Home » Warar »

Heshiis ay wadajir u gaareen Puntland iyo Galmudug

“Shirweyne qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhammaadaa mudada u harsan DFKMG oo ah 20 Agosto 2011” … “Kororsiimada xilligan ee baarlamaanka iyo xukuumadda Federaarka ah munaasib uma aha ummadda Soomaaliyeed waqtigan”… Waa qodobbo kamid ah heshiiska Puntland iyo Galmudug….

Heshiisha oo dhamaystiran ka akhri halkan (PDF)


Warbixin kooban:

Xaflad lagu soo bandhigayey heshiis dhinacyo badan Taabanaya oo ay wada Gaadheen Maamulada Gal Mudug iyo Puntland ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe iyadoo halkaasi laga jeediyey khudbado waxyaalo dhowr ah lagu sheegay.

Heshiiskaan ayaa ka koobnaa saddex qodob oo waa wayn oo ay si wada jir ah u saxiixeen Madaxda labbada dhinac ee Puntland iyo Gal Mudug oo shir dheer kadib qodobadaan soo saaray:

1- Xal u helida Arimaha Soomaaliya.
2- Arimaha Nabad gelyada Labbada dhinac.
3- iskaashiga dhinac walba.

Intaasi waxaa dheer nuqulo dhowr ah oo ay ku midaysan yihiin labbada dhinac sida La dagaalanka Argagixisada, dhaleecaynta wakhti kororsiga baarlamanka DFKMG soomaaliya, iyo midaynta ciidamo ay leeyihiin labbada maamul oo ka shaqeeya difaacada deeganada Galmudug iyo buntlaandh.

Madaxweyne ku xigeenka Gal Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed oo dhankiisa heshiiska u saxiixay ayaa waxaa uu xaflada ka jeediyey khudbad dheer Taasi oo kaga hadlay heshiiska isagoo sheegay in kulankaani yahay kii ugu horeeyey ee lagu gaadhi lahaa xal u helida dalka soomaaliya.


Dr Faroole, madaxweynaha Puntland, ayaa isagu waxaa uu guul ku Tilmaamay heshiiska dhinacyada badan Tabanaya ee ay wada gaadheen Gal Mudug iyo buntlaand, isagoo hadalkiisa sii raaciyey in uu noqon doono heshiiskaan mid bilowgii dib u heshiisiinta dhabta ah ee soomaaliya, waxaa kaloo uu aad hadalka ugu adkeeyey in la adkeeyo qodobada ka hadlaya la dagaalanka burcad badeeda iyo sugida Amniga, waxaa kaloo uu soo hadal qaaday nuqul iskaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha Taas oo wakhtigaan loo baahan in wax laga wada qabto.

15-bishaan ayey ahayd markii saraakiil ka Tirsan Gal mudug oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi ay soo gaadheen Garoowe kuwaasi oo muddo labba Maalmood shir kula jiray Puntlandh, kadibna laga soo saaray Heshiiskaan wada jirka ah.

Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay labada madaxweyne ku xigeen, Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Cabdisamad Nuur Guuleed

Heshiisha oo dhamaystiran ka akhri halkan (PDF)

Sawirada iyo warbixinta kooban:  mohamed yusuf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Heshiis ay wadajir u gaareen Puntland iyo Galmudug "

  1. mohamuud says:

    aad ayaan ugu farax sanahay dhamaan heshiiska dhexmaray labada maamul tani waa mid keeni karta in xasiloonida soomaaliya si fudud loo soo dabaalo lkn maahan in dagaal ku iyo tafaraaruqu sii socdo runtii way dadaalayaan maamuladaan lkn caqabada hortaagin waa madaxweynaha iyo raysal wasaarada oo aan rabin in wax walba oo heshiis , waxqabad iyo qandaraas ay saxiixaan say wax un bangiga uga dhigtaan waxaana tusaale inoo kufilan in madaxweyne shariif uu diidan yahay heshiidka puntland iyo TFGda raysal wasaaruhuna sidoo kale uu diiidan yaha;y marka meesha laga qurmayo waa madaxa sare giriigu wuxuu ku maahmaahaa kalluunku wuxuu ka qurmaa madaxa sare

  2. aAli says:

    Heshiiskaan waa nabad ku wada noolaasho iyo deris wanaag.
    Galmudug ayeey ku xiran tahay heshiiskaan hirgelidiisa .

  3. xaawo xuseen says:

    heshiiskani wuxuu soo dhaweynayaa sidii ay soomaaliya oo idil ku wada heshiin laheyd waana wax loo baahan yahay in ay soomaaliya is raadsato sida labada gobol ee hadda israadsaday waa arin aad uwanaagsan haddii aysan qayaano ku jirin soomaaliya in badan bey isa soo gubeysay mid walbaa oo xal wadaana wax baa uqarsoon marka waxan walaalahey soomaaliyeed ka codsanayaa in ay heshiiskooda qeemo uyeelaan oo ay ka dhigaan mid wax ku ool ah oo wax utaraya dadka iyo dalka soomaaliyeed ee dhibaatada xoogan heyso dhinac walbo heshiiska yaan laga dhigin mid ah maanta baahi baa iqabatay waalkeybaan heshiis ula tegaa beri haddii ay ku deysana mid loo qaadanaayo qorigii ee haka fiirsadaano walalahey soomaaliyeed aniga waxan ahay gabar soomaaliyeed oo wadani ah oo jecel wadankeeda100% uu noqdo nabad iyo barwaaqo.
    waxan mar kale usheegayaa walaalahey soomaaliyeed ee heshiiskan soo dejiye in ay ka dhigaan mid qaran nimo oo ah heshiis soomaali oo idil ku wada qanacdo taladan oo kale ha ka soo jeediyaano meel walbo oo maamul goboleed ka jiro , waxa jirto oo lawada ogsoon yahay in gobol kaliya uu dowlad jirtaa noqon karin laakiin dowladu ay tahay wadan dhan.
    waxan kusii baraarujinayaa labada maamul ee heshiisyadan kala saxiixday hees wadani ah.

    maangaabka taladiisu waa maqanajoogee waanada ma qaatee wuu malamaleegaa midigtaba maciin maleh hadey bidixda maqantahay waa laba mataanoo hawsha maamulaayee muraqiina maaloo dhulka miro kubeeroo macdanta dahabka muujiya wanaagee.

  4. Farah says:

    Shirkaasi waa BAADIL kamana shaqeynayo degaanada Mudug ee Puntland joogto. Waad la socotaan sida shacabka Mudug ay uga soo horjeesteen heshiiskaas oo ay dani ugu jirto Galmudug.
    Dadka degaanka Mudug haddaan lagala tashan madaxdooda ama hoggaamiyaashooda heshiisyada noocan oo kale ah kama dhaqan galayaan waa wax la hubo.
    Marka Caqligu ha shaqeeyo……