Home » Warar »

Xarakada Alshabaab oo Fariin Hanjabaad ah u diray Burundi

Waxaa maalmahan isa soo tarayey hanjabaadyo loo jeedinayo wadamada lugta ku leh arrimaha Soomaaliya sida Kenya, Uganda iyo Burundi, waxaana hanjabaaddii ugu dambeysay ka timid amiirka ugu sareeya xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa baaq digniin u diray shacabka reer Burundi kadib markii uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyey ciidamada Burundi laga dhigay, kuwo la dilay, kuwo la dhaawacay iyo kuwo maxaabiis laga dhigay.

“Intay goori goori tahay waa in Dowladdiina ku cadaadisaan in ciidamada Burundi si dhaqsi leh looga saaro Magaalada Muqdisho, waayo kuwa iyaga ka horeeyey oo ka xoog badan ayaa maalin cad isaga cararay Muqdisho” ayuu yiri Abuu Zubeyr oo intaa raaciyey “Mareykanka iyo xulafadiisii ayaa ku jabay Muqdisho, sidoo kale Itoobiya ciidamadeedii ayaa iyana khasaare ka soo gaaray soo gelitaankii Muqdisho, marka waxaan leeyahay shacabka Burundi ka naxa ciidamadiina oo qaarkood maanta maxaabiis ahaan lo ohayo”.

“Burundi iyo Uganda waxay u shaqeeyaan Mareykanka ma ahan in la idinku dan gaaro oo aad dhibaato uu Mareykanku ka cararay aad dhabarka u ridataan” ayuu yiri Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo sheegay in xarakada shabaab ay dagaalka sii wadi doonto tan iyo inta ay ciidamada Shisheeye ka baxayaan Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dagaal qaraar uu dhex maray Ciidamada Burundi iyo kuwa Xarakada Alshabaab, waxaana dagaalkaas ka mid noqonayaa dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo taliska ciidamada Burundi ee jooga Muqdisho ay qirteen in dagaalkasi looga dilay 7 askari halka looga dhaawacay ilaa dhowr iyo toban askari oo qaarkood dhaawacooda shalay loo duuliyey Magaalada Jabuuti kadib markii ay qaaday diyaarad laga leeyahay wadanka Faransiiska.

Dhawaan ayay ahayd markii Afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere uu hanjabaad u diray dowladda Kenya kadib markii uu ku eedeeyey in ay ku lug leedahay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Buulo Xaawo, hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhiga ee Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Kenya aysan wax lug ku laheyn dagaaladaasi, isagoo sheegay in ciidamada Kenya iska difaaci doonaan wax kasta oo kaga yimaada dhinaca Xarakada Alshabaab.

Dhinaca kale ciidamo aad u fara badan oo tababar ugu soo dhamaaday gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta waxay dhoolatus ku sameeyeen magaalada Baydhabo, waxaana dhoolatuskaas daawanayey dadweyne aad u fara badan, iyagoo sheegay in ciidankaasi loo wado aagagga dagaalka ee magaalooyinka Balad-Xaawo iyo Muqdisho oo waayadan ay ka socdeen dagaalo u dhexeeya Dowladda Federaalka oo gacan ka heleysa ciidamada AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.