Home » Warar »

Soomaaliya oo Magan galyo Siyaasadeed Siisay Safiirka Liibiya u fadhiya Muqdisho

Warsaxaafadeed ay ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay in safiirkii Liibiya u fadhiyey Muqdisho in la siiyey magan-galyo siyaasadeed kaddib markii uu iska casilay safiirnimadiisii… Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG Soomaaliya  iyo Safiirka Liibiya u fadhiya dalka Soomaaliya oo baaq wada jir ah u jeediyay shacabka Liibiya

01.03.2011——–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa qaabilaad sharafeed ugu sameeyey safiirka Soomaaliya u fadhiyay Xukuumada Liibiya Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur, kaasoo dhowaantan sheegay inuu xilkiisa iska casilay tan iyo inta uu madaxweynaha ka yahay dalka Liibiya Mucammar Qaddafi kadib rabshadihii dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan baaq u jeediyay shacabka dalka Liibiya isagoo ka codsaday in aysan dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed ee qaxootinimada u miciin biday dalka Liibiya.

“Waxaan baaq u jeedinayaa walaalaheena shacabka Liibiya waxaana ka codsanayaa in aysan dhibaateyn shacabka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed oo qaxootinimada ku jooga dalkooda maadaama dalka Soomaaliya maanta aysan wanaagsaneyn xaaladiisa amni” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ah u xusay in shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya aysan qeyb ka aheyn rabshaddaha, banaanbaxyada iyo siyaasadaha dalka Liibiya  balse ay yihiin oo kaliya shacab xoogsato ah sidaasina loo tixgeliyo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu magangelyo siyaasadeed siiyay safiirka xilkiisa ka degay ee dalka Liibiya Ambassador Ciisa isagoo u balan qaaday in dalka uu joogi karo tan iyo inta uu si xor ah uga baxayo “Dowladda Soomaaliyeed waxay magangelyo siyaasadeed (Political Asylum) siisay Ambassador Ciisa Rabiic oo ah Diblomaasi Liibiyaan ah waxaana damaanad qaadeynaa Amnigiisa, Noloshiisa iyo sharafkiisaba, wuxuuna wadanka joogi karaa tan iyo inta uu ka go’aansado inuu isaga tago” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ka mahadcelinayay qaabilaada diiran ee Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si gaar ahna uga mahadceliyay magacgelyada siyaasadeed ee ay siisay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.

“Waxaan halkan ugu horeyn mahad ballaaran ugu jeedinayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee igu sharfay iina ogolaaday inaan wadankooda ku noolaado, waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa damaanad qaadka la ii sameeyey” ayuu yiri Ambassador Ciisa.

Dhanka kale, Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur wuxuu baaq u jeediyay shacabkiisa reer Liibiya isagoo ugu baaqay in asyan dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, wuxuuna carabka ku dhiftay in Soomaalidu ay Liibiya u joogaan sidii ay u heli lahaayeen magangelyo maadaama dalka Soomaaliya ay ka jiraan nabad darri.

Garaad Salaad Xirsi

Press officer

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Soomaaliya oo Magan galyo Siyaasadeed Siisay Safiirka Liibiya u fadhiya Muqdisho "

  1. asc wwwbr,

    Waa arin wanaagsan arinka ay TFG samaysay, waana mid loo baahnaa in la is marti geliyona waa shay diinta islaamku inagu waajib yeeshay, waxase aan fikir ahaan ku taageersanahay sxbkay Abu-zuhri oo sheegay inay wanaagsan tahay in safiirku si toos ah uga hadlo Jazeera channel si ay fariintu u gaadho dadka reer Libya inay magan geliyaan umadda soomaaliyeed ee ku tabaalaysan halkaa.

    Allaa Mahad Leh,

  2. Muwaadin says:

    MA XUMA!
    Laakiin su’aashu waxay tahay Yaa wax magan galyeynaya ma AMISOM mise Villa Soomaaliya?
    Wax hala sheego laakiin si caqligan yarka ah looga dhaadhicin karo wax noogu sheega…..
    Xitaa haddii nala dhihi lahaa Somali-land ama Puntland ayaa wax magangalyeysay loo qaateen ayay ahaan laheyd, inkastoo iyaga laftigoodu xaalkooda aan ka warqabno.
    Any way kheyr iyo ammaan ayaan kuu rajeynayaa mudane safiir.

  3. Adam Abuzhri says:

    Codsi kusocda Dowlada Somalia
    Assalaamu Alaykum.
    Waxaay igula qurux badnaanlaheyd inuu R/wasaaraha lasoo xariiro qanaad Al-Jazeera si toos ah, oo xitaa aanu soo marin xafiiskooda Xamar, islamarkaasna codsi toos ah ujeediyo shacabka reer Libya inaay badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed ee soo magansaday wadankooda.

    Soomaalida joogta Libya waa intii ka soo badbaaday xabada, tahriibka Saxaraha Sudan iyo Libya, iyo kooxaha burcadka gudaha Libya ee dadka iibsada.
    Ugu yaraan, R/wasaaraha waa inuu amra safiirka Doha inuu baaq kajeediyo Al-Jazeera isagoo matalaya dowlada Somalia. Aniga shakhsiyan, waxaan fariin usii mariyey nin halkan nala jooga oo kuxiran qolooyinka dowlada kasoo horjeeda.
    Sidoo kale, waxaan kacodsanlahaa iclaanka Somalida sida Somalitalk inaay arintaan laga diyaariyo qoraalo, sawiro iyo telephona lagala xariiro dadkan.
    Haddii aan Somali Airline loo dirikarin(sida ay dowlada badan sameeyeen) oo aan dib loogu soo daad guraynkarin dalkoodii hooyo, ugu yaraan waa in laqaadaa tilaabo kasta oo shacabkaas lagu badbaadinkaro!
    Waa in lamuujiya Soomaanimo!
    Waan ogahay inaan gacanteena kudilno in kabadan inta hada kuxaniban Libya laakinse taasi marmarsiiyo ma’ahan!