Home » Warar »

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo kafurmey dalka Ghana.

Monday 28 February, 2011. Star FM. Nairobi, Kenya.

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka furmey magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana.

Shirkan ayaa waxaa looga gol leeyahay taageeridda hawlaha ururka Midowga Africa ee kasocda Soomaaliya, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa ciidamada halkaasi jooga. Shirkan waxaa isku soo duwey ururka Midowga Africa, gaar ahaan AMISOM.

Shirka waxaa furey madaxweynaha dalka Ghana John Evans Atta Mills, isagoo sheegay in Soomaalida loo qabtey 13 shir iyo in kabadan laguna fashimey, taasi macnaheeduna ayan aheyn in arrimaha Soomaaliya laga jiiftey.

Sidoo kale, shirkan ayaa taageero buuxda loogu muujiyey shirkii dibu heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtey dalka Djibouti bilawgii sanadkii 2009-kii, kaasoo lagu heshiisiiyey garab yaddii Asmara iyo Djibouti, halkaasoo lagu unkey dowladda KMG Soomaaliya ee haatan shaqeysa.

Aggaasimaha guud ee iddaacada Star FM Mohamed Hassan oo aan khadka taleefanka ku wareysaney isagoo kusugan goobta shirka uu ka socdo ayaa waxa uu sheegay in shirka ay kasoo qeyb galeen madax fara badan, oo uu kamid yahay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Africa Soomaaliya Jerry John Rawlings, iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda iyo isdhexgalka gobolka Alhaji Muhammad Mumuni, iyo sidoo kale madax kaloo fara badan.

Dhanka dowladda Soomaaliya waxaa matalayey guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna halkaasi ka akhriyey khudbad dheer, taasoo taabaneysay dhinacyo fara badan oo khuseeya Soomaaliya, wuxuuna tilmaamey in dalku uu xaalad addag marayo loona baahan yahay taageerada Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Africa.

Shariif Xasan oo hadalka sii wata ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya wax loo qabtey, haddane wuxuu ku celiyey sida madaxda kale ee dowlada ay sheegaanba in heerkii la rabey aysan gaarsiisneyn taagerada loo fidiyey Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana lagu wadaa iney go’aamo kasoo baxaan.

WebMaster Said Hassan Anteno.
E-Mail: – saidanteno@hotmail.com
Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.