Home » Warar »

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo ka Jawaabey Hadalkii Hanjabaada ee ka soo yeerey Xarakada Al-Shabaab

Kacdoon looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya eeku sugan Mandheera oo halkaa Bilaaban raba

Iyadoo afhayeenka Xarakada ALShabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere uu digniin kulul u direy Dowladda Kenya ka dib markii uu sheegey in ay lug yeelatey Dagaalada ka soo cusboonaadey Degmada Buulo Xaawo islamarkaana Ciidamo lagu soo tababarey xerooyin ku yaal Dalka Kenya ay ka qayb qaadanayaan dagaalada haatan ka jira Magaalooyinka Buulo Xaawo iyo Degmada Mandheere ayaa waxaa hadalka ka soo yeerey Xarakada  Al Shabaab waxaa ka jawaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Kenya Mudane Maxamed Yuusuf Xaaji oo sheegey in Dowladda Kenya ay iska daafici doonta cid kasta oo ku soo xad gudubta Dalka  Kenya

Mudane Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa yiri” Hadalka ka oo yeerey Xarakada Alshabaab waa mid aan laga fiirsan oo si wanaagsan looga baaraandigin waxayna ciidamadeena diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Cidkasta oo ku soo xadgudubta Dhulka Kenya ”wuxuu sii raaciyey “wax lug ah kuma lehin Xiisadaha Colaadeed ee ka jira xuduuda Kenya ay la leedahay dalka soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Kenya ayaa shegey   in dagaalka ka jira Degmada Buulo Xaawo uu saameyn ku yeeshey dadka reer Kenya ee ku nool Magaalada Mandheere isagoo sheegey in dagaalkaas uu sababey in dad fara badan ay ka qaxaan degmada Mandheere wuxuu kaloo uu sheegey in  Ciidamo fara badan oo ka socda dalka Kenya ay u direen Xuduuda ay Kenya ay la wadaagto dalka Soomaaliya

“Ma dooneyno in aan ku lu yeelano dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya Gaar ahaan kuwa haatan ka taagan Degmooyin Buulo Xaawo iyo Mandheere hase yeeshee Ciidamada waxay diyaar u yihiin in difaacaan Dalkooda “  ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mandheere waxay sheegayaan in dadka ku nool degmadaasi ay aad uga caroodeen Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ka sameystey Degmada Mandheera waxayna dadka ka codsadeen Dowladda Kenya in ay Degmada Mandheera  laga saaro Ciidamada Itoobiya warar waxay intaa ku darayaan in laga yaabo shacabka ku nool Degmada Mandheere ay sameeyaan Kacdoon looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya ee soo galey degaanka Mandheera  sidoo kale Masuuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ayaa Waraaq Ashatako ah u direen  Masuuliyiinta sare ee Dalka Kenya oo ay ka codsanayaan in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Magaalada Mandheere ka dib markii ay xirmeen Dugsiyadii Waxbarashada ,Bankigii iyo Xarumo kale oo Dowladeed oo ku yaal Magaalada Mandheera

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.