Home » Warar »

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Gedo

Khamiis:

Xarakada Alshabaab ayaa Khamiistii soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Ciidanka AMISOM oo ay sheegeen in ay ku qabteen dagaalkii Arbacadii.

Waxaa askarigan lagu soo bandhigay xerada Maslax ee Muqdisho, waxaana arrintaas ka hadlay afhayeenka Al-shabaab Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay in askarta AMISOM ka dhimatay ay tirada ay badan yihiin.

“Maydadkan waxay ahaayeen kuwii lagu dilay dagaalkii shalay qaarkood, sidoo kale waxaan qabanay sarkaalka aad arkaysaa iyo sarkaal kale oo qaba dhaawac culus lana daweynayo, haddii uusan dhimmanna saxaafadda ayaan u soo bandhigaynaa,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

Askarigan ka tirsan AMISOM ee la soo bandhigay ayaa la sheegay in Muqdisho uu yimid bishii Janaayo, kana tirsan yahay AMISOM.

Arbaca: Feb 23, 2011

Iyadoo maalmahan ay dagaalo ka socdeen Magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeya Ciidamada AMISOM oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka iyo Xarakada Shabaab ayaa Arbacadii waxa uu dagaal qaraar ka dhacay jidka warshadaha oo ah midka keliya ee hadda isku xira magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaan la sheegay in ay qaadeen Ciidamada Burundi ee ku sugan kulliyaddii Jaale Siyaad, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd in ay la wareegaan Wasaaraddii Gaashaandhiga oo ah meel aan sidaasi uga fogeyn kulliyaddii Jaale Siyaad.

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinacba waxay kala sheegteen in ay guulooyin ka gaareen dagaalkaasi, Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkii ka dhacay agagaarka wasaaradii Gaashaandhiga, isagoo sheegay in ciidamo badan ka dileen ciidamada Burundi waxa uuna saxaafadda u sheegay in lix askari oo mayd ah ay u soo bandhigi doonaan saxaafadda, sidoo kale waxa uu sheegay in labo askari oo dhaawac lagu qabtay iyana la soo bandhigi doono, waxa uuna sheegay in ay iska difaaceen ciidamadii AMISOM ee soo weeraray ayna haatanna weli ku sugan yihiin fariisimahoodii.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barijiye Bahuuko ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay subaxnimadii Arcada gaareen wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga isagoo sheegay in ay khasaarooyin xoog leh gaarsiiyeen xarakada Alshabaab, isla markaana ciidamadooda ay ku sugan yihiin wasaaradda Gaashaandhiga oo uu ku tilmaamay in ay saldhig weyn u ahayd Xarakada Alshabaab.

Dhanka kale, waxaa dagaalada ka hadlay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxayna qabteen shirar jaraa’id oo kala duwan:

Farmaajo oo Tuute ku lebistey

Hadalkii uu Farmaajo ka yiri dagaaladii Arbacadii Ka Dhegeyso Halkan

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_dagaal.mp3]

Hadalkii uu Sheikh Shariif ka yiri dagaaladda ka dhacay Soomaaliya Ka Dhegeyso Halkan

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/goaan_cilin_shariif.mp3]

Dhanka kale dagaalo qaar ayaa waxay ciidamada Dowladda  Federalka iyo Xarakada Alshabaab ku dhex maray duleedka Magaalada Baladweyne, waxa uuna dagaalka xoogiisu ka dhacay halka lagu magacaabo Ceel Gaal oo 40 Km u jirta Magaalada Baladweyne, waxa uuna sheegay Afhayeenka Xarakada Alshabaab almujaahidiin Sheekh Cali Dheere uu sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen kadibna ciidamadii Dowladda ee isku uruursanayey duleedka Magaalada Baladweyne ay dib ugu celiyeen meelihii ay ka yimaadeen.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda FKMG ee ku sugan gobalka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay gaabiga u saaran yihiin Magaalada Baladweyne, hase yeeshee warar aanu ka helnay dad ku sugan Magaalada Baladweyne waxay sheegeen in dagaalku uu ka dhacay deegaanka Ceel-Gaal ayna weli halkaasi ku sugan yihiin xarakashada Alshabaab.

Arbacadii waxaa sidoo kale dagaal ka dhacay meel ku dhow magaalada Buulo-Xaawo kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka iyo kuwa kale oo lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo lagu magacaabo NEW POLICE, waxyna u soo ruqaansadeen dhinaca degmada Buulo Xaawo iyadoo ciidamada Xarakada Shabaab ay bilaabeen in ay ka hor tagaan ciidamadaasi, waxaana la sheegay in uu dhex mar labada dhinac dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwa, waxaana la sheegay in dagaalku uu weli ka socda duleedka Buulow Xaawo, waxay sanadkii hore markii dagaal ay soo qaadeen ciidamada Dowladda Federaalka ay ku qabsadeen magaalada Buulo-Xaawo hase yeeshee markii dambe  la sheegay in laga saarey.

Galabnimadii Arbacadii waxaa warsaxaafadeed kale soo saaray DFKMG .. HOOS KA AKHRI…


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

##

War Saxaafadeed 015/2011

Ciidanka dowladda oo horumarsammaynaya halka difaaca Al-shabaab sii wiiqmayo

23 February 2011, ciidamada DFKM oo ay taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afrika ayaa horey ugu ruqaansaday hal kiiloomitir maanta iyaga oo gacanta ku dhigay dhismihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga halkaasoo ay xagjiriintu u isticmaalayeen meel ay kasoo qaadaan hawlgallada iyo saadkaba. Waxa kale oo ay ciidanka la wareegeen Warshadda Caanaha.

Sidaa oo ay tahay, waxaa jirayey waxoogaa iska caabin ah oo ka dhacayey agagaarka xerada ciidamada ee Dammaanyo oo kutaal meel u dhaxeysa Gaashaandhigga iyo Warshadda Caanaha.

Dagaalkan isaga ah ayaa la ogaaday in lagu dilay Xasan Iley iyo 13 taliyeyaal kale. Ilaha warkan laga helayo ayaa tibaaxay in xagjiriintu gawracayaan dhaawaca saaxiibadooda degmada Dayniile oo ah xaruntooda weyn ee daafaha Muqdisho, iyaga oo ka meeraysanaya latacaalidda daaweynta caafimaad ee dhaawaca.

Xagjiriintan oo ay shisheeyuhu horbodaan ee caddeystay lasafanaashahooda Usama bin Laadin ayaa indhawaalaba dibugarashadooda israacraaceysay oo ay ugu wacnayd guulaha dagaal ee ay soo hoynayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga AMISOM, oo ay ku jirto qabsashadii laga qabsaday godadkii dhulka hoostiisa ahaa ee ay qorsheeyeen inay magaalada kusoo dhexgalaan.

Laga soo billaabo April 2010, Xoogagga DFKM iyo AMISOM ayaa si tartiib-tartiib usii fidinayay magaalada meelaha ay gacanta dowladda kuhayso, sidaasaana lagula wareegay goobo badan oo ay xagjiriintu ku dhibaateyn jireen shacabka.

in kudhaw 70% caasimadda oo ay ku jiraan xarumaha dadweynaha intooda badan ayaa gacanta ugu jira dowladda imanka. Xagjiriintu waxay haystaan goobo aan muhiimad sidaa usii lahayn oo intooda badan ku yaala waqooyi bari ee magaalada oo ay dadka intooda badan isaga soo huleeleen iyaga oo ka baxsanaya dagaalada ay hurinayaan iyo amarkutaagleyntooda bahalnimada ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiim Mohamud Xaji ayaa yiri

“Horumarka maanta la sammeeyey waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay diburiixid looga gol-leeyahay in xagjiriinta laga fogeeyo goobaha shacabka ku badanyahay ee magaalada, si looga fujiyo liijaanka argagaxiso ee ay shacabka ku hayaan”.

Guushan iyada ah ayaa ku timi kadib kolkii dhawaanahan lasoo kordhinayey tirada ciidamada AMISOM iyo dowladdaba ee magaalada Muqdisho islamarkaana la arki karo sida loogu guuleysan karo himilada haddii loo helo agabka iyo dhaqaalaha muhiimka u ah meel marinta hawshan iyada ah.

Dhammaad

ISHA: DFKMG

Madaxweynaha DFKMG oo dib ugu celiyey go’aankii Baarlamaanka ee xil kordhisashada ahaa

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Gedo "

  1. Runta sheeg says:

    Waxay u aamuseen waxay sheegaan ayaysan haynin awalba waxay sheegi jireen been ayadiina run baa ka danbaysay
    Midda labaad dharka askata waxay u xirteen waxay moodayaan xarago oo sida dhiiga dadkooda aay ugu faanaan ayay dharka askartana xarago umoodaan.
    Dawlada taagta daran awood ahaan kaliya uma taag darnee xataa dhanka caqiidada, aqoonta, wadaniyada iyo maskaxda intaba waa ka taak daranyihiin.

  2. Ordaaye says:

    Waxaan la yaabay sababta saaxiibo badan oo ka jawaabi jiray qoraalada ay uga aamuseen warkan. Waxaan is iri malaha ma mudna in loo jawaabo ayay saaxibayday is yiraahdeen.

    War jacayl dartii hal ama labo eray waa mudan yihiin nimankaan aan askarta ahayn ee dharka askarta qaba in la dhaho.

    Ninka la yiraahdo Karazai muddo aad u dheer ayuu ku qanacsan yahay inuu yahay madaxwayne oo uu Maraykanku ku ilaaliyaa Kaabul siad ay Amisom idiin ilaaliso laakiin marna ma aanan arkin isagoo qaba dhar askareed.

    Hadaan idin waydiiyo maxaad u malaynaysaan inay sabab u tahay? Jawaabta saaxiibayd ayaan u daynayaa…..

    Karazai weligii kama aamusin inuu cambaareeyo weerarada shacabka ee marayknku iyo xulufadiisu ay sameeyaan, Maxaad adinku ugu faantaan dilka iyo madfacaynta shacabkiina? Inta aadan jawaabin, la soco Dhaalibaan waxay ka dagaalantaa Kaabuul iyo magaaloyinka dhexdooda.

    Magac kastoo aad u ku tilmaanto kuwa idinka soo horjeeda, adinka dunida waxay idiin taqaanaa dawladda tabarta darran ee hal Km joogta, dood hadaad ka qabto i soo waydii cadayn.