Home » Warar »

Maalinta Afka Hooyo oo Laga Xusey Dalka jabuuti

Manaasabad lagu xusayo Maalinta Afka Hooyo oo ay iska kaashadeen Ururka Qalinleyda iyo Hal-abuurka    Somali Speaking  Pen ee dalka Jabuuti iyo Ururka Haweenka Qaranka ee Dalka Jabuuti U.N.F.D  ayaa lagu qabtey xarunta Somali Speaking Pen ee dalka Jabuuti 21/02/2011.

Munaasabadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha KMG ee Ururka Qalinleyda iyo Hal-abuurka Somali Speaking Pen ee dalka Jabuuti Qoraa Cabdalla Xaaji Cabdi, Xog-hayaha guud ee Urur Haweenka Qaranka Dalka Marwo Xildhibaanad Degmo Maxamed Isaaq, Jaamac Muuse Miicaad oo ka mid ah odayaasha taariikh dhaqameedka dalka Jabuuti, Hobol Aadan Faarax Samatar iyo  Cabdiqaadir Iimaan.

Dhamaan xubnaha iyo mas’uuliyiinta meesha ka hadashey ayaa waxay si guud iyo si gaar gaar ah ugu dheeraadeen baahida ay u qabaan shacabka dalka jabuuti, in Afafkooda iyo dhaqankooda la gaarsiiyo meel sare, islamarkaana lagu dadaalo sidii loo adkeyn lahaa jiritaanka dhaqan iyo A fee ay leeyihiin, taasoo la tilmaamey in ay soo dhex galeen Aafaf kale oo qalaad

Aadan Faarax Samatar oo ka mid ah Hobolada dalka Jabuuti oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley waxaa uu yiri “Afku waa ina Hooyo, qiimaha hooyana Rasuulka SCW ayaa amaaney oo waa tii uu yiri hooyo abaalkeeda lama gudikaro, sidaas darteed Hooyo waa Hoyga Nolosha, waa hoyga Ummadda, waa Hoyga Afka, intaba ilaah baa ka dhigey oo wey tahay, waxa aan maanta u fadhino waa Afka, isagana waxaa dadka bara Hooyo, waana macallinka koowaad Hooyadu, Afkuna waa kan Ummaddi isku Af-garato oo aduunyada lagu shaqeeyo oo la isku fahmo, qolowaliba aduunyadu afkeeda ayey karaameysaa, sababtoo ah, danaheeda ayaa ku xiran, mar haddii Afkeena Hooyo danteena ay ku xiran tahay waa in aan karaameyno, waxaan uga dan leeyahay, waxaan cizeynaa afafka kale, keena xagga dambe ayaan dhignaa, sidaas darteed Somali Pen waxay ku dadaaleysaa inuu hirgalo, si uusan u noqon mid sii baaba’a, waana dhaxal reeb, marka ninka tiisa daryeelaa, walaallkiisana tirshee, markaa Afafka shisheeye kaasho, inta kaa liidatana wax bar oo wax tar”.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley Cabdiqaadir Iimaan, waxaa uuna diirada saaraya wax-barashadda Afka Hooyo iyo sida loo hormarin karo “waxaa xaqiiq jirta ah oo la isku wada raacey culimadda sayniska ku takhasustey, markii ay cilmi baaris sameeyeen, waxay ogaadeen in ilmaha afkiisa hooyo wax ku barto ay muhiim tahay oo ay fureyso fahanka ilmaha yar, curinta, keydinta iwm, intaas oo dhan marka uu afka hooyo wax ku barto ayey u fur furmayaan, waxaa la yiraahdaa ilmaha yar marka uu soogaaro dugsiga koowaad oo uu bilaabayo wuxuu soogalayaa, isagoo 13000 maskaxda ku haya, haddii la doonayo ragg aduunka wax ku soo kordhiya, marka hore waa in afkooda hooyo wax ku soo bartaan, haddii kale qofku wuxuu marayaa raad hore loomarey ayuu marayaa, haduu Af-qalaad wax ku bartey, iyadoo aan la diidaneyn in Afka qalaad wax lagu barto, Afka hooyo oo aad wax ku barato wuxuu kuu sahlayaa in luqado kale aad wax ku barato, haddaan soo qaadano nin aqoonyahan oo jaamacadd Toronto ka dhiga “ilmaha yar Afkiisa hooyo inta uu ka yaqaano waxa ay tahay, Keyd uu haysto si uu afka kale meel dheer uga gaaro, dhibta maanta inaga haysato waxaa weeyaan, Ilmihii yaraa, wuxuu iskuulka soogalayaa, isagoo aan aqoon Afkii Faransiiska, waxaana loodhiibayaa wax uu maalin walba ka shaqeeyo, islamarkaana uusan garaneyn, marka waxaa dhibta ah ee ilmaha ku haya waxaa weeye Hooyaddii dhashey ilmaha yar, aroortii waxay u dirtaa Dukaanka in uu wax uga soo iibiyo, wuuna fahmayaa xisaabtii hooyadii u direysey, laakiin waxa uusan garaneyn kelmadaha yar ee meesha ku qoran, marka haddii Af-soomaali loogu sheegi lahaa wax badan ayuu fahmi lahaa, waana kuwa horjooga fahankiisa, marka waxaa nasiib daro ah in dadd ay yiraahdaan Afka Hooyo wax laguma barankaro” ayuu yiri Cabdiqaadir Iimaan.

Waxaa kale oo uu intaa ku darey “Culimadda wax baara waxay yiraahdaan, Ilmaha markuu caloosha ku jiro ayaa loo sheekeeyaa, taa annagu yaab ayey nala tahay, halkaa mar dambe ayaan gaaridoonaaye, waa in gabdhaha guriga ka shaqeeyaa ay ahaadaan kuwo Afka Hooyada ku hadla, si ay ugu sahlanaato barashadda Afka Hooyo, sababtoo ah halkaas waa Isha labaad ee ilmaha wax ka qaato, tan seddaxaad waxay noqoneysaa bay’adda uu degan yahay iyo asxaabta uu la noolyahay waxay usoo kordhineysaa wax barashadiisii Afka Hooyo siday ugu sahli lahayd, markaa macallinku wuxuu saxayaa ereyada ku dhawaaqista xarfaha, maadaama Af-soomaaligu erayadiisa ay u qoran yihiin Laatiin, waxay inoo sahleysaa in Af-soomaaligii wax ku barano, waxyaabaha lagu hormarinkaro waxaa ka mid ah in Boorarka xafiisyadda iyo kuwo kale ee ku yaala dariiqyada Af-Faransiiskii la raaciyo Af-soomaali, sidoo kale Taleefishinka in lagu soo qoro Af-soomaali, sababtoo ah ilmihii haddii uu suuqa u baxo Afkiisa Hooyo wuu arkayaa, haddii TV-ga la shido sidoo kale waana silsilad ilamaha tarbiyadeyneysa, markaa ilmihii wixii xun iyo wixii samba halkaas ayaa looga sheegayaa”.

Jaamac Muuse Miicaad oo ka mid ah Odayaasha Taariikhyahanadda dhaqanka dalka Jabuuti oo isna meesha ka Hadley wuxuu yiri “qalinleyda Haboon ee qaaraddii walba joogta ee baahineysa qoraalka, Qurux baa ku lamaanee qaayahoodu ha waaree qumanaa taladoodu, waxaan hambalyo siinayaa Qalinleyda, Afka Hooyana wey u heelan yihiin, wax walba waxay leeyihiin Curad iyo Curad ku xigg, innaga dhaqankeena Diinta ayaa curad u ah, Afka Hooyana waa Curad ku xigihii, qolo walba waxay hormarisaa Afkeeda, ilbaxnimaddu waa Alifkeediyo aayaadka Eebe yiri inaad eegataa Alle mahadisaa, ilbaxnimadu waa idil hooyo iyo aabaha ku dhaley ereygooda wacan inaad eegatoo adeecsan tahay, ilbaxnimadu waa edeb iyo asluub inaad yeelatoo aduunyadda dhamaan aflax iyo aqoon aad ka aruursataa, marka hooyadu caruurta waxay bartaa Ereyada Af-soomaaliga ah inta ay yar yihiin  oo ay dhabta ku haysa wey bartaa, waxayna weydiisaa xubnaha jirkiisa iyo magacyada ay kala leeyihiin, aduunyada ilaahay markuu taagey udubkeeda dhoobada kolkuu aruuriyee aadan laga uumey, sey ubad u yeeshaan kolkuu xaawo adeejiyey, isirkoodu goortuu arlada meel kastaba aadey, ambiyadda kolkii loodiree amarka loodhiibey, amuuraha ilaahay kolkii loo ilma sheegey, qaarbaa ibleys aaminoo oodo baas koraye, naartaa abaal looga dhigey inay ku ooyaane, isirkeedu aadaayinoow waa islaamnimee, iskoolada kuwaa dhiganayoow diinta ku ekaada, afka hooyo inuu awdan yahay geliya uurkiina, Af shisheeye oo la erkado waa ekoon yahaye astaantooda inaad yeelatiin aad isaga dhowra, aydhiska iyo ibtilada uuwato laga ufoodaaye, iska eega meelaha ufta lagu arooraayo”.

Marwo Xildhibaanad Degmo Maxamed Isaaq oo halkaasi ka hadashey ayaa waxaa hadaladeeda ka mid ahaa “annigoo ku hadlaya Afka Ururka Haweenka Qaranka Dalka Jabuuti, waxay farxad weyn u tahay in ay nagu sharfaan bahda Somali Pen, in aan la qaban qaabino maalinta sharafta leh, annagoo magacii Hooyadda sidana, aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin, hambalyo ayaan leeyahay, dariiqyo badan baa la inoo tilmaamey, maadaama ay tahay Hooyo tii lagu magacaabayey Afkan iyo macallinkii ugu horeeyey ee caruurta, in hooyadda la gaarsiiyo mas’uuliyad badan in ay saran tahay, lana xoojiyo Afka Hooyadda u dhalatey, Soomaali, Canfar iyo midkuu ahaadaba, maanta nasiib ayeynu u yeelaney in aan fahano Afka Hooyo in aynu fahano, Hooyooyinkeenii hore caadi bay u ahayd in ilmaha Af-soomaaliga lagula hadlo oo wax badan loogu sheekeyn jirey si ilmahaas uu Afka Hooyadda u xajisto, islamarkaana uuna u siideyn” ayey tiri Marwo Degmo Maxamed Isaaq oo halkaasi ka hadashey.

Waxay keloo intaa klu dartey “waxaan u maleynayaa maanta Hooyo wey yara baahdey, hawlahaa ku badan, waxay wax ku baratey Af-kale, iyadoo la fahmayo qiimihiisa ayaa la yara fudeydsanayey, markaa Hooyo hawl badan baa u taala ee waa in lagu fara adeygo oo waa in ay uga soo baxdo sida ugu fiican, malaha waxaan ka mid ahay da’yada hawshoodii gabay ayaan ku jiraa, waxaad arkeysaa Hooyo caruurteedii dariiqa kula hadleysa Af- Faransiiska ama Ingiriisi kula hadleysa, mana yara qurux badna, ilmihii marka ay iyadu la joogaan waa in Afkeeda kula hadasho ayaa fiican oo ilmihiina wax ku barankaraa, maadaama ay iyadu tahay astaantii”.

Gudoomiyaha KMG Somali Speaking Pen ee Dalka Jabuuti Cabdalla Xaaji Cabdi oo gunaanadkii munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa wuxuu yiri  “annigoo ku hadlaya magaca Ururka Somali Speaking Pen waxaan u mahadnaqayaa ururka waddaniga ee U.N.F.D, farxad bey inoo tahay innagoo wada jirna in aynu xusno maalinta Afka Hooyo, 2006-kii ilaa iyo xiligan waxaa si joogta ah, jamhuuriyadda Jabuuti looga xusaa 21/02/2011 maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo, taasoo uu wareegto ku soo saarey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ujeedadda laga leeyahay waxay tahay in la ilaashado Afka Hooyo, islamarkaana laga hortagaa weerarka lagu hayo Afkeena, kuwaas oo halis ku ah dhaqankeena wanaagsan iyo soojireenka, Ummadd kasta waxaa tiir u ah Afkeeda iyo dhaqankeeda, marka laga waayo Afka Suugaan la tirinayo waxaa lagu sheegaa Af-dhintey, iyadoo arrimahaa laga shidaal qaadanayo arrimahaa ayaa jamhuuriyadda Jabuuti uu hormuud u yahay mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay ku tilaabsatey sidii loo daryeeli lahaa afafka Soomaaliga iyo Canfariga ee innagu aanu leenahay, sanadkii 2002-dii wixii ka dambeeyey waxaa jabuuti laga aas aasey machadka horumarinta Afafka, kaasoo soo saarey buugaagg Soomaali iyo Canfari ah, waxayna u badnaayeen Suugaan iyo Taariikh, waxaa lagu guda jiraa manhaj wax-barasho oo dugsiyadda dalka lagu dhigi doono, haddii ilaahay yiraahdo, dadaaladaa horumarinta Afka Hooyo, waxaa qayb libaax leh ka qaatey Somali Speaking Pen, Ururka Cafar Pen iyo U.N.F.D, daryeelka Afka Hooyo ma ahan mid ku kooban dowladda yo Urur gaar ah ee waa mid ku waajib ah ruux walba oo wadani ah”.

Arrintan ayaa waxay ka mid tahay dadaalada iyo is-bedelada xawliga ku socda ee uu ku doonayo madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle mudadii uu xilka hayey, taasoo la dhihikaro waa aas aas addag oo uu salkau dhigayo shacab in mudo ah u oomanaa, ka bixitaan bur burka gumeystihii soomarey dalka oo dhaqan, taariikh iyo afkii ay lahaayeen  aan wax horumar ah laga sameyn mudadii ay xornimadda ka qaateen

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.