duruufaha ugu daran ee soo wajahay xilligaan,  bishii Janaayo 2010, dadkii su’aalaha la weydiiyay ayaa 53% waxay sheegeen in baahida iyo nafaqodaridu yihiin duruufaha ugu daran ee soo maray sanadkaas, isla sanadkaa bishii Nofember 2010, isla su’aashaa ayay dadku 49% tilmaameen in baahidu tahay dhibka ugu badan ee soo maray, taasina waxay muujinaysaa in hoos u dhac aad u yar uu ku yimid nafaqo darida ka jirta dalka, dhanka kale boqolkiiba 45 dadki aragtidooda dhiibtay horaanti sanadkaan ayaa sidoo kale cabiray in shaqo la’aantu tahay duruufaha ugu daran ee iyaga soo wajahay.

43% ayaa dadkii la waraystay sheegeen in duruufta ugu daran ee ay la kulmeen tahay colaadaha iyo rabashada hareeyay dalka, isla arintaan ayay 26% dadki aragtidooda dhiibtay bishi November 2010  ku muujiyeen. Duruufaha amniga, musuqa,  waxbarasho la’aanta,  korontada, sicir bararka lacagta iyo raashinka ayay sidoo kale dadku dul dhigeen dareen aad u sareeya.

Xog ururinta aragtida dadweynaha ayaa sidoo kale dadku ku muujiyeen saameynta colaadaha aafeeyay dalka, jawaab bixiyayaasha ayaa la weydiiyay saameynta gaarka ah ee dagaallada ka socda dalka ay ku yeesheen, boqolkiiba 56% dumarki ka qeybqaatay ayaa sheegay in ay ku waayeen asxaab iyo qaraabo ay lahaayeen, halka 59% ragga ka qeybgalay weydiimahaan sheegeen in ay asxaab iyo qaraabo ku waayeen, taasoo muujineysa baaxadda waxyeellada baahsan ee shacabka ka soo gaartay colaadaha iyo rabshadaha ka socda dalka.

Tiro kale oo aad u badan ayaa iyaguna aragtidooda ku cabiray waxyeelada soo gaartay, boqolkiiba 38% dumarka iyo 36% ragga aragtidooda dhiibtay ayaa sheegay in eheladoodi dalka ka qaxeen, halka  tiro kalana oo aan yarayn  sheegteen barakac, kufsi  iyo dhaawacyo soo gaaray.

Ka qeybgalayaasha xog ururinta ayaa sidoo kale muujiyay mowfiqkooda ku aaddan colaadaha iyo rabshadaha dalka ka socda, boqolkiiba 82% ka mid dadka aragtidooda ka dhiibtay xog ururintan ayaa sheegay in dhiibaateynta qof kasta oo Soomaali ah ay tahay mid aan la aqbali karin, halka boqolkiiba 70% ay sidoo kale muujiyeen in tahay arin aan la aqbali karin dhibaateynta qof kasta oo soomaali ah xitaa hadii uu siyaasad ahaan kaa aragti duwan yahay,  jawaab bixiyayaasha ayaa sidoo kale muujiyay in aan dagaal aan lagu gaari karin hadaf siyaasadeed, waxayna quus ka muujiyeen gacanta ay ka geysan karaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha dalka ka socda.

Sanado badan oo dowlad la’aan ah kaddib ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed muujiyeen aragtidooda ku aaddan qaabka loo gaari karo dowladnimo, boqolkiiba 74% ra’yi ururinti la sameeyay ayay dadkii aragtidooda dhiibtay muujiyeen in xalka lagu gaari karo qaab nabadeed, halka boqolkiiba 62% ay muujiyeen in ay aaminsan yihiin in awoodda dalka lagu wadaago hab qabiil iyagoo sidoo kale sheegay in ay tahay waajib saaran Soomaalida in ay taageeraan dowladda Soomaaliyeed, taasoo muujineysa in rajada iyo dareenka dadweynaha ee ku aaddan taageerada dowladda KMG ay tahay mid aad uga duwan qaddarka lagu qiyaaso.

Xog ururinta ayaa sidoo kale dadki ka qeybqaatay lagu weydiiyay aragtidooda ku aaddan qolyaha mucaaradka,  boqolkiiba 82% dadki ka qeybqaatay xog ururinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in hab maamulka mucaaradku uu Soomaalida siin karo nolol wanaagsan iyo daryeel, ka qeyb galayaasha ayaa sidoo kale caddeeyay in Soomaalida aysan muhiimad u laheyn inay taageeraan mucaaradka.

Arimaha burcad badeedda Soomaalida oo sanadihi la soo dhaafay cirka isku shareeraysay, xeebaha Soomaaliyana  saameyn adag ku yeeshay, ayay dadkii ra’yigooda dhiibtay boqolkiiba 71% sheegeen inaysan  ilaalin kheyraadka iyo biyaha dalka, iyagoo taas bedelkeeda aaminsan in ay sumcad darro u soo jiideen Soomaalida, boqolkiiba 69% dadki ka qeyb qaatay xog uruurinta ayaa sidoo kale jawaab diidmo ah ka bixiyay in burcad badeeddu dhaqaale ahaan wax ool u yihiin dalka, halka taas bedelkeeda sheegeen in ay dhib ku hayaan ganacsiga gudaha iyo howlaha gargaarka,  boqolkiiba 68% jawaab bixiyaasha ayaa sheegay falalka burcadnimadu aysan waafaqsaneyn shareecada islaamka ayna tahay in la joojiyo.

Dadka aragtidooda dhiibtay ayaa sidoo kale la weydiiyay dhageysigooda idaacadaha Muqdisho, boqolkiiba 54% dadkii ka qeybgalay xog ururintii January ayaa sheegay in ay maalin kasta dhageystaan Radio Muqdisho iyo laanta afka Soomaaliga ee BBCda, halka 48% iyo 46% ay sheegeen in ay dhageystaan Idaacadaha gaarka loo leeyahay ee Shabelle iyo Quraanka kariimka, isla arintaan xog ururinti laga sameeyay dhamaadki sanadka 2010 bishi November ayaa 58% dadkii ka qeybgalay sheegeen in ay maalin kasta dhageystaan Radio Muqdisho, waxaa kaalinta labaad iyo sedaxaad ku jira Shabeele iyo Bar Kulan, halka laanta afka Soomaaliga BBC-du gashay  kaalinta afaraad.

Xog ururinta ku saabsan dhageysiga idaacadaha Muqdisho ayaa muujineysa in dhageystayaashu ka beyreen dhegeysiga idaacadaha hoos yimaada qolyaha mucaaradka ah oo aad u caburiya saxaafadda xorta ah.

Barnaamijka aragtida dadweynaha oo taabanayay dhinacyo kala duwan ayaa sidoo kale dadku ku cabireen aragtida ay ka qabaan hufnaanta hey’adaha dalka marki laga eego wax ka qabashada duruufaha dalka, boqolkiiba 87% jawaab bixiyaasha ayaa dareen wanaagsan dul dhigay hufnaanta ururada bulshada, waxaa xiga qaramada midoobay 75%, dowlada KMG 62% iyo  AMISOM- Africa 58%, halka Boqolkiiba 79% ka mid ah dadki xog uruurinta ka qeyb qaatay ay quus ka muujiyeen qolyaha mucaaradka marka laga eego wax ka qabashada arimaha dalka.

Inta badan jawaab bixiyayaasha ayaa sidoo kale aaminsan in ciidamada AMISOM ay dalka u joogaan nabad ilaalin, halka 31% ay aaminsan yihiin in ay u joogaan difaaca dowladda iyo la dagaalanka mucaaradka.

Cadadka ugu badan dadka aragtidooda dhiibtay ayaa aaminsan in ciidamada AMISOM dalka u joogaan gacan siinta hey’adaha dowlada KMG si loo xasiliyo dalka loona dhiirageliyo wadahadal iyo dib u heshiisiin waarta,  halka tiro kalana ay aaminsan yihiin in ay gacansiiyaan hey’adaha samafalka si loo gaarsiiyo deeqaha dadka dhibaateysan.

Warbixinta xog uruurinta ayaa dadkii ka qeyb galay ku muujiyeen kalsoonidooda ku aadan sharciyada iyo aqoonsida Dowlada KMG ee Somalia, boqolkiiba 87% dadki wareysiga laga qaaday ayaa ku adkeystay sharci ahaanshaha hey’adaha Dowlada KMG ah, halka 88% ay caddeeyeen aqoonsiga ay u hayaan hey’adaha Federalka Soomaaliya.

Xallinta colaadaha ayay inta ugu badan aaminsan yihiin in lagula tacaalo wada hadal iyo isfaham, halka fidinta gargaarka bani’aadamnimo iyo joojinta faragelinta shisheeye ay dad badan aaminsanyihiin in xalka lau gaari karo. Dadka aragtidooda dhiibtay ayaa si baaxad weyn ku muujiyay muhiimada ay dadka soomaaliyeed u leedahay in si xoriyad leh ku doortaan dowladdooda.

Xog ururinta aragtida dadweynaha oo marki ugu horeysay laga sameeyay Muqdisho iyo Afgooye ayaa lagu soo shaac bixiyay dareenka dadweynaha ee ku aaddan xalinta colaadaha, wax qabadka hey’adaha Dowlada KMG, ciidamada AMISOM, beesha caalamka,  bulshada rayidka, burcad badeedda iyo aragtida ay ka qabaan qolyaha mucaaradka.

Mogadisho Media House

Mogadishu

March  5th 2011

###

Aragtida Dadweynaha Muqdisho:  Isbeddel Muuqda !

Xog ururinta ay soo saartay Xarunta Saxaafadda Muqdisho (Muqdisho Media House), waxay daaha ka rogtay isbeddel muuqda oo ku saabsan dareenka iyo fekerka dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Inkastoo Muqdisho aysan  weli cago dhigan oo ay dagaalladii iyo gaajadii weli ka taagan yihiin, haddana dadka ku haray waa dad aan quusan, is dhiibin oo aan baxsan una cararin dibadda dalka, waxay xilli kastaa u taagan yihiin sidii duruufta adag ee ka jirta Muqdisho ula tacaali lahaayeen una abuuri lahaayeen fursado ay ku sii noolaadaan.

Reer Muqdisho sida ka muuqata xog ururinta Muqdisho Media House (MMHouse), wax badan ayaa dareenkoodii iska beddelay, waxaa isbedel ku yimid fikirkooda ku aaddan dowladnimada iyo aragtida ay ka qabeen kooxaha mucaaradka ah oo inta badan ka taliya koonfurta Soomaaliya, sidoo kale waxay dareen cusub ka muujiyeen colaadaha iyo dagaallada dadka iyo dalka la degay.

Warbixinta MMHosue waxay tilmaantay in dadka ra’yigooda dhiibtay ku dhowaad 90% ay rumaysan yihiin sharci ahaaanshaha dowladda KMG ah, iyagoo isla tiradaa mid aan wax badan ka yarayn (75%) ay muujiyeen inay ka soo horjeedaan kooxaha Mucaaradka, sidoo kale cod bixiyeyaashu waxay si buuxda u diideen colaadaha iyo dagaallada iyagoo tilmaamay in xoog iyo xabad midna dan gaar ah lagu gaarayn.

Runtii waa bisayl soo kordhay oo muujinaya in dadku meel kasta oo ay joogaan doonayaan nabad iyo nidaam, sidoo kalena ay ka daaleen colaadda iyo dagaallada, waxaa yaraaday dareenkii qabyaaladda, waxaa gebi ahaanba baaba’ay gardarro isugu hiilintii indho la’aanta ahayd, waxaase indhaha laga qarsan karin inay jirto dhinac aan wanaagsanayn oo bulshada ku soo kordhay taas oo ah in la is aamini waayo, la is bixin waayo oo la kala irdhoobo, taasna waxaa soo kordhiyay kooxaha mucaaradka ee afkaarta diinta ku dooda, waana midda hadda keentay sida ay ila tahay in dadku ay ka uur go’aan  mucaaradka.

Anigoo ka ambaqaadaya xog ururinta Muqdisho Media House, waxaan is leeyahay waa waqti aad ugu habboon in laga faa’iideyso, inta uusan dareenka iminka jiraa uusan baabi’in ama uusan hoos u dhacin. Labo dhinacba waan is leeyahay howshaa ha qabtaan waa kooxda hore waa dowladda KMG ah oo  looga baahan yahay inay ku Baraarugto inay  dadkeedii ay dhibaataysan yihiin, una baahan yihiin samato bixin.

Shacabku ma sugi karo maalmo kale oo ballanqaado aan la fulinayn lagu dhawaaqo, uma dulqaadan karo madax iyagu is haysta, umana adkaysan karo tacadiyada iyo gaajada aan dhamaanayn. Wuxuu  u baahan yahay in dowladdu si dhab ah u adeegsato awoodeeda iyo jiritaankeeda, kana faa’iideysato u heelanaanta bulshada caalamka iyo xoogagga Midowga Afirka ee ku sugan Muqdisho.

Waqtiba idiin ma harin, balse waxaa jira fursado aad ka faa’iideyn kartaan, marka hore waa inaad la timaaddaan masuuliyad iyo damqasho dowladnimo, marka xiga inaad ku fekertaan oo keliya sidii nolosha dadka wax looga bedeli lahaa oo nabad loo dhalin lahaa, loona soo noolayn lahaa adeegyadii bulshada sida waxbarashadii lacag la’anta ahayd, caafimaadkii, amnigii iyo in dadka loo helo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.

Kooxda labaad waa International community-ga   oo taageeradooda mararka qaar is leedahay waa dhalanteed, marka la helna aysan dadweynuhu wax badan ku dheefin, waxaan iyaga oran lahaa dadkii Soomaaliyeed hadii aad ugu talogasheen inaad ciqaabtaan intaan ciqaab ugu filan, haddiise aad u dan lahaydeen inuu isagu is garto oo uu is daba qabto waxna is taro, taasi waa suuroobi la’dahay ee na kala badbaadiya, oo wax na tara, waxaan aaminsanahay in markay noqotaba aan noqon doono dowlad hagaasan oo dadkeeda iyo dalkeedba wax u tarta.

Intaa marka laga soo noqdo fursadda ugu muhiimsan ee ay dadka Soomaaliyeed haystaan waa iyaga laftooda, waa iyaga dadka wax ka bedeli kara masiirkooda, waa iyaga kuwa diidi kara ama ogolaan kara waxa dantooda ah iyo waxa dhibkooda ah, waa dhab I jawiga dalka.

(Muqdisho Media House),


###

Bahuku sidee buu u arkaa Xog Ururinta ay soo Bandhigtey Mogdisho Media House

Afhayeenka Ciidamada Amisom Bahuko ayaa wax laga weydiiyey sida uu arko Xog Ururinta ay soo Bandhigtey Suaalhii la weydiiyey sidaan bay udhaceen

Journalist: sideed u aragtaa xog uruurinta uu sameeya Hoyga Saxaafadda Muqdisho?

Bahuku: Waa hagaag, xog uruurintaan waxey muujineysaa  qaabka dadweynuhu u arkaan arimo kala duwan oo ka dhacay deegaan mucayin ah,  sidaas daraadeed, xog uruurintaan gaarka ah waxaa loo sameeyay  in lagu ogaado sida ay u arkaan soomaalidu waxa ka dhacaya dalkaan, haddii ay ahaan laheyd siyaasad, bulsho  iyo dhaqaale intaba, natiijadiina waa la soo saaray, waxeyna muujineysaa in  guud ahaan soomaalidu ay isku si u arkaan dhamaan arimihi xog uruurinta laga sameeyay, najiijada soo baxdayna waxey meteli kartaa aragtida inta badan ay qabaan soomaalidu, gaar ahaan dadka reer muqdisho.

Journalist: xog ururintu waxay muujisay in dadku ay ka soo horjeedaa colaadaha iyo dagaalada, baahi weyna u qabaan nabadda, bal ka waran arrintaa?

Bahuku: haa, taas waa xaqiiq, amni xumo awgeed dadka degan mqudsho iyo guud ahaan koofurta iyo bartamaha Somalia ma xiriiraan, waxaan xiriir laheyn dad isku qoys ah, sababtuna waxey tahay waxaa dhexyaala kalsooni la’aan, waxaana keenay kalsooni la’aanta amni daro ka timid qolyaha xagjirka ah,  taasoo keentay in qof kasta oo ka mid ah qosyska ama  bulshada uu ka fogaado inuu la wadaago aragtida uu qabo qoyskiisa ama asxaabtiisa. Waxaa dhaca mararka qaar in isku aragti laga noqdo waxyaabo badan laakiin ay adagtahay in la wadaago.

Tusaaale waxaa  noqon kara in xiligaan dadka soomaalida  ay ka qabaan dareen isku mid ah dhinaca baahida waxbarashada, caafimaadka iyo gargaarka bani’aadamnimada laakiin aysan jirin qaab ay u xiriiraan ama isugu gudbiyaan aragtida ay wadaagaan, waana midaas  mushkilado. Hada  fariinta xog uruurintaan waa mid  sahlan oo xaqiiq ah, dadkuna ku ogaanayaan in ay wadaagaan aragtidooda, qof kastana uu ku ogaanayo qofka uu aragtida la wadaago, waxeyna horseedi kartaa in ay ka wada shaqeeyaan waxa ay isku aragtida ka yihiin. Tusaale ahaan; hadii ay dadku ogaadaan in aysan taageerin xagjirta, waxaa imaan kara in ay ka tashadaan talaabada ay u qaadi karaan si wada jir ah qoys ahaan iyo umad ahaan intaba.

Journalist: Inta badan dadka ka qeyb qaatay xog uruurintaan waxey muujiyeen in  Amisom ay dalka u joogto in ay caawiso dowladda KMG iyo shacabka soomaaliyeed? Waa maxay dareenkaada ku aadan aragtidaas?

Bahuku: ma ahan wax lala yaabo in boqolkiiba 60% dadka xog uruurinta ka qeyb qaatay ay aragti wanaagsan ka qabaan Amisom, waxaan isku daynay in aan usheegno dadka muqdisho in aan halkaan u joogno iyaga, waxaan halkaan u joognaa iyaga, waxaan u hurnay nolosheena, waxaan u hurnay farxadeena, waxaan u hurnay in aan kasoo fogaanay dalkeeni iyo qoysaskeeni si aan u caawino walaal baahi noo qaba, in aan caawino dad ku noolaa labaatan sano fowdo iyo dagaal, hub iyo xabado.

Dhaqanka Africa wuxuu yahay, hadii dab qabsado deriskaada  ee aad ku baxdo dabkaas kuna shubto biyo si aad u demiso deriskaas kuma iloobayo waligiis, anagoo ka duuleeyna dareenkaas guud ayay walaalaha reer Uganda iyo Burundi u joogaan halkaan in ay u siiyaan khibradooda walaalahooda maadaama ay wax badan wadaagaan.

Hadii aan dib ugu laabano taariikhda afarti sano ee aan halkaan joognay, xiligi aan halkaan imaanay airport-kaan wuxuu ahaa mid adag, mana aheyn mid u sahlan dadka in ay isticmaalaan sida uu manta yahay oo kale, dekaduna sidaas ayay la mid aheyd, hada waxaan u saamaxnay ganacsatada iyo guud ahaan dadka in ay u isticmaalaan sida ay doonaan dekada iyo airport-ka.

Waxaa kale oo aan abuurnay adeeg kale oo aan marki hore qorshaha noogu jirin laakiin aan u aragnay inuu muhiimad u leeyahay bulshada, marki aan imaanay waxaan sameysanay hospital aan ugu tala galnay askarteena laakiin hada aan ka dhignay mid furan oo dadku imaan karaan si loogu daweeyo, waa yimaadaan dadku si ay u helaan adeeg caafimaad, dhakhaatiirtuna waxey siiyaan adeega caafimaad ee ay u baahanyihiin, waxaan hada siinaa adeeg caafimaad qiyaas ahaan 12,000 ilaa 15000 oo qofood bil kasta,  waxaan bixinaa 100,000 ilaa 200,000 oo litter oo biya ah maalin kasta, waxaan leeyahay dadku indhahooda ayay qabaan, dadku waxey kasoo qulqulayaan waqooyiga muqdisho iyagoo imaanaya koofurta, waxeyna kuu sheegayaan in ay ogsoonyihiin in ay nabad ku helayaan goobaha ay maamusho dowladda KMG iyo Amissom iyagoo taas bedelkeeda kasoo caraya goobaha ay gacanta ku hayaan qolyaha xagjirka ah.

Waxaan leeyahay, dadka waxaan siinay adeeg muuqda oo la taaban karo sida biyaha iyo daawada, laakiin dareenka wanaagsan iyo amniga ee dadweynahu ka qabaan deegaanada dowladda KMG iyo Amissom ay maamusho ayaa dadka ku riixaya in sidaas u codeeyaan, mana ahan wax la joojin karo, waa dareen dabiici ah.

Journalist: Mahadsanid, Mahadsanid
Bahuku: Adigaa Mudan
(Muqdisho Media House),

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Mogdisho Media House oo soo saartey Xog ururinta Dadweynaha "

  1. Toga says:

    Cabdullaahi Black gacanyarayaasha Bahuku miyuu ku biiray?!

    Waligeey fadeexadan oo kale ma arag. Shacabka xamar oo maalin walba madaafiicda lagu garaaco oo cad-cadka u yaala meel walbo ayaa Amisom u arka in ay nabadsugayaal yihiin waa waxaan caqliga galeyn!

    Nimaan xishooneyn waxuu doonuu falaa, Black goow waxaad doonta sheeg.

  2. somali says:

    Waxaa layiri Rati ayaa fooshay markaas ayuu dhalay Doolli (jiir) xog uruurintan saan u sugayay dadku waxay ka dhahaan baa lagu amaanay AMISOM hadana bahuko ayaa wax laga waydiiyey ilaahay baa u maqan umadan meeshaasaxaa ka cad somalia waxaa ka masuul ah bahuko.