Home » Warar »

DFKMG oo cambaareysay dilkii ay burcad badeeddu u geysteen la-haystayaal Maraykan ah

DFKMG ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay dilkii loo geystey afar qof oo Maraykan ah oo burcad badeed qafaasheen doontii ay wateen, warsaxaafadeedka waxa uu u qoraa sidan:

War Saxaafadeed 013/2011

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay dilkii ay burcad badeeddu u geysteen la-haystayaal

(Muqdisho – 22 Febraayo, 2011) Xukuumadda Federaalka Ku-Meel-Gaarka (KMG) ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay geeridii ku timid afar qof oo Mareykan ah oo ay burcad badeed Soomaali ahi dhowaan ka afduubteen xeebta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri:

“Aad baan uga murugoonay warka ku saabsan dilka. Waxaan u tacsiyeyneynaa qoysaskii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen.

“Wana cambaareyneynaa falkan iyo dhammaan kuwa ay geysanayaan burcad badeedda ka howlgasha xeebaheena, waxaana hubin doonaa in burcad badeedda la qabtay la horkeeno caddaaladda.

“Waa fal xun inay raggani afduubtaan doonta, waana ceeb inay haddana dilaan la-haystayaasha aan waxba galabsan.

“Burcad badeeddu ma matalaan shacabka Soomaaliyeed. Soomaalida dal iyo dibedba waxay ka xumaadeen dambigan foosha xun.

isha: Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.