Home » Warar »

Malaayiin Lacag iyo Dahab oo laga helay Qalcadihii uu ka cararay Madaxweynahii Tuuniisiya, Bin Cali…

TV-ga Tunisia ayaa soo bandhigay arrin aad looga cajaa’ib oo ah in lacago noocyo kala duwan, dahab iyo maal aad u farabadan in laga helay qalcadihii ay ka carareen Madaxweynahii Tunisia, Bin Cali iyo qoyskiisa.

Waxyaabaha cajiibka badan waxaa ka mid ah in derbiyo loo ekaysiiyey maktabado oo lagu raseeyey Buugaag iyo kutub in gadaashooda ay ku qarsoonaayeen khasnado la ciir-ciiraya lacago aan caqligu qaadan karin, dahab nooc nooc ah, baasabooro iyo maal farabadan oo kala duwan.

Video Hoos ka daawo.

Madaxweynahii Tuuniisiya, Sayn Al-Caabidiin bin Cali (Zine El Abidine Ben Ali) oo dalkaasi xakumayey 23 sano (1987 ilaa 2011) waxa uu dalka ka baxay Janaayo 14, 2011, taas oo kadambaysay kacdoon shacab oo dhacay kaddib markii December 17, 2010 uu dab is-qabadsiiyey nin jidadka/dariiqa wax ku iibsan jirey oo magaciisa la oran jirey Mohamed Bouazizi, kaddib markii wixii uu dariiqa ku iibsanayey iyo alaabtiisii ay xoog uga qaday Minishiibiyada (Dawlada Hoose) isla markaasna ay si aad u xun ula dhaqantay haweenay ka tirsanayd Dawladda Hoose iyo gacan yarayaasheedii. Ninkaasi isagoo arrintaas ka carooday ayuu dabka is qabasiiyey, waxana uu dhaawacii ka soo gaaray dabka u geeriyoodey Janaayo 4, 2011, sidaas ayaa waxaa ku bilowday kacdoon sababay in uu dalka ka cararo Bin Cali.

Hantiga Shacabka oo khasnado lagu xeraystay:

TV-ga Tunisia oo ka warbixinayey hantida ku kaysanayd qalcadihii uu ka cararay Bin Cali ayaa sheegay in lacagta halkaas ku kaysanayd iyo dahabka aan caqligu ogolaankarin, laakiin ku arka indhahiina, ayuu yiri TV-gu.

VIDEO: Khasnado Dahab iyo Lacag ah oo uu ka cararay Bin Cali:

Kacdoonkii Tuunisiya waxaa ku xigey kacdoonkii shacab ee ka dhacay Masar oo socdey 18 maalmood kaas oo sababay in uu xilka iska casilo Maxamed Xusni Mubarak oo dalkaas madaxweyne ka ahaa 30 sano (14 October 1981 – 11 February 2011). Waxaana markaas laga xanibay lacagtii iyo hantidii Mubaarak iyo wiilkiisa u taal bangiyada Swiss, maalka ay qaateen waxaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 1 billion ilaa 5 billion.

Waxaa xigey kacdoon ka dhacay meelo badan oo ka mid ah dalalka Carabta, sida kan hadda ka socda Liibiya, waxaana madaxweynaha Liibiya, Qadaafi iyo wiilashiisa laga xanimay lacagtii u taal dalka Maraykanka. Muammar Qadaafi waxa uu xilka dalkaas inqilaab kula wareegey 1dii September 1969, oo ay ka soo wareegtey 42 sano.

  • Taariikh Xusid Mudan: Qadaafi waxa uu ka mid yahay madaxda weligood dibin daabyada ku wadey Soomaaliya, kana hiiliyey Soomaalida. Dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa Qaddaafi uu si toos ah gacan u siiyey Itoobiya – Dalalkii Itoobiya taageeray 1977 waxaa kamid ahaa Ruushka oo loo aqoon jirey USSR, Liibiya, Cuba oo dagaalkaas lagaga diley in ka badan 2000 kuubaan ah, Woqooyiga Korea, iyo Koonfurta Yemen. Jabkii xilligaas ku dhacay Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in uu hor dhac u ahaa burburkii soo jiitamay ee ku dhacay qarankii Soomaaliya. Markii Itoobiya ay weerartay Soomaaliya (2006) waxaa lagu waramay in Qaddaafi uu maal gashi ku sameeyey Itoobiya. Wasiirkii Arrimaha Dibada Itoobiya waxa uu Liibiya booqday sannadkii 2007 si Qaddaafi uu ugu sharaxo weerarkii ay Itoobiya ku qaaday Soomaaliya. Waxaa xigtey in sannadkii 2008 ay Liibiya maalgashi weyn ku samaysay Itoobiya kaddib markii shirkadda batroolka ee Liibiya ee lagu magacaabo Libya Oil Holding Ltd ay iibsatey 201 goobood oo shidaalka lagu gado oo ku yaal Itooobiya oo ay lahayd Shell Ethiopia, xilligaasi waxay ku beegnayd markii Itoobiyaanku ay Muqdisho shacabka ku xasuuqayeen. Libiya ilaa markii ay dhacday xukuumadii Soomaaliya 1991 waxay Muqdisho usii joogey wakiil ama dublomaasiyiin.

Dalalka kale oo Kacdoonku ka socdo waxaa kamid ah Yemen oo uu madaxweyne ka yahay Cali Cabdalla Saalax oo xilka dalkaas la wareegey 22kii May 1990, oo ay ka soo wareegtey 21 sano. Waxana uu kacdoonka kaddib ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo 2013, laakiin taasi ma joojin kacdoonka.

Kacdoonadan socda ayaa ah kuwa ay shacabku qaati ka soo istaageen Madaxda Carabta oo sanadaha dheer xukunka iska haysta ayagoo malaayiin lacag ah adduunka bangiyadiisa ku xeraysay halka in badan oo shacabkooda ah ay ku nool yihiin nolol adag.

Sawirka hoose waa sawirka Zine Al Cabidin bin Cali oo lagu tuuray qashinka kaddib markii uu dalka ka cararay. AKHRI maqaalka: Dalkiisa dulleeye waxaa u dambeyn aayo-xumada asiibtay Madaxda Carbeed

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.