Home » Warar »

Prof Najiib: Ardeydu Waxay u Baahan yihiin Dhiirigelin maadaama ay wax ku bartaan Daruufo adag

Gudoomiyaha Jaamacadda Hope Hargeysa ahna Wakiilka Jaamacada Kampala Somaliland oo Muqdisho soo gaarey –

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta Horumarinta Haweenka SOCWE ee Muqdisho , kaasoo ay ka qeybgaleen qaar ka tirsan ardayda waxbarashada Aqoon-darsadka sare ee Master-ka ka wada Koofurta Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid dhiiragelin weyn u ah ardada joogta Muqdisha ee duruuftan waxbarasho heer-sare ah ku baranaya, halkaas waxaa hadalo tusaale iyo dhiiragelinba leh ka soo jeediyey Prof. Najiib Sheikh Cabdikariim, tilmaameyna faa’iidada ay leedahay guud ahaan aqoon-darsadka iyo gaar ahaan takhasusaadka laga heli karo Jaamacadda Hope ee uu Guddomiyaha ka yahay iyo Tan Kampala ee uu wakiilka u yahay.

Prof. Najiib wuxuu sharax kooban ka bixiyey Jaamacadda iyo baahidda waxbarasho sare ee ay dalka ka dabooshey guud ahaan iyo Somaliland si gaar ah oo ay Xarunta dhexe ka furan tahay; “Waxay bixisaa Waxbarashada Caafimaadka Guud “Public Health”, Xirfada Sheybaar-ka ” Lab-Technician” oo isugu jirta heer jaamacadeed (Bachelor degree and Post-graduate) iyo Takhasusaadka ay iska kaashadeen.

Wuxuu xusay in degree-ga Master-ka laga diyaarinayo kala yihiin: International Relations & Development Studies oo leh koorsooyin kala duwan, dooran kartana takhasuska aad doonto, taasoo ay raacayaan Communication, Research Methodology iyo hadba koorsada aad qaadanayso.

Waxaa talo soo jeedin ku saabsan sidii ardada Soomaaliyeed uga faa’iideysan lahaayeen fursadan fadhigooda loogu keenay takhasus sare, ka soo jeediyay Mr. Maxamuud Maxamed Ibraahim, oo ka tirsan ardayda hada Masterka ka diyaarinaysa, ishaarayna ahmiyadda ay leedahay helitaanka waxbarasho sare oo Aqoonsi leh iyo sidii loo dardar gelin lahaa dhameystirka qalabka kaabaha ardada aqoondarsadka ku qaadata.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.