Wafti uu hoggaaminayo Dr Faroole ayaa gaarey dalka Talyaaniga, safarkaas ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland oo u qoraa sidan:
Halkan ka Daawo Sawirada Booqashada Roma
PRESS RELEASE
February 28, 2011
Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Italy
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maalintii Isniintii booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Roma ee caasimadda dalka Italy.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa gediga dayuuradaha magaaladaasi ku soo dhaweeyey Masāuuliyiin ka socda Safaarada Somalida ee dalka Italy uuna horboodaayay Amb. Nur Xasan Xuseen (Nur Cadde) oo ah Safiirka Somalia u jooga Italy iyo Belgium, waxaana wehlinayay Madaxa soo dhaweynta Safaaradda Somalia ee Italy, Md. Aweys Abukar Aweys.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Maamul-Wanaaga Md. Maxamad Farax Ciise (Gaashaan) iyo Wasiiru-dowlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.
Wafdiga Dowladda Puntland ayaa kulamo muhiim ah kula balansan Masāuuliyiin kala gedisan oo ka socda Dowladda Italy, sida Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Baarlamaanka Italy.
Dhanka kale, Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muddo todobaad ah joogay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Masāuuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Ethiopia iyo Safiirka Somalia ee dalka Ethiopia, Md. Siciid Yusuf Nur, ayaa ka mid ahaa Masāuuliyiintii soo dhaweeyey wafdiga.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo la yeeshay Masāuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Ethiopia uuna horkacayay Raiāsul Wasaaraha Meles Zenawi.
Arrimo badan ayay labada dhinac ka wada hadleen, sida xoojinta iskaashiga amniga, ganacsiga iyo siyaasadda ee labada dhinac, iyadoo Dowladda Puntland ay mowqif cad ka istaagtay daandaansiga iyo gardarradda uu ka wado qeybo ka mid ah Gobolladda Puntland gaar ahaan deegaanka Buuhoodle maamulka la magacbaxay Somaliland.
Sidoo kale, Wafdiga Puntland ayaa qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka (USA) u qaabilsan arrimaha Somalia, Amb. John Yates, iyadoo arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen taageeridda Maraykanka ee gobollada nabdoon ee Somalia iyo weliba dhamaadka xilliga Xukummadda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka KMG (TFG).
Safiir-ku-xigeenka dalka Ingriiska (UK) u jooga dalka Ethiopia, Amb. John Marshall, ayaa booqasho ugu yimid Wafdiga Puntland iyadoo arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahayd cambaarayn ay Dowladda Puntland usoo jeedisay daandaansiga iyo gardaradda maamulka la magacbaxay Somaliland uu ka wado mandaqada.
Sawirka Bidix: Nuur Cadde iyo Faroole
Halkan ka Daawo Sawirada Booqashada Roma
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.